Gaboose was voted as the chairman of the SAHAN party only a month beofre the general elections took place, his party won in Togdheer and Sanaag regions. UCID, a party that failed to win a single state was announced as
a winner. Dr. Gaboose is on a new mission to run for the Kulmiye party seat
Muuse Biixi iyo Dr. M .A Gaboose, oo dadaal Mataanaysan ugu jira qabashada Hogaminta Xisbiga Kulmiye
Waxa mudooyinkan danbaba socday loolan loogu jiro madaxnimada iyo hogaaminta xisbig kulmiye, kaasi oo imika u kala miirmaya laba dhinac.waxaana sida aanu ka xaqiijinay dad kala duwan dadaal iyo firfircooni dheeriyihi ka muuqataa dhinac ay hormood u yihiin Muse Biixiiyo Dr Gaboosi oo aad ugu fadalcad dhinac ay horjoogaha u yihiin gudoomiyaha xisbiga ee waqtigan iyo ku xigeenkiisa Fagadhe.
Ololahan ay wadaan Muuse Biixi Dr Mohamed Abdi Gaboose iyo dad badan oo kale waxa uu sida ay wararku tibaaxayaan bilawday muddo bilo ka hor ah, kaasi dardar iyo xawlina kordhiyey xilliyadii uu socday shirkii xisbiga kulmiye ku qabsaday magaalada London dhamaadkii bishii January ee tagtey. Shirkaasi oo xisbiga gudihiisa ka abuurey kala shi bada.
Ololaha kooxdan oo sida muuqata aad looga dareensan yahay gudaha dalka iyo debedaba yeeshana wadatashi iyo shirar googoosa ku oo u dhaca hab aan kaashif ahayn, iyagoo yaalaaba ka dhaca meelo cayiman oo ay ka mid yihiin Ambanssador Hutel, guryo gaar ah iyo sidoo kale dhulbeereed u Muse Biixi ku leeyahay agagaaraha Geed-deeble.
Kooxdan oo aad ugu dhiiran in hello isbadal lagu sameeyo hogaaminta xisbiga si looga soo kabto guuldarooyinkii xisbigu kala kulmay doorashooyinkii wadanka ka dhacay, loogana samatabaxo bay yidhaahdeen ididiilo xumadda ka muuqata saadaasha kuwa soo socda.
Sida la xasuusanyahayna waxa xisbiga aad loogu jabiyey doorashooyinkii dawladaha hoose, iyadoo xisbigu ku guulaysan wayey degmo kaliya ka hello tiro macno leh si uu dhiso maamul degaan. Sidoo kale doorashadii Madextooyada, inkastoo xisbigu waqtigii ololaha doorashada adeegsadey halkudhegyo caadifi ah oo aad xasaasi u ah(clannationalism election propaganda) kuwaasi oo ka reeban hanaanka, tartanka doorashooyinka demoqraadiga ah iyo siyaasadaha casriga ah(modern politics), haddana waxay noqotay doorashadaasi mid lagaga adkaaday.
Guuldarada seddexaad ee soo gaadhay oo ahayd waxay ahayd tii Golaha Wakiilda, taasi oo xisbigu filayey qoondeystayna in uu ku guuleysandoonaa inta u dhaxaysa 50 ilaa 60 kursi, xaasilkii wuxuu noqday in uu ku guuleysto 28 kursi oo kaliya 82 kursi ee Golaha.
Kooxdani ay horseed u yihiin Muuse Biixi iyo Dr Gaboose iyagoo cuskanaysa guuldarooyinkaa isdaba yaaley, waxay ku adkeysanayaan in la gaadhay waqtigii xisbiga lagu sameyn lahaa hogaan bedel (change of Leadership), dib u habayn iyo dib u qaabeyn siyaasadeed.
Sida ay xaqiijiyeen xubno ka mid ah guddiga ee fulinta ee xisbigu waxa jirta teegeero la isku haleyn karo oo lagu taabacsan yahay ololahan Muuse iyo Gaboose. Dadka xisbiga miisaanweyn ku leh ee taageersan arintana waxa ka mid ah; Dr Cabdi Aw daahir, Dr Ahmed Ibrahim( Obolos), M Ahmed Hirsi, Mohamoud Haashi, Ciise Curaagte iyo Abdirahman Aw Cali oo isagu markii ka cagotaaleeyey taageerida kooxdan haseyeeshee Muuse ugu baanay abaalkii u geystay waqtigii u socday shirkii Boorama ee uu C/rahmaan uu tartamayey jagada madexweyne ku xigeenka una sheegay in abaalkaa gudistiisa maanta looga fadhiyo, taasi oo bedeshay mawqifkii hore ee C/rahmaan Aw Cali.
Sidoo kale waxa jira Xubno ku jira G/Wakiilada sida; C/Casiis M Samaale oo isagu markii hore ku taamayey in uu tartanka madaxnimada xisbiga ka qaybgali doono haseyeeshee ay doonistiisii xagaldaacisay xaalada cakiran ee guddiga doorashooyinka qaranka oo majarohabaabinteeda dadku ku eedeeyo gudoonka golaha wakiilada si gaarana farta loogu fiiqo Mr Samaale, taasi oo ku noqotay dhaawac siyaasadeed oo hakisey hamigiisii(a spectacular political own goal).
Xubnaha kale ee ku jira golaha waxa ka mid ah xildhibaan Ikraan X.Daa’uud, Yussuf Mohamed(Tuke), Axmedweyne, Ibrahim Ahmed (Kacaan),Dr Cali Yuusuf, C/rahman Yussuf Cartan, Mohamed X. Yussuf(Waabeeyo), Axmed Cilmi Rooble, Mohamed Xuseen X. Ciise ,Bulqaas iyo xubno kale. Waxa iyaguna jira shakhsiyaad kale oo hore ugu soo bixi waayey doorashadii Golaha wakiilada oo imika kaalin firfircoon kaga jira ololahan hogaan xisbiga lagu bedelayo kuwaasi oo ay ka mid yihiin Cabdillahi Black, Yussuf Nuur (Guruusje) iyo qaar kale.
Xisbiga oo ay raggaadisay ku naaloodka iyo guul isku waabida la xidhiidha tagtada taariikhda ku xusan iyo waajibaad guurtiisii wadar lagu gutay (pre-Somaliland era existing matters and circumstances) imikana aan geyin galina karin wax lagu goolaaftamo ama lagu dhigto gabaad siyaasadeed oo ciddi gaar u wadato(dadkuna u macnaystaan anaaninimo iyo awrokacsi) iyo xisbiga oo u baahan kasmo iyo fogaan arag la falgasha jirtadda waayaha taagan iyo dunida maanta(contemporary Somaliland political, economic and social issues).
Ta labaad mawqifka iyo majaraha qalafsan ee ay ka maqantahay u nuglaanshaha iyo xeerinta danta dadka iyo dalka, suuldaaradana ku ah geedisocodka iyo nidaamka guud.
Ta seddexaad sensaanqaybeedka xisbiga ku sidkan ee gaabisey in dalaalimada iyo dabaysha xisbigu gaadho degaamada, darifyada iyo dacalada dalka oo dhan.
Waqtigan xaadirka ah waxa la sheegayaa in kooxdan ay hogaaminayaan Muuse iyo Gaboose haysato taageero badan oo ah xisbiga gudihiisa dal iyo debedba. Sidoo kale waxa jira maalqabeeno caan ah oo u muujiyey in ay taageero u hayaan kooxdan sida; Khadar Abaansader, Mohamed Indhodeero iyo mid ka mid ah tujaarta caanka ah ee reer Jabuuti oo aan magaciisa la sheegin iyo waliba qaar badan oo ka mid ah ganacsatada heer dhexe ee Somaliland.Sidoo kale waxa jira qaar ka mid ah odey dhaqameedyada iyo salaadiin ka soo jeeda galbeedka Burco iyo waqooyiga hargeysa oo muujiyey in ay taageero u hayaan xisbiga haseyeeshee ku xidhay shuruuda ah in marka hore lahelo bedelaad lagu sameeyo hogaanka xisbiga.
Hormoodada kooxdan loolanka ugu jirta hanashada hogaanka xisbiga ee Muuse Biixi iyo Gaboose waxay sida laga warqabo kawada tirsanaan jireen xisbigii la odhan jirey Sahan intii aanu ku hadhin tartankii dawladaha hoose, arinta kale ee ay wadaagaan labada masuul waxa weeyi sida la xasuusan yahay waxay labadooduba soo qabteen xilka wasiirka Arimaha gudaha waqtigii dawladihii marxuum Cigaal. Muxjisada Seddexaad ee ay wadaagaan waxa weeyi sida dad badani ogyihiin Dr Gaboose wuxuu ahaa shir gudoonkii Shirweynihii Somaliland ee Hargeysa !997 kii halka Muuse Biixi ahaa shir gudoonkii Shirweynihii SNM ee Beleygubadle.
Haddaba iyada oo la leeyahay Labadan xubneed ee Muuse iyo Dr Gaboose, waxay leeyihiin waayo aragnimo ku filan oo ay ku hogaamin karaan xisbiga, haddana sida muuqata cid kasta oo ku guulaysata hogaaminta Kulmiye waxa ka horeysay hawl laxaadle ku saabsan dib u qaabaynta xisbiga.
Arrintu si kastaba ha ku danbeysee, waxay dadka siyaasadaha ka faaloodaa aaminsan yihiin in xisbigu u baahan yahay dib u habayn dhameystiran oo dhanwalba ah(from a philosophical thinking up to the opinion manipulation, public sentitivity awarness and political strategy) ka libkeenida iyo gofeynta qabyadan daldalloolka badanina waxay u baahan tahay geesnimo, guurtinimo,go’aan qaadasho dhiiran iyo gadhwadeenimo runta iyo danta ummaddu daadahayso taasi oo garab u noqon doonta gayiga gobonimadda iyo guusha Somaaliland ee facyowga danbe.
Waxaase marwalba la isku raacsan yahay in gabagabada loolankan ee madexnimda ee xisbiga kulmiye ay doorweyn iyo saameyn ku yeelan doonto cidda uu taageero buuxda siiyo gudoomiyaha kulmiye ee waqtigan Siilaanyo.
Maxamed Cabdi Gaboose
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- XidigtaJSL
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2428
- Joined: Wed Dec 24, 2003 7:00 pm
- Location: Erigavo, Sanaag
- Warsame101
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1947
- Joined: Sun Feb 04, 2007 4:32 am
- Location: Muuri/Caabudwaaq/Kismaayo
- Contact:
Re: Maxamed Cabdi Gaboose
[quote="Warsame101"][quote="DawladSade"][quote="Warsame101"]Maxamed Cabdi Gabose was the former vice-minister of Tourism before the civil war. His mother is reer Diini.[/quote]
ma abtigaa baa Jeffry??[/quote]
Nope, he is Muuse Care. Sacad Yoonis are my reer abti.
Sahkraan, he was his personal physician.[/quote]
Why did they disable the edit function? Anyways, that was an error, it is not Sacad Yoonis but Cabdalle Ismaaciil Care.
kambuli, yes.
ma abtigaa baa Jeffry??[/quote]
Nope, he is Muuse Care. Sacad Yoonis are my reer abti.
Sahkraan, he was his personal physician.[/quote]
Why did they disable the edit function? Anyways, that was an error, it is not Sacad Yoonis but Cabdalle Ismaaciil Care.
kambuli, yes.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 503 Views
-
Last post by Adan_1
-
- 13 Replies
- 1859 Views
-
Last post by MAD MAC
-
- 30 Replies
- 2473 Views
-
Last post by Warsame101
-
- 0 Replies
- 367 Views
-
Last post by Kees70
-
- 9 Replies
- 2317 Views
-
Last post by udun
-
- 0 Replies
- 500 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 0 Replies
- 1222 Views
-
Last post by CoolPoisons