Berigaan joogay baan togeeda tagoo
Bilan baan ku bartoo' ku boodi jiroo
Baar-siigana waan tagay goor habeenimo oo
Barkadda Shiinahana beer baan ka dhistoo
Barberaan u dhaafay markaan ka bogtoo
Booramaa ku danbeeyay intaa ka diboo
Belgrade baan joogaa maantana


