Page 3 of 5
Posted: Fri Oct 14, 2005 2:40 pm
by Xplosive
[quote]when ppl get marqaand I heard they get attacked by a hallucinic phenomenon called DUBAAB who is a small cat-like creature, which forces rear entry of his hellucinating victim at high speed. the victim tries to pull the cat the tail comes undone or so I heard.[/quote]
Damn son, you should stop chewing

Posted: Fri Oct 14, 2005 2:51 pm
by kambuli
This is what qaad does to men. Maybe Abshir needs to compose also a poem about what it does to women. As someone in the this site said before that women also do the qaad;
Qaadka
<<...>>
Abshir nur Faarax (Bacadle)
Qorya raamso quudkana yaree qaadow adigaa leh
Boqolaal qorshoo wada qabya ah qaadow adigaa leh
Qoys dumaya qayliyo huruuf qaadow adigaa leh
Qalbi qooqan qoora aan waxtarin qaadow adigaa leh
Qardareeye kaadida qul quli qaadow adigaa leh
Jirkoo qaasha nadarkoo qayiran qaadow adigaa leh
Qalbi guban sigaar lagu qanciyo qaadow adigaa leh
Macdan qubta hawshoon laqaban qaadow adigaa leh
Hurda qarow ah soojeed qam qama qaadow adigaa leh
Iska qaado qaantana ha bixin qaadow adigaa leh
Qayil oo cun reerkiina qadi qaadow adigaa leh
Qashin iyo qashaabiir qurmuun qaadow adigaa leh
Qatar caafimaad oo qarsoon qaadow adigaa leh
Qalbi olol mar qabo oo qaniin qaadow adigaa leh
Qaraabo iyo ehel aan latabin qaadow adigaa leh
Qayrkaa shaxaad hana qajilin qaadow adigaa leh
Iska qari cidbaa kugu qabsane qaadow adigaa leh
Qabri ka hor qandha aan laga biskoon qaadow adigaa leh
Isqandiiri kana qoomamee qaadow adigaa leh
Ibliis qarowga aadmiga ku qaba qaadow adigaa leh
Afku wuxuusan ii qaban karayn qaadow adigaa leh
Qosol iyo qamuunyo isku xiga qaadow adigaa leh
Qasad dhaar ah qawl aan la fulin qaadow adigaa leh
Qur'aan lagu kaftamo qadaf iyo been qaadow adigaa leh
Cimri kuu qorraa qayb ka lumi qaadow adigaa leh
Qandiga fuqurka iyo quus rageed qaadow adigaa leh
Qureesh gabara waxa loo qawada qaadow adigaa leh
Dad qamaama qayliyo dagaal qaadow adigaa leh
Shaluu qaatay maantana qafaal qaadow adigaa leh
Qabyaalad iyo iimaan la'aan qaadow adigaa leh
Dhaliyara afkooduun u qoran qaadow adigaa leh
Wax ninwayni qaadoo qawada qaadow adigaa leh
Salaadaha dib qabo ama qallee qaadow adigaa leh
Xubna qaadiwaa sida qof qalan qaadow adigaa leh
Qabiltu jaanka aadmiga ku qabo qaadow adigaa leh
Dubaab lagu qarwoo kugu qulqula qaadow adigaa leh
Bisad ku quustay dabadeeda qabo qaadow adigaa leh
Qarjaf sayntu inay kuu tiraa qaadow adigaa leh
Qanaaskiyo was waaskaa qarsoon qaadow adigaa leh
Qandaraaska qaatumo xumada qaadow adigaa leh
Qarbaboosh ilkiyo gawsa qodan qaadow adigaa leh
Afqashuusha oon cadaygu qaban qaadow adigaa leh
Af qalala bushima qolof dhacsada qaadow adigaa leh
Qasban qayb daroogada ka mida qaadow adigaa leh
Qaflad aan dareenkeed la qabin qaadow adigaa leh
Ragoo quusta dumarkoo qawada qaadow adigaa leh
Faqiir qani ismoodoo qayila qaadow adigaa leh
Indha qoriya qaadirada subax qaadow adigaa leh
Qubays laga wahsado iyo qurmuun qaadow adigaa leh
Qamiis walaf quluub aan xasilin qaadow adigaa leh
Qoys laga dhixiyo qaaqla nimo qaadow adigaa leh
Waa quutul awliyo kidbiya qaadow adigaa leh
Qaamuuska waxa cay ku qoran qaadow adigaa leh
Inoo qaybi aan lagu qancayn qaadow adigaa leh
Qabsimadu inay kala xirmaan qaadow adigaa leh
Qurbaha joog adoon hawl ka qaban qaadow adigaa leh
Deg deg loo qasaariyo shilqoran qaadow adigaa leh
Qiso yaablohooy qarinayaan qaadow adigaa leh
Qofka daa'imoo qiima dhaca qaadow adigaa leh
Waxaad shalayto qabatoo qariban qaadow adigaa leh
Ku qasaar macaashkana ku qarow qaadow adigaa leh
Magnad kugu qasbiyo qaac ibliis qaadow adigaa leh
Hanti qaran qanaafiir ugee qaadow adigaa leh
Qaadicu salaadnimo asala qaadow adigaa leh
> Intuu qadaf qof uun ku hadli karo qaadow adigaa leh
Lixdankaa qisoo wada qubxiya qaadow adigaa leh
Qaatala ka laahuye adigaa qaranka aafeeyay
Nacalaana kugu yaal.
Posted: Fri Oct 14, 2005 3:17 pm
by Dhaga Bacayl
^^^I'm sure he was chewing when he wrote that. No man can talk that much without chewing.
Posted: Fri Oct 14, 2005 3:36 pm
by xoogSADE14
dhaga
abshir bacacle aa la dhahaa ninkaas abti daamankii aa dhamaaday siduu qaad u cunaayay
mooryaanka
cayaarta maad iga dhaaftid waraa i know inaad fahantee
smatr
abti maxaad dadkaan kala murmeeysaa waxaan wadaado waaweeyn baa ka samree

Posted: Fri Oct 14, 2005 3:39 pm
by kambuli
Xoog,
Ilaahay ka baq waad soomantahay eh, Sh. Abshir qaad afkiisa ma geliyo!

Posted: Fri Oct 14, 2005 3:40 pm
by xoogSADE14
^^ sheekooy ku nacay

goormuu abshir bacadlena 'sheihk' noqday

Posted: Fri Oct 14, 2005 3:47 pm
by kambuli
Xoog,
Wax walba la arag

Maantana ma Abshir Bacadle ayaad u diiddey Sheikhnimadii?
Posted: Fri Oct 14, 2005 3:50 pm
by xoogSADE14
kumbuli walashiis i don't know the guy personally but from what i've heard he used to chew like no one else and then stopped which is when he started writing this crap
laakinse hadaad adigu asaga qaraabo tihiin ood taqaano bal iisheeg aan kaa raali geliyee

Posted: Fri Oct 14, 2005 3:53 pm
by Dhaga Bacayl
[quote="kambuli"]Xoog,
Wax walba la arag

Maantana ma Abshir Bacadle ayaad u diiddey Sheikhnimadii?[/quote]
I second Xoogsade on this one. Bacadle waa diraadiraale Sheikhnimo ne kuma maqal.
K,
Just think about it for a second, if this Bacadle ain't chewer how does he know all of these factors association with the kaat. I'm just using my head.
Posted: Fri Oct 14, 2005 3:55 pm
by xoogSADE14
thats exactly what am saying dhaga

Posted: Fri Oct 14, 2005 3:58 pm
by muslim-man
it takes a qaat chewer to know the problems that come with chewing the them twigs. i agree abshir ina bacdle was bigtime marfash regular.
Posted: Fri Oct 14, 2005 4:01 pm
by kambuli
Xoog & Dhag,
Kow Abshir wax waanu isu nahay

. Wax badan baanu wadaagna oo ay ka mid tahay feejignaanta uu ka qabo ninka deriska inala ah ee gaaban. Abshir waa nin Somaalinimadu ku dheertahay. Taasna waanu wadaagna. Qaraabana waa iska jiri kartaa, inleyn Somaali lama kala guri karo eh. Laakiin qabyaalad ugu hiiliin maayo. Ee waan jeclahay Abshir.
Xagga qaadka. Maalintii iigu horeysey ee aan arkay gabaygan, qalbigeyga way kusoo dhacday "Tolow ma isagaa cuney"?

Balse dad badan oo aan weydiiyey iimay sheegin inuu cuno qaad.
Ilaa hadda inta aan ka aqaan waa nin diinta ku dheer, waana qolyaha aaminsan inuu qaadka ka ab sokeyn xaraanta.
Marka ka qaleeya Shiikha.

Posted: Fri Oct 14, 2005 4:01 pm
by muslim-man
btw, xog sxb jaat aint good for you. iska jooji hadi intey gor gortahay.
Posted: Fri Oct 14, 2005 4:07 pm
by xoogSADE14
^MM
maalin kasta ma cun sxb just from time to time, markeey magaalada ka dansantahay nooh.
waan iska dhaafi doonaa insha'allah but best believe takhsiin dheer baa EID maalinta ku xigta ii taaganaaneeysa

Posted: Fri Oct 14, 2005 6:15 pm
by Con-Artist