Re: Abdulahi Yusuf accused of attacking house of Ceyr leader
Posted: Tue Mar 20, 2007 3:36 pm
Dad Ka Soo Barakacay Magaalada Muqdisho Oo B/Xaawo Soo Buuxiyey
Mar 19,2007
byB/Xaawo-GEDO-NN
Magaalada Beled Xaawo ee gobalka GEDO ayaa ku soo qulqulay qaxooti ka yimid magaalada caasimadda Muqdisho. Dadkaas oo ka soo barakacay qaraxyada iyo weerarada joogtada ee harqiyey magaalada Muqdisho dadkaan ayaa waxay buuxdhaafiyeen magaalada B/Xaawo, iyadoo ay dhamaan buuxiyeen hoteeladii iyo guryihii magaalada ku yaalay.
Magaalada B/Xaawo ee ku taalla xuduudka Kenya iyo Soomaliya ayaa waxaa laga la' yahay guri laga kiraysto iyadoo dhamaan ay buux dhaafiyeen dadkaas qaxootiga ah dadkaan ayaa waxay inta badan doonayaa inay u gudbaan dagmada Mandhera, in kastoo ay ku adkaatay inay u tallaan dhanka Kenya sababtoo ah xadka oo xiran lana adkeeyay amaankiisa.
Dadkaan ayaa wata baabuur qurqurxan oo aad ku arkaysdid wadooyionka magaalada B/Xaawo oo aan awal lagu arki jirin gaadiid noocaan oo kale ah, marka laga reebo gaadiidka waaweyn ee ganacisga ee isaga goosha labada wadan ee Soomaliya iyo Kenya.
Mar ay Gedonet wareesatay dad ka mid ah dadkaas ayaa waxay u sheegeen inay doonayaan meel aysan ka maqlayn dhawaqa madaafiicda aan meelna ku jihaysnay ee magaalada Muqdisho qalqalka geliyey. Waxyna sheegeen in ay haatan u kala gooshayaan dalalka Itoobiya iyo haday u suuroowdo Kenya.
Dadkan ayaa u badan haween iyo caruur iyo dhalin yaro iyo waayeelba, waxayna haadan dareemayaa inuusan ku soo dhacayn madfac inkastoo ay hoy la'naan badan hayso oo ay daadsan yihiin daaradaha dadka ay qaraabada yihiin.
SANKA Aleuxiir-GEDO-NN-B/Xaawo