This Why Somali 'Reconciliation' Is Still ILLUSSION !!!!!!!!

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Sadaam_Mariixmaan
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13484
Joined: Sat Feb 03, 2007 8:50 pm
Location: Villa SADAAM, Jamuriyada Sadaamalia
Contact:

Re: This Why Somali 'Reconciliation' Is Still ILLUSSION !!!!!!!!

Post by Sadaam_Mariixmaan »

[quote="Lord Diplock"][quote="Sir-Luggoyo"]This reminds me the lyrics of one of Bob Marley's songs.

Give 'em an inch, they take a yard
Give 'em a yard, they take a mile

It really is a mind-boggling matter that Marexan have a say in Kismayo affairs and are actually voicing a concern!!! The audacity. Is this the end of Dhabayaco hegemony in Kismayo?[/quote]

who have hegemony in Kismayo? MR or MJs?

Couldn't be bothered about some civilians losing 'their' weapons.[/quote]


EVEN WAQOYI KIDS KNOW MAREXAAN RUNS KISMAAYU Laughing Laughing Laughing
Daanyeer
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15780
Joined: Tue Aug 12, 2003 7:00 pm
Location: Beer moos ku yaallo .biyuhuna u muuqdaan

Re: This Why Somali 'Reconciliation' Is Still ILLUSSION !!!!!!!!

Post by Daanyeer »

http://nuclearworldaction.com/target.html



Golaha salaadiinta beesha Jareerweyne oo daboolka ka qaaday inuusan iyaga metelin xubinta beesha 5-aad uga mid noqotay 5-ta xubnood ee guddiga dib u heshiisiinta Qaranka



Kulan ay maanta isugu yimaadeen xubnaha golaha salaadiinta beesha Jareerweyne oo ka dhacay guriga Ugaas Cabdi Xasan Yarow oo ku yaala xaafada Buulo Xuubey degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka Soomaaliya iyo doorka beeshaasi ay ka qaadan karto taabagelinta shirka dib u heshiisiinta ee dhowaan madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed u sheegay in lagu qaban doono magaalada Muqdisho 16-ka bisha soo socota ee Abriil.



Afhayeenka golaha salaadiinta ee beesha Jareerweyne Ugaas Xaaji Xuseen Maxamed Macalin oo kulankaasi ka dib saxaafada la hadlay ayaa sheegay in beesha Jereerweyne ay si weyn uga soo horjeedo in nidaamka beelaha Soomaaliyeed wax loogu qeybinayo uu noqdo 4.5 oo sidaa darteedna aysan aqbali doonin “Nama metelo xubinta beesha 5-aad uga midka ah guddiga shirka dib u heshiisiinta Qaranka ee la magacaabay, waxaana sidoo kale cadeyneynaa in beesha ay weligeedba ku dulmaneyd nidaamka wax loogu qeybiyo beelaha Soomaaliyeed talada dalka iyadoo ka mid ah beelaha waaweyn oo wax ka dega ilaa 10 gobol oo Soomaliya ka tirsan” ayuu yiri afhayeenka oo intaa ku daray in beelaha Soomaaliyeed ay horey u cadeeyeen inaanu iyaga ka iman go’aanka sheegaya in 4.5 wax lagu qeybiyo, iyagoo soo bandhigay qoraal arrintaasi la xiriira oo beelaha Soomaliyeed ay saxiixeen, wuxuuna afhayeenku ka codsaday dowladda federaalka Soomaaliya iney joojiso nidaamka loo yaqaano 4.5 oo uu xusay in beesha Jareerweyne ay ku dulman tahay, si weyna ay u dhibsadeen bacdamaa buu yiri beeshu ay ka mid tahay beelaha waaweyn.



Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay guddoomiyaha golaha salaadiinta beesha Jareerweyne Malaaq Maxamed Sharey Iimaan oo isaguna tiilmaamay in beeshaasi aysan ka qeyb geli doonin ayna qaadici doonto kulanka dib u heshiisiinta ee 16-ka Abril la qaban doono haddii dowlada federaalku ay beelahaasi ku sii wado iney wax ugu qeybiso nidaamka 4.5, wuxuuna intaa ku daray guddoomiyuhu iney nasiib daro tahay iyo meel ka dhac in beesha Jareerweyne oo ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ee waaweyn ay ka dhex muuqan weydo guddiga 5-ta xubnood ka kooban ee loo magacaabay iney maamulaan shirka dib u heshiisiinta Qaranka, isagoo sheegay in siyaasiyinta beeshaasi uga midka ah dowladda federaalku aysan awood u laheyn iney arintaasi ka dhaadhiciyaan mas’uliyiinta sare ee dowladda sababo la xiriira iyagoo ilaashanaya danahooda gaarka ah, wuxuuna ugu baaqay dowlada federaalka Soomaaliya iney cabashadooda wax ka qabato.

Kulankaasi oo ku soo dhamaaday jawi aad u wanaagsan ayaa xubnaha golaha salaadiinta Jareerweyn ka qeyb galay kulankaasi ka mid ahaa Suldaan Cali Muuse Xasan, Ugaas Sheekh Xasan Yare, Ugaas Cali Cabdi Aadan, Ugaas Macalin Xasan Daa’uud iyo kuwo kale oo aad u fara badan.

Xafiiska Muqdisho, Somalia



News Update in English www.dayniileone.com

.
Daanyeer
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15780
Joined: Tue Aug 12, 2003 7:00 pm
Location: Beer moos ku yaallo .biyuhuna u muuqdaan

Re: This Why Somali 'Reconciliation' Is Still ILLUSSION !!!!!!!!

Post by Daanyeer »

User avatar
Sadaam_Mariixmaan
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13484
Joined: Sat Feb 03, 2007 8:50 pm
Location: Villa SADAAM, Jamuriyada Sadaamalia
Contact:

Re: This Why Somali 'Reconciliation' Is Still ILLUSSION !!!!!!!!

Post by Sadaam_Mariixmaan »

he LOVES Gedonet... Laughing Laughing Laughing
User avatar
DawladSade
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13940
Joined: Fri Apr 22, 2005 9:38 pm
Location: Xornimo

Re: This Why Somali 'Reconciliation' Is Still ILLUSSION !!!!!!!!

Post by DawladSade »

Laughing Laughing Laughing
Daanyeer
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15780
Joined: Tue Aug 12, 2003 7:00 pm
Location: Beer moos ku yaallo .biyuhuna u muuqdaan

Re: This Why Somali 'Reconciliation' Is Still ILLUSSION !!!!!!!!

Post by Daanyeer »

BOOSAASO: Waana ka tuuraynaa xukunka (Cadde Muuse) Kulan Xaasaasi ah oo dhex maray Isimo iyo Ganacasato
Posted to the Web May 03, 21:06


Boosaaso: (pp) - “ogaado cashuur ma bixin doono dawlada ma aqoonsan doono waana iska dhicinynyaa haday sii wado qaladakaan waana ka turynaa xukunka “ Cade Muuse Kulan Xaasaasi ah oo dhex maray Isimo iyo Ganacasato



Kulan balaaran oo ay maanta isugu yimaadeen ganacasdata iyo Isimada Puntland qaarkood ayaa ka dhacay hoteelka Karaama 2 ee magaalada Boosaaso Shirkaan ayaa ahaa mid ay gancasatadu ugu gudbiyeen Isimada cabasho dhan ka ah Maamulka Puntland oo heshiis la galay Nin ajnabi ah oo qadaan doona xoolaha soomaaliya.

Isimada shirkaan ka qayb galay ayaa waxaa ka mid ah Ugasaas Xasan Ugaas Yaasiin , Beeldaaje Cali Faarax , Beeldaaje Faarax Xaaji Cabdulaahi, Garaad Cabdulaahi Cali Ciid , Suldaan Bashiir Muuse Konte iyo Suldaan Ciise Xasan Cumar iyo qaar kale oo aanan hlkaan lagu soo koobi Karin



Ugu horayntii waxaa shirkaasi ka hadalay Siciid Cabdulaahi oo ah ganacsde taageersanaa qaabka dowladu u gasahay heshiiska balse saakay shaaca ka qadaay inuu ka soo horjeedo.

Intaasi kaddib waxaa hadalay ganacsatadii oo si weyn uga horyimi heshiiska in la siiyo xero xoolaha laga raro nin u dhashay dalka sacuudiga waxayan ku tilmaameen in aaney qadaan karin dawladana ay kaga hor-imaanayaan.



Cali Xaaji Siciid oo ah ganacsade ayaa ku yiri Isimada “ogaado Cashuur ma bixin doono dawladana ma aqoonsan doono waana iska dhicinaynaa haday sii wado qaladaadkaan Sidoo kale jamaac Cismaan Ducaal ayaa isna ah nin ganacsade ah ayaa ka codsaday Isimada inay wax ka qabtaan arinkaan maadaama ay yihiin awooda ugu saraysa Puntland hadii ay wax ka qaban wayaan ay arintu faraha ka baxayso.

Isimada ayaa markii ay dhegaysteen hadaladii ganacastada ugu jawaabay in ay ka warsugayaan inta ay ka arkayaan dowlada.Gobtaan shirkaani uu ka socday ayaa saakay waxaa ka muuqatay inay ka jirtay xamasad kacsanaan ah waxayna kusoo aaday cabashada iyo hanjabaadahaba ganacsatada xili uu Madaxweyne Cadde Muuse uu kula kulmayo Carbkii heshiiska lala galay dalka Imaaraadka Carbta.

Sidoo kale gacasatada ayaa qaarkood u sheegeen Saxaafada inay gebi ahaan si cad uga hor imaanayaan hanaanka mamulka ay wax u wadaan.Ugu danbeyntii waxaa goobtaasi yimi nin gancsade ah oo sheegay in xabsiga loo taxaabay ka gadaal markii uu BB-da ka hadalay oo cabasho ka muujiyey arinkaasin mudadii uu xirnaa ayuu sheegay in si xun loola dhaqmay taasi qaar badan ganacsatda ah ka carysiisay .

Arrinka ah in laga dhiso Puntland Maxjar xoolaha laga aro ayaa puntland ka noqday waxa keliya ee ugu hadal haynta badan waxaana laga filan karaa inuu saameyn weyn ku yeesho
hanaanma maamulka Puntland,madaama ay si weyn uga soo horjeedaan ganacsadii dalka u ahaa udub dhexaadka keliya uu ku socdo Maamulka puntland,lamase oga weli waxa Isimadu ay kala kulmi doonaan dhanka maamulka , markay u gudbiyaan cabashada ka soo yeeraysa ganacsatada Puntland

A/risak Omar Ismail
Puntlandpost, Boosaaso, Soomaaliya
Daanyeer
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15780
Joined: Tue Aug 12, 2003 7:00 pm
Location: Beer moos ku yaallo .biyuhuna u muuqdaan

Re: This Why Somali 'Reconciliation' Is Still ILLUSSION !!!!!!!!

Post by Daanyeer »

Daanyeer
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15780
Joined: Tue Aug 12, 2003 7:00 pm
Location: Beer moos ku yaallo .biyuhuna u muuqdaan

Re: This Why Somali 'Reconciliation' Is Still ILLUSSION !!!!!!!!

Post by Daanyeer »

BOOSAASO : Gaagaab oo ka soo horjeedsaday dhagxaanta laga raray Boosaaso

Posted to the Web May 12, 15:46


Boosaaso:-Warar xogogaal ah oo Puntlandpost xafiiskeeda London la soo gaarsiiyay ayaa sheegaya in uu si toosa uga soo horjeedsaday Maxamed Cali Yuusuf (gaagaab) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland dhagxaanta sida isdaba jooga ah looga rarayo dakada Boosaaso.



Gaagaab , ayaa la sheegay in uu Cadde Muuse uu si bareer ah ugu caddeeyay mowqifkiisa ku aadan rarida dhagxaantan , taa soo ka caraysiisay Cadde Muuse oo isugu ka mid ah shaqsiyaadka ay ka go’an tahay in dhagxaantan loo dhoofiyo dalka Imaaraadka oo la sheegay in ay u isticmaalayaan dhagxaantan arimo muhiima oo ay ka mid tahay in ay baddooda ay ku beeraan si ay ugu bataan khayraadka ay ka mid yihiin Kalluunka iyo Aaragoosatada oo iminka ku sii yaraanaysa.



Khudbad , aanay soo bandhigin saxaafadu kadib marii wariyaashii laga qaaday qalabkii oo uu jeediyay Cadde Muuse oo xiligaasi safar uga soo laabtay dalka Imaaraadka , ayaa Cadde wuxuu Gaagaab ku eedeeyay in uu yahay Nin nooc ah oo ka soo horjeeda siyasada dawladda.



Cadde Muuse , wuxuu sheegay in dhagxaantaani ay yihiin kuwo aan cidna wax tar u lahayn , balse haddii la dhoofiyo dadka danyarta ah wax loogu qaban-karo , sidaasdarteedna aysan haboonayn in uu Gaagaab iyo cidkalaba ay ka soo horjeedsadaan , taa soo wariyaashii halkaasi joogtay ku noqotay hadal ku cusub oo aan horay looga warhayn muranka u dhaxeeya Cadde iyo Gaagaab.

Xafiiska-London, Puntlandpost.com
Daanyeer
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15780
Joined: Tue Aug 12, 2003 7:00 pm
Location: Beer moos ku yaallo .biyuhuna u muuqdaan

Re: This Why Somali 'Reconciliation' Is Still ILLUSSION !!!!!!!!

Post by Daanyeer »

BGAROOWE : Baabuur ay leeyihiin Ciidanka Booliska oo la dhacay , iyadoo la dhaawacay wadihii gaariga

Posted to the Web May 19, 15:10


Garoowe:-Baabuur ay leeyihiin Ciidanka Booliska Garoowe ayaa maanta ay dhaceen dabley hubaysan , kadib markii qy ku weerareen wadihii gaariga oo xiligaasi ku sugnaa gurigiisa , waxaana dhaawac soo gaaray darawalkii gaariga waday.

Darawalka gaarigan waday oo lagu magacaabo Oday-bari ayay dableydii ay xabado lugaha kala dhaceen kadib markii sida la sheegay uu diiday furaha gaariga , dabadeena gaarigii ay la baxsadeen.

Dableyda gaariga dhacday ,ayaa la sheegay in ay dhamaayeen 2 nin , waxaana la sheegayaa in ay dhanka Koonfurta ay ula baxsadeen , lama garanayo ilaa iminka meesha ay ku dambeeyaan.

Axmed C/salaam
Garoowe , Puntlandpost.com
Daanyeer
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15780
Joined: Tue Aug 12, 2003 7:00 pm
Location: Beer moos ku yaallo .biyuhuna u muuqdaan

Re: This Why Somali 'Reconciliation' Is Still ILLUSSION !!!!!!!!

Post by Daanyeer »

........"Duqii Hore ee Degmada Boosaaso Khadar Xaaji Mire ee shalay shaqada laga eryay ayaa maanta wuxuu xafiiskiska la yimid 60 Nin oo aysan ka muuqan dirayska cidanka iyo 2 qori oo ah qoryaha loo yaqaan Taknikada"


BOOSAASO : Khadar Xaji Mire ma wuxuu horseed ka yahay kacdoon dadwayne oo ka dhan ah Cadde Muuse ?
Posted to the Web Jun 18, 19:20


Boosaaso:-Waxaa shalay xilkii laga qaaday Duqa Degmada Boosaaso Khadar Xaaji Mire , kadib markii Golaha Deegaanka Boosaaso ay cod aqlabiyad ah xilkii kaga xayuubiyeen.

Waxayna xil ka qaadistisa u cuskadeen in uu Duqu lunsaday hanti aad u badan , islamarkaasna uu sameeyay ku tagr-fal maamul , wuxuuna dhawaan soo bandhigay in la iibiyo garoonka kubadda cagta ee Boosaaso.


Hase ahaate , waxaa isla shalayba qoral ay aritan ku burinayaan si wadajir ah u soo saaray Cadde Muuse M.waynaha Puntland iyo Wasiirka dawladaha hoose iyo horumarinta gobolada Cali Cabd Awaare waxayna qoraalkooda ku sheegeen in xilka qaadista Duqa Boosaaso ay tahay mid aan la aqbalayn oo aan sharci ahayn , waxayna sheegeen in uu Duqu ka maqnaa goobta xilka looga qaaday , islamarkaasna masuuliyiinta Wasaaradda dawlada hoose aysan goobjoog ka ahayn.



Waxayna qoraalkooda ku sheegeen in uu Khadar yahay Duqa Boosaaso oo aysan jirin cid badali karta.



Hadaba , Duqii Hore ee Degmada Boosaaso Khadar Xaaji Mire ee shalay shaqada laga eryay ayaa maanta wuxuu xafiiskiska la yimid 60 Nin oo aysan ka muuqan dirayska cidanka iyo 2 qori oo ah qoryaha loo yaqaan Taknikada , taa soo dadwayha reer Boosaaso ay aad uga caraysiisay.



Magaalooyinka waawayn ee Puntland , ayaa ilaa shalay waxaa laga hadal-hayaa qoraalka la yaabka leh ee ay soo saareen Cadde iyo Awaare , kaa soo ay dadku siyaabo kala duwan u micnaysteen.



Dadka Boosaaso, iyo guud ahaan dadwaynaha Puntland ayaa aaminsan in cidda dooran-karta ama xilka ka qaadi-karta Gudoomiyaasha degmooyinka ay yihiin Xubnaha Golaha Deegaanka , Madaxwaynaha ayaa isna sida uu sharcigu qabo wuxuu kala diri-karaa dhammaan Golaha deegaanka marka lagu helo in ay galaan khiyaamo-qaran ama uu u arko inysan ka soo bixi-karin waajibaadkii loo igmay.



Sidoo kale , dadwaynaha ayaa waxay iswaydiinayaan wuxuu Khadar kaga duwan Guddoomiyasha kale ee dhigiisa ah ee inta badan kuwii isaga mar lawada doortay la riday oo ay rideen Golayaasha degmooyinka.

Halkan ka akhri qoraalka Cadde iyo Awaare ay sida qaawan u taageen Khadar

Dadwaynaha reer Boosaaso , ayaa waxaa laga yaabaa in ay maalinimada bari ah haddii Eebe idmo in ay sameeyaan mudaharaad ay kaga cabanayaan qoraalka Cadde iyo Awaare oo ay u arkaan mid aan sharciga waafaqsanayn.



C/laahi Cali Ciise

Boosaaso , Puntlandpost.com
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”