Page 2 of 2

Re: Somali literature,

Posted: Fri Mar 09, 2007 7:33 pm
by XidigtaJSL
Hodan

Cilmi Ismail Liibaan (BOODHARI) , Ciidagale

Sidii geel horwayno wax badan hawdka miranaayey
Oo haro la soo joojiyo kuraygu heegaayo
Oo hoobay loo qaaday iyo hadal walwaaleedka

Kolkaad Hodan tidhaahdaanba waan soo hinqanayaaye
Haday hawlyaraan idin latahay aniga way hooge
Ayadoon xabaal lagu hamsiin waanaan ka hadhayne

Hammada beenah marbaan is idha waad la hurudaaye
Jin uun bay haddoodilay miday habar wadaageene
Hareertayda madhan baan is idhi haadso gacanteeda

Kolki aan hubsaday meel cidla ah inaan ku hawshooday
haabhaabadkii dambaan soo hambaabiraye
U haylhaylay gogoshii sidii halablihii aare

Siday iga haleeyeen maryihii hiifay oo tumaye
U hagoogtay sidii geesi ay niman ka hiisheene
U hiloobay sidii wiil la dhacay kadin ay haysteene

U hiqleeyey sidii naag layidhi huray dalaaqdaaye
Wax aanad haynin oo haabsataa habartii weeyaane
Hoheey iyo hoheey maxaa hadimo lay gaystay

Re: Somali literature,

Posted: Fri Mar 09, 2007 11:55 pm
by RIIGHAYE
Ok , you guys made my lead balloon go down. Laughing