Posted: Mon Dec 11, 2006 1:10 pm
The Great King is now DISARMING more Cayr:
Golaha Maxkamadaha oo la wareegay Hubkii qaar ka tirsan Ganacsatada reer Muqdisho.
Golaha Maxkamadaha Islaamka ayaa si rasmi ah ula wareegay Hubkii qaar ka tirsan Ganacsatada reer Muqdisho, kadib markii Mas'uuliyiin ka tirsan Maxkamadaha ay digniin kama dambeys ah u jeediyeen in Hubka ku soo wareejiyaan.
Shirkadaha Ganacsiga ee Hubeysan ayaa dhowaan waxa ay hubabkoodii ku wareejiyeen Maxkamadaha Islaamka, iyadoo arrintan ka dambeysay wareegto ka soo baxday Gudoonka Sare ee Maxkamadaha, taasoo sheegeysay in aan lagu arkin cid gacanta ku heysata hub oo aan Aheyn Maxkamadaha Islaamka.
Shirkadaha Isgaarsiinta ee ka hawl gala Magaalada Muqdisho ayaa wareejiyay tiro gaadiidka Dagaalka ah.3
Shirkadaha Hormuud, Nation Link iyo Telecom Somalia ayaa noqday shirkadihii Ganacsi ee si rasmi ah u wareejiya Hubkooda, waxaana lagala wareegay in ka badan 10 baabuurta dagaalka ah oo ay heysteen.
Waaxda Amniga ee Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah ula wareegay Hubkaas, oo la sheegay in lagu xareeyay Xero ku taal Degmada Dayniile.
Madaxa Amaanka Maxkamadaha ee Gobolka Banaadir C/llaahi Macalin Abuu Cuteyba ayaa la sheegay in hubkaas lagu wareejiyay.
C/casiis Xasan Maxamed (GOLF)
googooye16@hotmail.com
golf@jowhar.com
Xafiiska Jowhar.com ee Magaalada Muqdisho