This man said it for me in his beautiful, articulate peom
Amaan Dumar
Maxamed Nuur Fadal (HJ)
1. Xasanow dhawaaq gabay haddaad iga dhaguugayso
2. hadduu guur qalbiga kaaga dhaco dheelin baad tahaye
3. dhadhan ma laha naagaa middii dhoocil noqotaaye(Good attitude ama dabeecadeheeda)
4. dhulka jiifto lama guursadiyo dhererka qaarkiise(Height)
5. hadday dhuubo weyd tahayna waa raaxo kaa dhimane(Weight, if she is too skiny you missing out in the bedroom

)
6. meesha iyo dhalaanimo middaan anigu dhowraayay
7. dhildhilada gacmihiyo shanshada dhumucda loo yelay(Her hands )
8. dhexda madaga dhaayaha indhaa dhaban wanaageda(Her waist-Her eyes and her cheecks )
9. dhudda qoorta iyo faayahay dhudi la soo jeedo-
10. dhubbad qaadka timahaad haldhaa dhalinki moodayso
11. cirrid dhuxla iyo suuniyaa dhibic dawaadeeda(her teeth, gum, eye-brow
12. dhumbal-mada cad dhoolaa ilkuu dhayag noo dile'e
13. saddex dhudalay dhaclaa iyo dawali dhixir wanageda
14. sindi dheehan Qoolow sidii lagu dhex taalleeyay
15. waqfiyada gacmaa lagu dhuftee saayaq lagu dhaabay
16. dammideedba maantay deerays dheeg iskaga yeesho
17. ee ay dhabeelnimiyo qurux dhuuxa ka iftiinto
18. dhugta lugha iyo faayahay dhebel u sii dayso
19. kolkay socodka dhiif uma waddee dhebi sidii liicdo(the way she walks)
20. dhega inan rag kay dhinac martaa dheelmatiin galabe
21. dhaqan iyo adduun lama hadheen dhogorta xoolaade
22. inta dahabka lacag dheertahay dumarka dhaantaaye
23. dhadhab igula looshiyo hurdada dhool anoo ladaye
24. dhuuxaga iyo feedhay dhudi ku laaqnayde
25. sidii malagga ruuxayga dhigay laygu kaa dherere
26. inkastay dhallaan yeelatiyo ubad dhawaaqaaya
27. dhimashada ha joogtee si kale waw dhur sugayaa
28. dhufsataye qalbiga maanigaa dhudi ka reebaaya