Colonel, the allied forces are on the outskirts of Kismayo, why isn't RK chasing them out if they control 10km patch outside Kismayo and why is Kenyan the one airstriking them?
Ciidamadda Madaxwayne Col Barre Hiraale oo dhawaan isagu sheegtay in loo doortay Madaxwaynaha Jubbaland oo shalay dagaal ka dhacay gudaha Magaalada Kismaayo looga saaray Magaalada isla markaana Fariisimo ka samaystay duleedka Magaalada Kismaayo ayaa waxaa kasoo baxaya Faah faahin dheeraad ah.
Afhayeenka Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Barre Hiiraale, Xasan Kaafi Warsame oo goordhow la hadlay Kismaayo24.com isagoo ku sugan duleedka Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ay wali ku suganyihiin Fariisintii ay ku lahaayeen duleedka Magaalada.
RIIX HALKAN SI AAD U DHAGAYSATO
Waxaa uu sheegay in Ciidamadda Kenya duqaymo u gaysteen intii ay ku sugnaayeen duleedka Magaalada isla markaana ay hadda dagantahay Xaaladooda.
Xasan Kaafi Warsame ayaa hoosta ka xariiqay ina qorshaynayaan Magaalada Kismaayo inay dib ugu laabtaan isla markaana ay ka qabsadaan sida uu hadalka u dhigay Ciidamadda Kenya iyo kuwa Maamulka Axmed Madoobe ee Jubbaland.
http://kismaayo24.net/?p=66536