Buuhoodle:(Allpuntland)-Iyadoo shalay gelinkii danbe ilaa saaka barqanimadii ay dagaalo culus oo isdabajoog ahi ka dheceen deegaanka Kalshaale oo katirsan Buuhoodle ayaa wararka halkaas laga helayo waxaa ay kusoo waramayaan in halkaas ay kajiraan diyaargarow culus oo dagaal islamarkaasna ay dhinacyadu Hub & gaadiid dagaal oo gurmad ah goobta geynayaan,waxaana uu dagaalkani udhexeeya ciidamo katirsan Somaliland & dadka deegaankaas.
Wararku waxay intaas kudarayaan in dagaalkii dhacay saacadihii lasoo dhaafay ay ku geeryoodeen in kabadan 10-Ruux oo shan kamid ahi ay yihiin shacabkii dagaalka la galay ciidanka Somaliland,waxaana ay sidoo kale wararku cadaynayaan inay jiraan dhaawacyo kabadan 10-Ruux oo goobta ka dhashay oo lakala geeyey Buuhoodle & Burco,waxaana jira dhaawacyada qaar oo aad u culus.
Wararku waxay sheegayaan in ciidamo badan oo katirsan Somaliland ay goobta gaareen islamarkaasna ay jiraan boqolaal qof oo shacab ah oo baneeyey degmada Buuhoodle kuwaas oo gurmad ahaan dagaalka u aaday,waxaana ay taasi saameyn rasmi ah kuyeelatay guud ahaanba deegaanada kaladuwan ee gobolka Ceyn,iyadoo ay shacabka halkaasina u egyihiin inaysan dagaalka u kala harin.
Ciidamada Somaliland ayaa inkabadan 20-Ruux oo shacab ah ka qabqabtay deegaano kudhow halka uu dagaalku ka dhacay kuwaas oo ay la xiriirinayaan inay yihiin gurmad dagaal,waxaana ay taasi ka caraysiisay shacabka gobolka Ceyn,waxaana ay taasi keentay in dad badan oo shacab ahi oo aanan dagaalka waxba ka ogeyn ay kusoo biiraan.
Dhinaca kale dagaalka ka dhacay Kalshaale ayaa taabtay islamarkaasna ka careysiiyey boqolaal kusugan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ee Puntland oo ay imika Somaliland gacanta ku hayso,waxaana maanta ay dadweyne farabadan oo mudaharaadayaal ahi oo qaarkood ay hubkooda wataan isugu soo bexeen gudaha magaaladaas iyagoo weeraray qaarkamid ah xarumaha dawlada sidoo kalena waxaa banaanabaxaas rabshadaha wata uu keenay bililiqo xoogan oo gobo ganacsi loo geystay,Waxaana weli magaalada Laascaanood kajirta xaalad kacsanaan iyadoo ay ciidamada Somaliland ee halkaas kusugana ay feejignaan dheeri ah muujinayaan,waxaana sidoo kale maanta xaniban soo gelitaankii ama ka bixitaankii magaalada Laascaanood.
Wixii war ah oo kasoo kordha deegaandaas APL kalasoco.
Breaking/Latest news: North Somalia fight (SSC VS SNM)
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super
- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
Re: Breaking/Latest news: North Somalia fight (SSC VS SNM)
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super
- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
Re: Breaking/Latest news: North Somalia fight (SSC VS SNM)
Puntland oo dagaalkii Kalshaale ku tilmaantay Xasuuq shacabkeeda loo geystay.
Garoowe:(Allpuntland)-Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ayaa markii ugu horeysay si kulul uga hadashay dagaalka kasoo cusboonaaday deegaanka Kalshaale,waxaana ay dawladu sheegtay in dagaalkaasi uu yahay mid xasuuq ah oo loola danleeyahay shacabka gobolka Ceyn ee Puntland,iyadoo sidoo kalena ay dawladu sheegtay in Somaliland ay wado qorshayaal ay shacabka Puntland ku xasuuqayso.
Wasiirka Wasaarada Amniga ee dawlada Puntland Jen,Yuusuf Axmed Kheyr ayaa dagaalkan si kulul uga hadlay,waxaana uu Wasiirku sheegey in Puntland ay diyaar utahay difaacista shacabkeeda,isagoo Somaliland ugu baaqay inay si deg deg ah ciidamadeeda ugala baxdo deegaanada ay colaadu kajirto,waxaana uu muujiyey sida ay Puntland uu u taabtay dagaalkii u danbeeyey ee ciidanka Somaliland & dadka deegaanku ay isaga horyimaadeen.
Yuusuf Axmed Kheyr Wuxuu canbaareeyey qabqabashadii ay ciidamada Somaliland ay deegaanada qaarkood ka qabqabteen dad kusugnaa kuwaas oo la geeyey magaalada Burco iyagoo lagu eedeynayo inay ahaayeen gurmad dagaal,waxaana uu talaabadaasna ku tilmaamay mid aanan loo dulqaadan Karin,wuxuuna ku celceliyey in Somaliland looga baahanyahay inay derisnimada Ilaaliso si deg deg ahna faraha ugala baxdo xaalka Kalshaale & guud ahaanba gobolada xuduuda kuyaala oo ciidamo badan ay soo dhoobtay
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 24 Replies
- 2028 Views
-
Last post by ToughGong
-
- 4 Replies
- 848 Views
-
Last post by galia
-
- 28 Replies
- 1960 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 1 Replies
- 421 Views
-
Last post by highclass
-
- 4 Replies
- 769 Views
-
Last post by Nubis
-
- 19 Replies
- 2559 Views
-
Last post by wadaniweyn1
-
- 27 Replies
- 1533 Views
-
Last post by surrender
-
- 1 Replies
- 422 Views
-
Last post by Cirwaaq
-
- 2 Replies
- 628 Views
-
Last post by Xaaji_Xundjuf
-
- 1 Replies
- 422 Views
-
Last post by Cardiff Girl