.... .... ..... Qaad ..... ..... ....

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
COOL-MAN
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6049
Joined: Thu May 27, 2004 7:00 pm

Post by COOL-MAN »

[quote="biko"][quote="Ina Baxar"]Waryee, biko "tipssy" iyoo waxanaad shegeeyso ma aqaan. Anagu saliga nebiga ayaanu ku badina marka nu qayilayno .[/quote]
------------------------------------------------------------------------------------

Laughing Laughing[/quote]

Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing
User avatar
kambuli
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 17268
Joined: Thu Jul 28, 2005 3:20 pm
Location: Proud Toothless Old Faqash Woman

Qaat

Post by kambuli »

For those of you who do not know what qaat is, here is Abwan Abshir Bacadle's poem and if you can't read or comprehend Somali-language then tough luck!


Abshir nur Faarax (Bacadle)
Qorya raamso quudkana yaree qaadow adigaa leh
Boqolaal qorshoo wada qabya ah qaadow adigaa leh
Qoys dumaya qayliyo huruuf qaadow adigaa leh
Qalbi qooqan qoora aan waxtarin qaadow adigaa leh
Qardareeye kaadida qul quli qaadow adigaa leh
Jirkoo qaasha nadarkoo qayiran qaadow adigaa leh
Qalbi guban sigaar lagu qanciyo qaadow adigaa leh
Macdan qubta hawshoon laqaban qaadow adigaa leh
Hurda qarow ah soojeed qam qama qaadow adigaa leh
Iska qaado qaantana ha bixin qaadow adigaa leh
Qayil oo cun reerkiina qadi qaadow adigaa leh
Qashin iyo qashaabiir qurmuun qaadow adigaa leh
Qatar caafimaad oo qarsoon qaadow adigaa leh
Qalbi olol mar qabo oo qaniin qaadow adigaa leh
Qaraabo iyo ehel aan latabin qaadow adigaa leh
Qayrkaa shaxaad hana qajilin qaadow adigaa leh
Iska qari cidbaa kugu qabsane qaadow adigaa leh
Qabri ka hor qandha aan laga biskoon qaadow adigaa leh
Isqandiiri kana qoomamee qaadow adigaa leh
Ibliis qarowga aadmiga ku qaba qaadow adigaa leh
Afku wuxuusan ii qaban karayn qaadow adigaa leh
Qosol iyo qamuunyo isku xiga qaadow adigaa leh
Qasad dhaar ah qawl aan la fulin qaadow adigaa leh
Qur'aan lagu kaftamo qadaf iyo been qaadow adigaa leh
Cimri kuu qorraa qayb ka lumi qaadow adigaa leh
Qandiga fuqurka iyo quus rageed qaadow adigaa leh
Qureesh gabara waxa loo qawada qaadow adigaa leh
Dad qamaama qayliyo dagaal qaadow adigaa leh
Shaluu qaatay maantana qafaal qaadow adigaa leh
Qabyaalad iyo iimaan la'aan qaadow adigaa leh
Dhaliyara afkooduun u qoran qaadow adigaa leh
Wax ninwayni qaadoo qawada qaadow adigaa leh
Salaadaha dib qabo ama qallee qaadow adigaa leh
Xubna qaadiwaa sida qof qalan qaadow adigaa leh
Qabiltu jaanka aadmiga ku qabo qaadow adigaa leh
Dubaab lagu qarwoo kugu qulqula qaadow adigaa leh
Bisad ku quustay dabadeeda qabo qaadow adigaa leh
Qarjaf sayntu inay kuu tiraa qaadow adigaa leh
Qanaaskiyo was waaskaa qarsoon qaadow adigaa leh
Qandaraaska qaatumo xumada qaadow adigaa leh
Qarbaboosh ilkiyo gawsa qodan qaadow adigaa leh
Afqashuusha oon cadaygu qaban qaadow adigaa leh
Af qalala bushima qolof dhacsada qaadow adigaa leh
Qasban qayb daroogada ka mida qaadow adigaa leh
Qaflad aan dareenkeed la qabin qaadow adigaa leh
Ragoo quusta dumarkoo qawada qaadow adigaa leh
Faqiir qani ismoodoo qayila qaadow adigaa leh
Indha qoriya qaadirada subax qaadow adigaa leh
Qubays laga wahsado iyo qurmuun qaadow adigaa leh
Qamiis walaf quluub aan xasilin qaadow adigaa leh
Qoys laga dhixiyo qaaqla nimo qaadow adigaa leh
Waa quutul awliyo kidbiya qaadow adigaa leh
Qaamuuska waxa cay ku qoran qaadow adigaa leh
Inoo qaybi aan lagu qancayn qaadow adigaa leh
Qabsimadu inay kala xirmaan qaadow adigaa leh
Qurbaha joog adoon hawl ka qaban qaadow adigaa leh
Deg deg loo qasaariyo shilqoran qaadow adigaa leh
Qiso yaablohooy qarinayaan qaadow adigaa leh
Qofka daa'imoo qiima dhaca qaadow adigaa leh
Waxaad shalayto qabatoo qariban qaadow adigaa leh
Ku qasaar macaashkana ku qarow qaadow adigaa leh
Magnad kugu qasbiyo qaac ibliis qaadow adigaa leh
Hanti qaran qanaafiir ugee qaadow adigaa leh
Qaadicu salaadnimo asala qaadow adigaa leh
Intuu qadaf qof uun ku hadli karo qaadow adigaa leh
Lixdankaa qisoo wada qubxiya qaadow adigaa leh
Qaatala ka laahuye adigaa qaranka aafeeyay
Nacalaana kugu yaal.
User avatar
B_A_D_O_W
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 401
Joined: Tue Jun 21, 2005 3:18 pm
Location: The Valley of The Kings

Post by B_A_D_O_W »

[quote="Ina Baxar"]Waryee, biko "tipssy" iyoo waxanaad shegeeyso ma aqaan. Anagu saliga nebiga ayaanu ku badina markaanu qayilayno .[/quote] Laughing Laughing war ina baxar,miyaad mirqaansanayd markaad qoreyse,saliga nebiga iyo meel lagu qayilayo gala fogey Very Happy
User avatar
SoMaLiSiZz
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2079
Joined: Sun Jul 08, 2001 7:00 pm
Location: {{ Ard Allah }}
Contact:

Post by SoMaLiSiZz »

[quote="biko"][quote="Ina Baxar"]First of all who said qaad is xaaran. Number 2 why do you care , naagna waad tahay , wadaadna waad is ku xidhan - doontanee maxa ka galay.
Honestly , if I could find fresh hawaday , waan iska cuni laha Very Happy[/quote]
------------------------------------------------------------------------------

now i dont realy mind defending qaad all the wayto the last stick, but you cant say its not xaraam.

mirqaan = tipssy = xaram.[/quote] up up up up up up up up up up up up up up up up up up up up up up up up up up up up up up up up up
User avatar
Ina Baxar
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10796
Joined: Mon Dec 13, 2004 12:54 pm
Location: Arabsiyo, Somaliland

Post by Ina Baxar »

Ogor , waryee badow , arabsiyanaad galbeed uu dhaafin. Cool man ba waa ogyahay arrinta Laughing It's a West Coast thang , playa !! Laughing
Last edited by Ina Baxar on Thu Aug 18, 2005 6:17 pm, edited 1 time in total.
User avatar
SoMaLiSiZz
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2079
Joined: Sun Jul 08, 2001 7:00 pm
Location: {{ Ard Allah }}
Contact:

Post by SoMaLiSiZz »

Chronic use of khat produces undesirable side effects, including sleeplessness, nervousness, impotence, loss of appetite, constipation, and nightmares.
Soon after chewing, khat can cause dizziness, rapid heartbeat, and pain in the upper abdomen. These unpleasant feelings are gradually replaced by bliss, euphoria and pleasant energetic pleasant feelings. Prolonged anorexia associated with khat use leads to malnutrition and increased susceptibility to infectious diseases such as tuberculosis, hepatitis and HIV/AIDS.


*
*
*
Any Qaad chewing person with find at least one bad side effect or more In their system wallahu yaclam >>> how can this be halal in any healthy state of mind?

*
*

Fe Amn Allah
xoogSADE14
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14602
Joined: Wed Oct 27, 2004 4:08 pm
Location: Praying for peace in the south.

Post by xoogSADE14 »

^^ adiga war maad nagu dileeysaa mise labadeena marduuf baad nasiineeysaa Confused

p.s. since you're the expert of qaad and its side effects do you what happens to qaad-heads markeey bahalka waayaan dhow maalmood Confused if you do then iila soo orod aan isaga fujiyee Wink Arrow
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”