The_Emperior5 wrote:wayahay malakamuwd inadeer ilahay ha la idin la garab qabto
loool
do you mind answering the question.
Ooh yeah sure they did before 2007 adhicadeye yagaoori and all of sool was in somalilands hand they represented degaanada anu marka gacanta ku hayney marki danbne mamuulka wala si fidiyey marka they did represent it
im glad we are on the same page.so next question now is. prior to 2003 when 'somaliland' had no presence in the region whatsoever.
did the like of qaybe, farotoon, fagadhe co, represent the people of SSC?
Malakumawd i have a video in my house where garaad ismacil in 1999 saying cigaal u are welcome to visit laascaanod i will upload it sometime there was always a significange of somaliland influance in sool before 2002 xaabsade was with somaliland he was the chairman of somaliland parliament
Anigu i think diaspora supports ssc , but back home majority supports somaliland and
Horta why are there conflicting views, This thread seems to have boggled into a debate of whether people of Sool wish to be part of Somaliland. Could anyone confirm the reported news that WidhWidh has now been pacified by the misrepresentative millitia, i read from Somalilanders that Widh Widh is now under their control laakinse others are denying it.
What is the real situaton on the ground.
Estarix wrote:Horta why are there conflicting views, This thread seems to have boggled into a debate of whether people of Sool wish to be part of Somaliland. Could anyone confirm the reported news that WidhWidh has now been pacified by the misrepresentative millitia, i read from Somalilanders that Widh Widh is now under their control laakinse others are denying it.
What is the real situaton on the ground.
Sxb this is July 27th. If what you say is true Xudun must also be part of Somaliland control. Does the map show Badhan under Somaliland control, the picture is too small.
Estarix wrote:Sxb this is July 27th. If what you say is true Xudun must also be part of Somaliland control. Does the map show Badhan under Somaliland control, the picture is too small.
Somaliland controls degmada badhan outside so hadaaftime is under somaliland you are right the map needs to be updated
Xukuumadda oo Hal Bilyan ku bixisay Wadahadalo Widh-widh ka dhici lahaa iyo garaadada oo ku kala jabay
Widhwidh (SDWO 01/11/2010) Guddidii uu Madaxweyne Siilaanyo u saaray xal u helida Goboladda Bari ee Somaliland ayaa la sheegay inay shalay xukuumaddu Baanka Dhexe ee Hargeysa uga rartay Lacag gaadhaysa Hal Bilyan oo shilling Somaliland ah oo u dhiganta $170,000 oo ah kharashkii ay u isticmaalayeen wada hadalo la sheegay inay ka furmayaan Degmadda Widh-widh.
Sida ay Waaheen u xaqiijiyeen dad u dhuun daloolay qaadista kharashkaasi ayaa sheegay inay Guddidaasi isla shalayba Ambabaxeen markii ay qaateen lacagtaasi, taasoo uu gadhwadeen ka haa sida ay sheegeen Fu’aad Aadan Cade oo ka mid ah tobanka xubnood ee Guddidaasi ku jiraa, kuwaas oo maalmahanba ku hawlanaa Gogol-xaadhka wadahadlo dhex mari doona iyaga iyo Koox Madax-dhaqameed ah oo ka soo kicitami doona Buuhoodle.
Waxaanay wararka Shirkaasi la xidhiidha ee aanu xalay Saacadihii danbe helaynay sheegeen in Garaad Abshir oo kaliyi soo gaadhay Widh-widh, taasoo uu warku intaa ku daray inay diideen xubnihii kale ee la filayay inay ku weheliyaan ka qayb galka Shirkaasi waxaanu warku intaa ku daray inay soo waajahday shirkaasi xaalad adag oo laga baqa qabo inuu qabsoomi waayo.
Warar kale ayaa iyana sheegay in markii Garaad Abshir soo gaadhay Degmadda Widh-widh ee lagu waday inuu shirku ka dhaco Mudaharaad ka dhacay kaasoo la sheegay in hal qof ku dhaawacmay, isla markaana ay qasantay xaaladii Amni ee magaalddu, una egtahay inay ka aloosantay xiisad culus oo lagaga soo horjeedo in wadahadalada ay wadaan Guddida uu Madaxweyne Siilaanyo magacaabay iyo Madax-dhaqameedka ka soo jeeda dhinaca kale, taasoo ay dadka Deegaanku u arkaan mid aanay Beelaha Harti u dhamayn.
Guddida ka socota Xukuumadda Somaliland ee uu Madaxweyne siilaanyo u magacaabay arrintaas ee shalay lacagta qaatay ayaa la sheegay inay xalay ku dhaxeen magaaladda Burco, iyadoo la filayo inay halkaas sii joogaan inta xal loo helayo xiisada ku kacday Qorshihii ay u socdeen ee ahaa inay gaadhaan Degmadda Widh-widh si ay u bilaabaan shaqadii loo igmaday.
Guddida arrintan loo xil saaray oo ka kooban Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiiladda Somaliland Baashe Maxamed Faarax, Fu’aad Aadan Cade, Wasiirka Ganacsiga C/risaaq Khaliif Axmed, Wasiirka Boosaha C/risaaq Ibraahim Madar, Wasiirka Gaashaan-dhiga Axmed X Cali Cadami, Wasiirka Arrimaha Gudaha Dr: Maxamed Cabdi Gaboose, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha Cismaan Garaad Soofe, Waiirka Duulista Maxamud Xaashi Cabdi iyo Maxamed Kaahin Axmed ayaa la filayaa inay Olole xoog leh ku qaadaan gobolada bari ee Sool,Sanaag bari iyo
Buuhoodle si ay taageero ugu helaan xalinta iyo isku soo dhaweynta dadka deegaamadaasi iyo xukuumadda Somaliland
Waxa jira sida la sheegay xubno siyaasiyiin ah oo ka soo horjeeda hawsha gudidani wado iyo magacaabistoodaba, taasoo ay u arkaan inaan loo marin wado sax ah, iyagoo ku doodaya inuu yahay mashruuc aanay waxba ka soo baxayn.
Burco-(TogdhNews)- Shirkii ka Socday Magaaladda Widh-Widh ee u Dhexeeyay Xukuumadda Soomaaliland
iyo Madax Dhaqameedka Degaankaasi, oo la filaayo in uu maalinta Berito soo gaba gaboobo ayaa labada Dhinac isla Gaadheen Go’aamo ka kooban Dhawr qodob.
Sida ay u Xaqiijiyeen Jamhuuriya Xubno ka mida Waftiga Xukumada ee Shirkaasi ku sugani ayaa Qodobada Go’aamada la isla Gaadhay ee ka soo baxay Shirkaasi Waxa ka mida.
1- In la Adkeeyo Nabadda Si Wada jirana looga Wada Shaqeeyo
2- In la Fidiyo Gogosha Nabadeed oo anay ku Eekaan Degmo , Gobo l ee ay wada Gaadho Beel waynta Dhulbahante
3- In La Fidiyo Maamul , Isla markaana la Balaadhiyo Barnaamijyadda Horumarineed ee laga Fulinaayo Deegaankaasi.
4- In Xukumadda Soomaaliland Mag Dhaw ka Bixiso Dadki Shicibka ahaa eek u Dhintay Dagaaladii ka Dhacay Wakhtigii Xukuumadda Rayaale.
5- In Ciidanka Qaranka eek u Sugan Degaankaasi Wada Shaqayn Wanaagsan la Yeeshan Bulshadda Deegaanka.