Faarax-Caytame wrote:War yaad u sheekeneysaa kaagan Marsin sita, miyaanad xishooneynin?.. Ma Qabridaharaad rabtaa inaad been ka sheegto, Somalinet wax walba waa laga maqli
Been sidee ah?
Degitaanka iyo Magaca Magaalada Qabridahar
Magaca Qabridahar
Dadka qaar waxeey leeyihiin magaca Qabridahar kuma aysan bixin qabri ku yaalay magaalada, sababtoo ah qabriga oon jirin meeshaan oon magaalo aheyn ayeey ceelashan ku yaaleen loona yaqaanay Qabri-dahar.
Magaca qabridaharna macnihiisu waa qaab-daar. Dadka qaar waxay qabaan ceelashan oo gaa-gaaban oo saddex shubyo ah, oo eega dawliska lagu cabi ayaa jiray magacana la oran jiray.
Halka ay hadda magaalada degan tahay geela ayaa daaqi jiray haar beey aheyd oo hohob badan oo cidu daaqi jirtay iyada oon magaalo aheyn. Dadka qaarna waxay qabaan in ay ceelka ka dhisneyd bal-balo hadh fiican laheyd oo la hadhsan jiray, magaca dahar uu macnaheedu yahay meel hadh leh.
Halka dadka qaar sheegayaan magac Qabridahar inuu ka soo jeeda qabrigii daarta ahaa, waxay ahaayeen xabaalo ay ku aasnaayeen rag wadaado ah. Magaca ceelasha qabridahar waa kuwa ku yaala Toga Faafaneed.
Aas-aaskii Magaalada Qanridahar
Magaalada qabridahare waxay aheyd ceel xoolaha ka cabaan, waxaana ugu horeeyey oo soo daga ciidamada Ethoipia iyagaa oo wata gaadiid u badan baqalo iyo dameero. Ciidamadan oo degay dhanka haarta bidhgeydhka waxaa ugu horeeyey, oo ay wada shaqeeyn yeeshaan dadka degaanka ninkii la oran jiray Axmed Hirad ( Reer Cali yusuf- reer cukur ) run ahaantiina la oran karo aas-aasihii magaalada qabridahar.
Xiligaas magaalada waxaa ku yaalay dhir aad u faradan haddii indhaha faraha lagaa galinayo aanad arkay waxay madow ka qabaan.
Aas-aaska magaalo ahaan waxaa ugu horeeyey oo u sameeyey qorshe hagaha (mastar planeka), kolkii uu talyaaniga yimid oo uu dhisay, Gurigii Fooqa ahaa ee loo dhisay Garasyaani, oo hada ah xafiiska caafimaadka.
Guri kale oo dheer oo hada ka mid ah qaybaha isbitaalka oo aad u weeynaa, sidoo kale wuxuu dhisay, Guriga Gobolka, kan Degmada, Masaajidka iyo goobo kale.
Kadibna wuxuu kabisay, ceelasha magaalada qaybo ka mid ah. Ceelasha uu kabisay waxaa ka mid ah, Ceelka Xaaji Xuseen, Cali Barkhadle, Ugaas Baaruud, Maxamuud Doolaal, Reer Cabdi daahir iyo Ceelasha Reer Faarax Cilmi uu ka mid ayahay Ceelka Oonyood iyo ceelal kale oo uu kamid yahay ceel geelka xabaalaha.
Mar haddii la damcay in Qabridahar si joogta ah loo dago, waxaa lagama maarmaan noqotay in la helo cunto iyo hooygii lagu noolaan lahaa, waxay odayaashii iyo culimadii joogtay deegaankaasi go’aansadeen in dhulka la tabcado, si cunto looga soo saaro isla markaana la sameeyo dhul-beereed.
Waxaa kale oo laysla qaatay in la helo rag farsamo yaqaan ah oo biraha tuma si loo helo qalabkii wax lagu qabsan lahaa, sida gudimihii dhirta lagu jari lahaa iyo yaanbooyinkii beeraha lagu falan lahaa.
Aas-aasayaashii magaalada ka hir-geliyey ganacsiyada kala jaadka ah sida dukaamada waxaa ka mid ahayeen rag xadaarad lahaa sida ilmo Xuseen Ilko-weeyne, Cabdulaahi iyo Sadiiq, Sheekh Cali Dheere oo ku magac dheeraa Sheekh Cali Madoobe.
Wixii intaasi ka danbeyey Qabridahare waxay noqotay goob ganacsi oo lagu iibiyo alaaboyinka ay ka midka ahaayeen, dharka, raashinka kala jaad-jaadka ah sida timirta, bariiksa, buuriga iwm.
La soco qaybaha dambe oo ka hadli doono Dhul-daaqsimeedyada, Beeraha
Injineer- Maxammed Abdi Barkhadle
FG:fadlan dhowr oo ilaali xaquuqda qoraalka
akhrista kuwaan ii rumaysanaynin.