
Idinkaa markii laydin dhacay, soo dhanbuuqsadaye
Abidkiinba dhoomaha Isaaq, dheg uma noolayne
Dhankaad naga xigtaan yey wadnaha, dhooli mood tahaye
Dhalool yahay xaggiinaa warxumi, nooga soo dhacaye
Hadduun baydin dhaar xoog leh, iyo dhiirri barateene
Irbad dhuub ma galisaan afkuna, waydin dheer yahaye
