Issaq Mp's already said they would endorse the New PM
Xildhibaanada Beesha Dir ee Baarlamaanka DFKM Ayaa Aqbalay Codsi Uga Yimid Madaxweyne Sheekh Shariif
(Muqdisho, Soomaaliya,Mareeg.com- October 19, 2010) Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay xildhibaanada ka soo jeeda beesha Dir, waxa uuna ka codsaday in ay codka kalsoonida siiyaan Ra’iisul Wasaaraha cusub Maxamed Cabdillaahi Maxamed, oo berri la filayo in uu hortago Baarlamaanka.
Xildhibaanada beesha Direed, oo ku dhawaa boqol xubnood, waa ay ka aqbaleen Madaxwexweyaha codsigaas. Horray ayay beeshu xilka Wasiirka 1-aad ugu soo sharaxday Mudane Maxamed Cabdillaahi Oomaar oo maanta kulankaas ka hadlay. Madaxweynuhuna waxa uu beesha guddoonsiiyey kitaab Qur’aan ah, waana uu u duceeyey --- qancidda ay xilkaas ka qanceen iyo weliba ballanqaadka ay Madaxweynaha u ballan-qaadeen in ay taageerayaan Ra’iisul Wasaaraha cusub.
Wararka Maanta RSS