this is Cabdi Galayax about our legendary wars with Ogaadeen goosadheer in Ulasan, Qalqalooc, Baarmagoog, Laba Baar, Khelaafo, Shiilaabo

Gabagabada maantaad dhigteen, guriga reer Diini
Ganbalaaligii dhacay haddaad, hadal ka goobaysid
Ogaadeen guddoon adag leh baa, guuto soo dumaye
Gawraarta nagu meersan iyo, ULASAN GUUDKEEDA
-----------------
Guulaha ugu waaweyn oo Cabdi Galayax lagu soo xasuusto waxaa ka mid ahaa dagaalkii uu ku dhiciyey geel aynu hore wax uga qornay oo la isku helay agaggaarka Hawdey. Waa dagaalkii BAARMAGOOG IYO ULASAN ay ragga badani u allaysteen oo ay ciidanka wateen Cabdi Galayax iyo Gaalleef Faarax-Gurey, oo been ilaahay baa caayey ee ay sida xarragada ah geeloodii u dhacsadeen.
Meel ay Amxaaro uga hiilliso iyo xilli ay u hiilliso midna ma uu jirin, waayo geela wuxuu colku galay aroortii, waxaana dagaalkii lagu kala quustay galabtii. Nin raggii la quusiyey oo goobtaas ka huleelay ka mid ahaa baa wuxuu Galayax ku soo tuuray mirarkaan gabayga ah, asaga oo dabajooga gabay uu Galayax ka tiriyey dagaalkaas:
Haddii aan Amxaarkaas gurrani, guriga kuu joogin
Oo aan Eebbahay kugu galladin, gaalo waa beloÂ’e
Wallee Galayaxow maalintii, geel ma dhiciseene
Gaawaha wallee kuma listeen, adiyo Gaalleefe
Ilaahay amarkiis qof kasta oo soomaali ah markii dagaal ama siyaasad lagu quusiyo ayuu Amxaaro iyo wax aan loo joogin soo hadalqaadaa! Dagaalkii Baarmagoog iyo ULASAN in ay Amxaaro joogtey buu ninkaasi Cabdi Galayax guushiisii ku gudbey, hase ahaato ee Cabdi baa isla markiiba gabaygii si xaqiiqda waafaqsan uga jawaabey, wuxuun gartay sababta asaga iyo Gaalleef carrabka loogu dhuftay in ay tahay in ay yihiin labo nin si gaar ah looga baqo, laakiin uu ninka soo gabyey ku xagxagtey in aysan lahayn karti ay geel u yeeshaan ee ay Amxaaro caawiso, wuxuuna Galayax ku jawaabey:
Ciisow gob waa laga duwaa, gabayga qaarkiise
Waa aniyo Gaalleef raggaad, gaar wax noo tiriye
Allaylehe war aad nagu gaftaad, nagu gudbaysaaye
Gooddiga colaadeed rag waa, guluftamaayaaye
Gabagabada maantaad dhigteen, guriga reer Diini
Ganbalaaligii dhacay haddaad, hadal ka goobaysid
Ogaadeen guddoon adag leh baa, guuto soo dumaye
Gawraarta nagu meersan iyo, Ulasan guudkeeda
Waydinkii Gobaad oo fadhida, galay aroortiiye
Ayadoo xeryaha goobta weyn, gedengetaynaysa
Goonyaha waxaad kaga riddeen, gumuc rasaaseede
Go’aankiinnu waatuu ahaa, ”geeya xoolaha,e”
Golihiise idinkoon ka wadin, garadkii loo ooday
Gosha waxaad isaga soo baxdeen, wiilal geyr qabaÂ’e
Dabadeedna niman gaan ah baad, goob ku dirirteene
Gubniyaal Amaxaariyo ma jirin, gaal wax ii taraye
Geelayga anigaa dhacsaday, galabtii Hawdeye
Intaad Xabashi guul aysan dhigin, gole ka sheegaysid
Annaba gamasyo waan haysanniyo, gaabanow sumuce
Ma gabdhay ahaayeen raggii, kugu dulgeeray?!
-----------------
http://www.somaali.com/Opinion.php?art_ID=943