skywalker25 wrote:Haye yare were we famously destroyed the Dhullos+SNM in 82.
Dadkeena colaad lagu bogmiyo balo kala gaadhin
Marti booqasho ahoo u timid beelo deriskooda
Geesi xidid u baxar daadshay oo bixiyey maalkiisa
Baradiina magan joogta oo bara iyo qoys raaca
Inuu kibirku idiin baaqo oo idinla buubaabey
baadilkaad rasaas kala dhacdeen buunka feedhaha'e.
Dhowr boqol aday kaa godoo baqana kuu raacay
Beydkiyo bagaad uga qaxdeen buulashiyo maalkii
lafta badhi bagaad uga jabteen biixiyaha taagan
Jahaadkii fardihii naga bulmay baasihii madhiyey
Baqigii ka soo hadhay yaraa ee Eebbe noo badiyey
Kuman booda kuman yaal balyaxa aad bafto cad moodo
Kuman yaal barood ciida iyo kuman bawaasiir ah
Kuman yaal bulaalaha ashkira oo baayiroo naaxay
Intaas oo farii fooda baray baacis iyo weerar
Sengayaal la badhi siiyey baa beylah ka aheliye
Baxsan maysid maantaan dagaal kuu balaadhsado'e
Bulbulha cartamay ha ula tegin beebe iyo qeylo
Yaan bariiska Libiya ku dilin baali baad tahaye.
That was after Haye yare battle. Axmed Garad+Khalid v SNM iyo cayayaankooda.
Debate with your cousin without involving us waryaa
