Who will come on top

Moderator: Moderators
Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia oo wada Mooshinno iska soo Horjeeda
23 0 Google +0 0
Isniin, Oktoobar 27, 2014 (HOL) — Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ayaa Muqdisho ka billaabay mooshinno iska soo horjeeda, waxayna arrintan muujinaysaa in xubnuhu ay la kala safteen madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaarihiisa C/weli Sheekh Axmed oo khilaafkoodu uu dibadda u soo baxay Sabtidii lasoo dhaafay.
Mudanayaashan ayaa mooshinnadooda siyaabo kala gooni-gooni ah ugu diyaarinayaan hoteello ku yaalla Muqdisho, iyadoo hoteellada Muqdisho si weyn looga dareemayo buuq badan, iyadoo lagu arkayo xildhibaanno iyo siyaasiyiin dabada ka riixaya mooshinnadan.
Sidoo kale, mudanayaashan ayaa leh kulammo aan loo kala kicin illaa iyo maanta, iyadoo dhinac walba uu doonayo inuu helo aqlabiyadda golaha baarlamaanka Soomaaliya si ay ugu guuleystaan hadafkooda siyaasadeed oo salka ku haya sad-bursi dhinaca awoodda ah.
Xubnahan ayaa waxay dhinac walba u cuskanayaan mooshinka uu wado qaar ka mid ah qodobbada dastuurka dalka, iyadoo tani ay xusuusinayso shacabka Soomaaliyeed markii uu taagnaa khilaafkii soo dhexgalay Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon.
Khilaafyada soo dhexgala madaxda dowladda Somalia ayaa intooda badan salka ku haya sad-bursi dhinaca awoodda ah; iyadoo xildhibaannada baarlamanka lagu eedeeyo inay ka faa’iideystaan xilliyada ay taagan yihiin khilaafyadan noocan oo kale ah.
Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo shalay ka hadlayay Muqdisho ayaa sheegay in khilaafka madaxda dalka lagu dhameyn doono hab dastuuri ah, isagoo xildhibaannada uga digay inay khilaafka jira faraha la galaan, ayna u adeegaan danta Qaranka oo keliya.
Si kastaba ha ahaatee, khilaafkan ayaa cirka isku sii shareeraya, waxaana madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaruhu uu mid walba ku adkeysanayaan halka uu arrintan ka taagan yahay, iyadoo lagu guul-darreystay dadaallo lagu soo afjari lahaa khilaafka u dhexeeya labada mas’uul ee dowladda ugu sarreeya.
Xafiisyada madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa laga dareemayaa saxmad fara badan, iyadoo ay ku qulqulayaan xildhibaanno iyo xubno ka tirsan golaha wasiirrada, kuwaasoo doonaya inay khilaafkooda ka faa’iideystaan.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
- See more at: http://www.hiiraan.com/news/2014/Oct/wa ... YfoOl.dpuf
Xildhibaanadii Dibadda jiray oo Muqdisho kusoo laabtay & RW C/wali oo la ridayo
Muqdisho (KON) - Xilli uu wali taagan yahay Khilaafka adag ee u dhaxeeya Xasan Sheekh & C/wali Sheekh, ayaa waxaa Muqdisho kusoo qulqulaya Xildhibaanno badan oo ku maqnaa dalka dibadiisa.
Teaser Image Xildhibaanadii Dibadda jiray oo Muqdisho kusoo laabtay & RW C/wali oo la ridayo
Waxaa la sheegayaa in Xildhibaanada loogu baaqay inay kusoo xaadiraan Muqdisho, si loo helo Cod Aqlabiyad ah haddii Xalka Khilaafka Madaxweynaha & Ra'iisul Wasaaraha uu u biyo shubto Golaha Shacabka.
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo ah kuwa intooda badan suga Fursadaha noocan oo kale ah ee ku saabsan Khilaafka Madaxweynaha & Ra'iisul Wasaaraha dalka, iyagoo Codadkooda ka iibsadaan Labada Mas'uul kii Lacag badan.
Markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku guuldaraystay inuu ka dhaadhiciyo Wasiiradda inay is-casilaan, ayaa waxaa ka billowday Madaxtooyadda Villa Somalia Howlgallo ballaaran oo Shaqaalaha Xafiiska Madaxweynaha ku iibsanayaan Xildhibaanada, sida horey loogu bartay.
Dagaalka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxda sare ee dalka, ayaa noqday Hadal haynta ugu badan ee Dalka & Dibadda, waxaana Hoteelada Muqdisho qaarkooda ka dhacaya Habeen & Maalin Kulamo gaar gaar ah oo Xildhibaanada lagu kala iibsanayo.
Xildhibaanada kasoo jeeda Maamulka Puntland ayaa la safan Ra'iisul Wasaare C/wali Sheekh Axmed, iyagoo markaasi fiirinaya Heshiiskii Garoowe, kaasi oo waxba kama jiraan noqanaya haddii ay Xukuumadda jirta uu Daadka qaado.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho