[quote="THE ELEMENT"]Eyes, “dagaal wiil baa ku dhinta ee wiil kuma dhasho”...if this radical Islamists had known this the death of these school children wouldn’t have been necessary, but am sure your precious ICU knew what the heck they were doing when they forcefully brought them poor children to the frontline.
...The so-call Sheikh Aweys and other prominent Co. sadly, have their plane ready just incase sh!t hits the roof, but than again what would you know about this since your some radicalized dickhead who doesn’t know jack about our beloved “Diin.”[/quote]
Blah blah blah...
"dagaal wiil baa ku dhinta ee wiil kuma dhasho”
siad Barre said that when UCS reached Afgoy.
Now you are saying it when maxkamaha took Iidale and Daynunay.
Idaale 23, Dec.06 ( Sh.M.Network) – Xaaladda deegaannada ku dhow dhow Iidaalle oo ay dagaallo ka dhacayeen maalintii 5aad ayaa gelinkii dambe ee maanta degneyd, iyadoo ciidamaduna ay wali is hor fadhiyaan.
Waxaa galinkii dambe ee maanta iskeed u istaagtey rasaastii ay is weydaarsanayeen ciidamo ka tirsan maxaakimta islaamka Somalia iyo kuwa dowladda ethiopia deegaanno ku dhow dhow Iidaalle.
Wariye Ismaaciil Cali Cabdi Taxte oo ka tirsan idaacadda Shabelle oo galabta gaarey Iidaalle isagoo ay la socdaan koox wariyayaal ah ayaa waxaa uu soo sheegey in gacantat ay si buuxda ugu hayaan deegaankaaasi Maxaaakiimt Islaamka Somalia oo ay waayahanba soo baxeysey sheegasho dhinacyo iska soo horjeeda inuu midba midka kale uu kala wareegay ah..
Waxaa uu soo sheegey in ciidamadii Ethiopia dib loogu riixey deegaanno dhinaca Baydhabo xiga oo dagaalladuna maantuna ay ahaayeen kuwo ka dhacaayey deegaanno ku dhow dhow xerada Manaaas ee dowladd KMG ah ciidamo ay ku xareysan jirtey.
Ismaaciil Taxte waxaa uu intaasi ku darey maanta intii ay waddada ku jireen oo ay u socdeen deegaanka Iidaalle ay iyaga iyo kooxda suxufiyiinta ay indhahooda ku soo arkeen ciidamo Ethiopian ah oo ku dhintey dagaalladii maalmahan socdey oo meydadkooda daadsaan wadooyinka deegaanka Iidaalle iyo halka laga soo galo.
Waxaa uu ku sheegey in caddooda ay gaarayaan inta ay arkeen illaa iyo wali 20 meyd,taasoo meydadka ka sakow ay arkeen ID Card-yo ay wateen iyo ducomintiyo kale oo muujinaaya in ka mid ahaaanshaha ciidamada Ethiopia ee ka dagaallamaaya qeybo ka mid ah Gobolka Baay
Waxaa uu sheegey in saraakiisha Golaha maxaakimta Islaamk Somalia ee ku sugan Iidaalle ay u sheegeen in tirada Meydadka Ciidamada Ethiopia ay intaas ka badan yihiin oo ay jiraan kuwo kale oo yaalla agagaarka deegaanada ay raasaastu ka dhaceysayey oo aaney suxufiyiintu siineyn iney halkaa tagaan.
Si kastab ha ahaatee waxa maalmahan jirey sheegasho dhinacyada dowladda KMG ah ee Somalia iyo GMIS oo ku aaddan Gacan ku heynta deegaanka Iidaalle ee Gobolka Baay,waxaana saraakiil ka tirsaneyd Maxakiimta Islaamka Somalia hore u sheegeen iney geyn donaan saxfiyiin meelahaasi ay qabsdeen oo ay kala wareegeen kuwa Ethiopia si loo soo ogaado runta halkaa ka jirta.
Wariye taxte oo ku sugan jiida hore ee dagaalka ayaa sawiro ka soo qaaday halkaasi oo maalamaha soo socda aad ka dawan doontaan bogga shabelle xaqiiqda dhabta ah ee halkaasi ka jirta.
Shabelle Media Network Somalia
E-mail us:
info@shabelle.net Shabelle Webmaster:
baabul@shabelle.net Shabelle news in English
© 2005 Shabelle Media Network All Rights Reserved, Designed by: Baabul