i have never seen so many try to build their confidence at one given point
i mean somewhere in your DENSE ass heads, do you not suspect why bare hirale left kismaayo after naming a MAAMUL for the city AND the port and announcing the opening of the port?
[quote]Madaxa Guddiga Nabadgelyada iyo Horumarinta jubbooyinka xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig iyo ku xigeenkiisa ahna duqa magaalada Xaaji Daahir maxamed Cilmi ayaa maanta ka qayb galay kullan ay saraakiisha Itoobiya la yeesheen Beelaha jubbooyinka[/quote]
Xiddig=Ogaadeen/Cawlyahan
Xaaji Daahir=reer Dalal Diini/Mareexaan
anyone know who they are?

Wasiirka Gaashaandhiga Oo U Ambabaxay Muqdisho Iyo Howlaha Maamul Ee Jubbada Hoose Oo Si Rasmi Ah U Socda
Jan 11,2007
by Kismaayo-GEDO-NN
Wasiirka Gaashaandhiga ee Dawlada federaalka Barre Aaden Shire ayaa xalay saqdii dhexe Socdaal dhinaca lugta ah ugu ambabaxay magaalada caasimada ah ee Muqdisho, sida ay ku warameen saraakiil u dhawdhaw wasiirka gaashandhiga.
Waxaa uu kullan la yeelan doonaa madaxwaynaha dawladda federaalka C/laahi Yuusuf Axmed iyo masuuliyiinta kale dowladda federaalka oo ku sugan caasimada, waxaana dhowaan ka bilaabmi doono magaalada Muqdisho howlo dib u habeyn loogu sameynayo ciidankii xoogga dalka Soomaliya
Wasiirku waxaa uu magaalada kismaayo ka ambabaxay markii uu shalay si rasmi ah u furay dekada Caalimaga ah ee kismaayo oo muddo 10 maalmood ah xirnayd si loo soo celiyo adeegii dhinaca Cunada iyo dhaqdhaqaaqa Dhaqaale ee dekada looga bartay. Waxaa la arkayay maanta xubnaha guddiga uu dhawaantan magacaabay wasiirka gaashaandhiga o hawlahooda gudanaya kadib markii laga gudbay cabashooyin ay beelaha qaarkood sooo jeediyeen.
Madaxa Guddiga Nabadgelyada iyo Horumarinta jubbooyinka xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig iyo ku xigeenkiisa ahna duqa magaalada Xaaji Daahir maxamed Cilmi ayaa maanta ka qayb galay kullan ay saraakiisha Itoobiya la yeesheen Beelaha jubbooyinka oo lagu gaarsiinayay amarro ah in ay taageeraan hawlaha nabadgelyo soo celinta ee ciidanka dawladda iyo in ay kala soo baxaan qaraabadooda iyo kuwa ay masuulka ka yihiin dhulka hawdka ah ee ay ku dhuumaalaysanayaan si loo dhaqan celiyo oo ay ugu mid noqdaan ciidamada dowladda federaalka.
N D F-GEDO-NN-Kismaayo