Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
Alla anoo shaqada ku jira ayaan markaan meesha ku arkay Kambuli mageceeda ayuu my heart skipped a beat, kaama maarmee maalin maan ku heli, maanku haydego e.
Milgo loo sameeyiyo haddaan, gabaygu meel haysan Ama arin marroorsamay ka curan, madaxa hawl gaadha Ama mawjad godoshaa ku dedin, murugo saamaynleh Macno malaha midho aad dhistoon, noqonin maahmaahe
Hawraar iyo mushaawiro tixdaan, muhindisee dhaabay Arartaan maggaabshiyo intaa, gogoldhig aan meershay Waxa igu muquunshaye ibaday, inaan ka maansoodo Waa maag jacayl oo I helay, maxamed raadoowe
Il go`ayga muuqdiyo waxaa, madhiyay jiidh kayga Mudo aan yarayn baan lahaa, yaan lagaa maqale Maad yaan lagaa dhigan waxaan, ugu xidhaa meelba Ma holodo e sheekada waxaan, qariyo maandhoowba
Meded waxan I dhaahdiyo waxaan, mala haboow shaaba Waxa maqane aan tebay waxaan, keli u muudaaba Wuxu khayre moog yahay wuxuu, mariyo guuleedba
Waxay maray dadkaygii waxay, durrimo moodaanba Marba oday lur soo maray waxay, maan ka weriyaanba Wadaad mariya baabkiyo wuxuu, macil baadhaaba Mid dabiib u sheegiyo waxay, male u waayaanba Mashaa`iikh I raacdiyo waxay, maag u badiyaanba Cashar Milan qardhaas iyo waxay, kayn I mariyaanba
Murkii haysan waayoo kalgacal, iga midh roonaaye Layga maqalye maanta aan furfuro, maaxay gabaygiiye
Ammaan iyo milgooy baan sidaa, heeso maangala e Maansadii cuslayd iyo baan sidaa, muxubo heeloode Mawjad aan dhammaan baan faraqi, maarar aan hadhine Layga maqalye maanta aan furfuro, maaxay gabaygiiye
Afartaa mataanaha is mida, ama maqaamaysan Midhahaa la qiimeeyay iyo hadalkan maamuusan Waa maqaal daboolaa ogaal, maqashii hawraare Moogada tixdaydiyo halkaan, ula muraad yeeshay Balaan maar ku dhaadhaco ayaan, seegin marinkiiye
Caashaqa mayracay inaad, maqashay lay sheegye Waa mawd kii boodhari deldelay, melegiyo laayaane Ana miciyihiisii I sudhay, muruqna ii baanye Miyi iyo magaalaba warkii, maanta wada gaadhye Mudo la igu haasaw hadana, la igu maahmaahye Madashaan imaadaba dartaa, la iga soo maagye
Mudadaan ku naawilay intaan, kuu min tirinaayay Intaan kuu maleegnaa ragbaa, maydh ka soo degaye Iga madhay dulqaadkii majiro, madax adaygiiye Ha marsheen adduunyada sidii, maayad dhool da`aye Ha mushaaxo reeraha illaa, mooska shiinaha e
Marsadii togdheer iyo nugaal, mudug ha geeyeene Intuu caashaq soo maray ha mudo, hana mataakheene Hayga wada macaasheen intii, ila masaalayde Murti dhaadhigoodiyo illaa, muuse haw tago e Aday sida maqaarkee haddaan, kuu masalo sheegto Bal I maqal murtaan kuu alkumay, waana kuu marine
Hir magoolay midho kayn kabaxay, malabka hoobaanta Yabaq madaw geedo aan la marin, midab cagaar doogleh Mareeg buuxda madal geel ku dhalay, dararta maal reemay Sidiisaa maguuraan kalgacal, laygu kaa milaye Waxba yay muraaqadu I lalin, muxubo heelloode Kaama maarmee maalin maan ku heli, maanku haydego e
Oon marnaba ku daalayn indhaha, milicsadee dhawra Oon xussuusta maankiyo ka go`in, laabta midab kiisu Sidiisaa maguuraan kalgacal, laygu kaa milaye Waxba yay muraaqadu I lalin, muxubo heelloode Kaama maarmee maalin maan ku heli, maanku haydego e
Dadkoo maangaddeedii hadh galay, maalin dhalanteed leh Ayaan keligay muudaa cadceed, milic kaliileede Wado madaw dariiq aan la marin, meelo laga maago Mahaaligo intaan galay dartaa, moosin laga fiigay Male keeni maayoo majiro, ruux metelayaaye Meeraalaysi gaygay nafluhu, iga mushteegeene Miyir laawe iyo waxay moodayaan, ruux maraan qaba e
Aduun baygu maaxdoon milgooy, mar iga guurayne Marna kuma hilmaamoo adaa, laygu kaa maraye Maxayga iyo adigaa mijaha, maalay keligaaye Maskaxda iyo dareenkaad mirtaa, meelaan joogaba e Aduun baygu mudanoo wax kale, waan ka maan go`aye Inaan kuu milliilicay adaa, ii markhaatiya e Waxba yay muraaqadu I lalin, muxubo heelloode Kaama maarmee maalin maan ku heli, maanku haydego e
Madhaafaan waxaad tahay hablii, magacu saaraaye Gobtii muuse wayniyo reerihii, muuqday baad tahay Waxan kugu masaalaa majiro, magan illaahaye Waxba yay muraaqadu I lalin, muxubo heelloode Kaama maarmee maalin maan ku heli, maanku haydego e
Nin maal hodo muuq wiil ku gala, mudane hayb raaca Boqol marin midkood bay hablaha, raggu ku miidhaane Nin walibana miduu caashaqaa, waw maryama luule Ana maanta mayaygaygu da`ay, maayadlahan caashaq Waxa laygu kaa muday haddaan, meel ku sababeeyo
Siduu maalig kuu uumay iyo, moolka dhalan kaaga Qalin baa la mariyaye ilkaha, dabarku maanseeyay Marso culan sideedii timaha, maraya duudkaaga Ereyada macaan iyo codkaad, malabka moodayso
Madaxaad dadbaysiyo wejigaad, marada saarayso Laafyaha la miisaamay iyo, xayaha kaa muuqda Marta iyo hagoogtaa I dilay, milicsigoodiiye Waxba yay muraaqadu I lalin, muxubo heelloode Kaama maarmee maalin maan ku heli, maanku haydego e
Maalintaan isbaranaan fatahay, muhashadaadiiye Midabkaaga iyo waxay furfuray, muuqa dhaayaha e Markii aan maggaabaan waddacay, miin halhays badane Cilmi kii makalay baygu mudan, maayad qaro wayne
Wuxu ii miciinsaday milgooy, mur iyo daybaaqe Ma ledoo mannaam iyo hurdaba, wayga maanacaye Lama maqal iyo wuxu igu furay, lama maleeyaane Ka laymariyay caashaqa I miray, mahadho weeyaane Waxba yay muraaqadu I lalin, muxubo heelloode Kaama maarmee maalin maan ku heli, maanku haydego e
Heesaha macaan iyo milgooy, meeriskiyo luuqda Muxubayga keentee si fudud, uma miskeedeene Masalooyin kayguu lulmaa, kay u mariyaane Midhahayga gayaankii maqlaa, laysu mehershaaye Maansadaan daraadaa tirshaa, laga mafsuudaaye
Muhda gabayga adaan kuu lisaa, magar cadkiisiiye Murtidayda adaan kuu dhuraa, ceelka maaxda lehe Suugaan madiya adaan kuu marshaa, kugu madiigaaye Marba kaw macaan iyo midkii, lagu murqaan gooyo Waxan hadalka kuu miirayaa, kaw mullaax badane Yay masuugin sidaan kuulahaa, madhiyay hawraare
Waxaas oo masaa`ila adaan kuu miskeed sadaye Waxba yay muraaqadu I lalin, muxubo heelloode Kaama maarmee maalin maan ku heli, maanku haydego e Waxba yaanan maararooga gabay, sii milgooy wadine
Madawgii habeenka iyo illaa, muuqashada waaga Madadaalis kaagaan jeclahay, maalin iyo layle Maalintaanad I maaweelinayn, jeex dhan bay maqane Marxaba iyo waayahayna aniga, way magdhebi layde Waxba yay muraaqadu I lalin, muxubo heelloode Kaama maarmee maalin maan ku heli, maanku haydego e.
Kambuli: I cant stand you, why did you leave? what did I do wrong for you not to care anymore? I know one time when you said that you loved me with all your heart. what happened to the girl I knew, with her charming voice, which could stop everyone if exposed, whose imaginable right hand was in my left hand? I cannot pretend that I don't love you anymore, but I cannot pretend don't hate you either.
as I kill the memories of you and me, sirens start ringing from my heart. coming to capture me are the officers of my love. Inscribed in an army of dark beings, you look at me with the eyes I once knew but then they change into hatred I am being forced away. as I am driven away, rich, silent voices start talking, they're telling me all our conversations, and as they do, I start to cry. I picture nothing but you, your looks, personality, charm. and then it just disappears, vanishes, right before my eyes.
I knew you loved me, but you didn't know that I loved you back. you were blinded, distracted maybe NO! you just didn't care, didn't want to see.
I do hate you, but I'll still love you FOREVER FOOLXUME
Last edited by foolxume2005 on Fri Dec 15, 2006 3:50 pm, edited 2 times in total.
[quote="Samatr"]Don't scare her off again. [/quote]
Samatarow, I dont wanna scare off I just wanna say to her: Its amazing how i see your name pop up, And i wanna pop out of my seat, Its amazing i can be so sad and blue, But no matter what i do, When i talk to you i cant help but smile, Its amazing how god can give us such little thing, But to one person that little thing, Is there whole life, In my heart i know, I can never be what u deserve, But i cant help, To love you till the end
You turned your back and started to walk, I cried out to you, but you did not hear. I tried to get up and run after you, You turned and said you have to stay dear.
How could you come and turn and leave, My heart ripping in agony., What were you trying to do to me.
I have been waiting for so long, for you to come for me. My pain would finally come to an end, There is something you want me to see.
Now I am back in my living hell, waiting again for you. For the time you will come and take my hand, to lead me away to the promised land.
Not much inaabti... Waxoogaa sir ah oo fakatay mooyee... Sideyda kale waa shab shab....Foolka junior weli ma dhashay? Walqasha se wax ma naga siin doontaa haddii Eebbe Idmo?
Nice to you see you again sis...lama huraan waa caws jiilaal..
Snet with all its shor comings is the place to be....and btw..allah caaygii aad buu yaraaday..it mainly sheeko, qabiil and TFG and ICU now a days as you can see it yourself.
soo ha is martiyen...odgaaan lugooyana warkiisa ka bax waayahaanba beentuu yara bartaye..
And midkaan foosha xunse...dee you know how to handle him baan filaayaa.