Tusmada Natiijada Cusub Ee Komishanka Doorashooyinku Ka Soo Saareen Hargeysa Iyo Xildhibaanada Ay Galaafatay Ku Noqoshadii Natiijadii Hore.
Hargeysa (Ramaas) Dec, 15, 2012Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa soo saaray natiijo cusub ka dib ku noqoshadii ay sheegeen inay ku noqonayaan natiijadii hore loogu dhawaaqay.
Natiijadan cusub ee Komishank Doorashooyinku ka soo saareen tirinta codadka laga dhiibtay Degmada Hargeysa ayey ku baahiyeen bara ay internetka ku leeyihiin, iyaga oo aan ilaa hada si rasmi ah ugu baahin shacabka.
Natiijadan ayaa waxa ay sheegeen in dib u tirintii lagu noqday laga helay in degmada Faroweyne codadkeedu laba jeer galeen Xogta Koombuutarka, taasi oo galaafatay laba Xildhibaan oo ka kala sharaxnaa Ururada Dalsan iyo Rays.
Xildhibaanada ay khadka ka saartay natiijadan dib loogu noqday ayaa waxa ay kala yihin Fu’aad Saxardiid oo ka sharaxnaa ururka Dalsan iyo Khadar Xuseen Cali (Khadar Bohosha) ka sharaxna ururka Rays.
Labada xildhibaan ee cusub ee ku soo biiray xildhibaanadii hore loo shaaciyey ayaa noqonaya Ilyaas Aw Xuseen Jaamac oo ka sharaxan ururka Dalsan iyo Ismaaciil Jaamac Xirsi (Cagayare) oo ka sharaxan Ururka Rays.
Natiijada ay ku baahiyeen Komishanku Shabakadooda NECSOMALILAND.COM ayaa waxa ay u dhignayd sidan:-
http://www.ramaasnews.com/index.php/New ... -Hore.html