26 Years to the Day...April 6 1981 SNM Launched
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.

Re: 26 Years to the Day...April 6 1981 SNM Launched
ALLAHU AKABAR !
06/04/07 - Maalmaha adduunyada midba waxay leedahay xasuus gaara iyo taariikh gooni ah oo lagu xasuusto. Haddaba
maalintani waxay kaga duwan tahay maalmaha kale waa maalintii rumeysay himiladii xaq u dirirka, waa
maalinta dhabaysan in la diidi karo yeeshii taliskii Siyaad Barre, waxay taabatay ruux kasta oo reer
Somaliland ah, waxay wax ka badashay fikirkii iyo siyaasadii mandaqada Geeska Afrika. Waxayna horseeday
qaab iyo hanaan cusub oo dimuqraadiyada oo ka hana qaada gobolka isla markaana tusaale u noqda dadyowga
dunida.
Haddaba Maalinta Jimcaha ah ee fooda inagu soo haysa ee bisha April tahay 6-du waxay ku beegna tahay
sannadguuradii 26-naad ee ka soo wareegtay markii magaalada London lagaga dhawaaqay jabhadii xorreynta
ee SNM. Dhaqdhaqaaqa SNM oo ahaa mid maalinba heer joogay waxa ay xarakadiisu ka soo unkatay dalka
Boqortooyada Sacuudiga oo ay sannadihii toddobaatanadii u haajireen aqoonyahano, siyaasiyiin,
arday iyo dad badan oo xoogsato ah , kuwaas oo in badan oo ka mid ahi shaqooyin ka raadsadeen, ka dib
markii ay dadka reer Somaliland ku hungoobeen midowgii Soomaaliya 1960. Arrintana waxay sababtay in halkaasi
xarun u noqoto dhaqaaq hor leh oo lagaga wada tashanayay qaabkii iyo hanaankii dalka looga xorreyn
lahaa taliskii dhiig yacabka ahaa ee Muqdisho. Dadka reer Somaliland-na waxay wakhtigaa ay wadaagayeen
dareen guud oo ay ka sinaayeen, kaasi oo ay kaga soo horjedeen nidaamkii cagajugleynta iyo cabadhusika ku
dhisnaa ee ay ku hayeen dolwdihii talada Jamhuuriyadii Soomaalida isaga danbeeyay.
Dhalashada iyo dhawaaqida SNM ay kaga dhawaaqeen mujaahidiintii tirade yarayd waxay ahayd mid shacbigu
in badan ku dhololeen kana dhursagayeen dhalashadeeda, tan iyo intii uu dhicisoobay inqilaabkii Allah ha u
naxariistee Xasan Keyd Horseedka ka ahaa. Waxay ahayd sannadkii 1981-kii markii dalkan Ingiriiska ay soo
gaadheen niman aqoonyahano ah oo reer Somaliland, kuwaas oo intooda badani ay ka soo kicitimeen dalka
Sacuudiga. Sababaha ugu waaweyn ee kalifay ragaasna waxay la odhan karaa waxay ahayd dhibaatadii ay dalka
ku haysay xukuumadii Siyaad Barre iyo iyagoo ay u cuntami wayday xaalada dalkooda hooyo ka jirtay. Waxa
haddaba 6-dii April,1981kii, isugu yimid magaalada London ilaa 200 oo ruux oo reer Somaliland ah oo isugu
jira aqoonyahano, siyaasiyiin, iyo qaybaha kale ee bulshada oo ka kala yimid daafaha dunidu.
Kullankaasina waxa uu ka dhacay hoolka shirarka ee Conaut Rooms Hotel oo ku yaallay faras magaalada
magalada London. Halkaasi oo dhidibada loogu taagay jabhadii xorreynta ee SNM ee dalka ka xoreyso taliskii
nacabka ahaa ee Siyaad Barre.
Haddaba dadka qaar ayaa walaac ka muujiyay sida ay u adag tahay in dagaal hubaysayn lagala hor yimaado
dowladii diktaatooriyada ahayd oo lagu tirin jiray waddamada ugu xoogga badan qaarada Afrika. Halka dad
badan oo guddaha iyo dibedda dalka ku sugnaaba si aada oo kalsooni badani ka muuqato u soo dhaweeyeen.
Aasaaska SNM wuxuu ahaa mid si aada loogu farxay oo noqday naruuro iyo rajo iftiimaysa oo ay ku soo
hirtaan dadka xaq u dirirka ahi. Doc kale haddii aynu ka eegnana ku dhawaqidii SNM waxay ku soo begantay
xilli uu marayay meel daran cadaadiskii iyo cabudhintii talisku ku hayay shacbiweynaha reer Somaliland oo dadku si cad uga hor yimaadeen
nidaamkiisii. Sidoo kale waxa iyana dalka ka jiray dhibaatooyinka dhinaca dhaqaalaha ah oo waxa xayiraad culus la saaray ganacsiga oo dad reer Somaliland ay xirfad dheeraada u lahaayeen iyagoo ka faa’iideysanaya xidhiidhki maayacmushtari ee ay la lahaayeen dalalka
gacanka carbeed.
Abuuritaanka dhaqdhaqaaqa SNM wuxuu naxdin iyo niyad jab weyn ku noqotay kaligii taliyihii Siyaad Barre oo kaga jawaabay xadhig, dil, dhac iyo dulmigii uu dadka reer Somaliland ku hayay inuu sii laban laabo, taasi oo shiidaal u noqotay halgankii xorreynta.
Isla dabayaaqadii sannadkii 1981-kii ayaa waxa shir kale la isugu yimid magaalada London, kaasi oo lagu doortay guddoomiyihii ugu horeeyay ee Jabhadii SNM.
Ahmed Mohamed Gulied(Chairman)
Ahmed Ismacil Dikhsi General Secretary
Dr. Abdisalam Y. Mohamed Secretary for foreign affairs
Said Abdillaahi Egal Secretary for internal affairs
Ahmed Gulied (Zaili) Party Secretary
Hassan Essa Jama Political Secretary
Mr. Mohamed Ahmed Zaidi Secretary for finance
Mohamed Hashi Eilmi Secretary at large
Waxa iyana durbadiiba u gudbay dhinaca dalka Itoobiya saraakiil sar sare oo ciidanka ka tirsanaa oo ka mid ahaa aasaasayaashii garabkii milatariga ee SNM, kuwaas oo bud dhig u noqday ciidamadii xorreynta ee ugu horeeyay ee jabhadda SNM yeelato. Waxaana ka mid ahaa saraakiishaa Allah u naxariistee Muj. Aadan Sheekh Maxamuud (Aadan Shiine), Muj. Axmed Dhagax, Muj. Maxamed Cali iyo Muj. Maxamed Kaahin. Waxa iyana
jirtay in isla sannadkaa lagu lagu toogtay Bariga G/Togdheer (Dharkeyn geeye) Allah u naxariistee Col. C/llaahi Siciid, taasi oo ka cadheysiisay saraakiil badan oo reer Somaliland ah.
Ururka xorreynta ee SNM wuxuu isla markiiba ku tallaabsaday horumar mug leh oo dhinaca kasta ah waxaanu fajaciso iyo amakaag ku riday ciidamadii ka
amar qaadan jiray xukuumadii Siyaad Barre. Waxa haddaba xusid mudan marka laga tago mahadhooyinkii mujaahidiinta SNM ka geysteyn goobihii dagaalka ee la isku haleelay, hawgaladii guddaha dalka ay ka fulliyeen sida Jabintii jeelka Mandheera, furashadii Muj. C/llaahi Askar, dilkii taliyihii nabadsugida ee gobollka W/galbeed iyo kuwo kale oo badan. Hawgaladaasina waxay ku dhaliyeen ciidamdii Afweyne qalbi jab, argagax iyo in ayna u babac dhigi Karin xabadda xaq u dirirka, taasi oo dhinaca kalena kor u qaaday niyadii dagaalyahanka SNM.
Jabhadii SNM iyadoo ka duulaysa heshiiskii Itoobiya iyo Soomaaliya dhex maray ayaa waxay qaateen go’aan adag oo hal adaygnimo iyo kalsooni leh, waxayna weeraro ku eekeeyeen ciidamadii cadowga ee ku sugnaa Somaliland, halkaasna waxa ka bilowday dagaalkii guddo galka dalka 27kii May 1988kii, oo ugu danbayntii horseeday gobanimada iyo xorriyada dadka reer Somaliland maanta haysto.
Taariikhda ururka SNM maaha mid maqaalo lagu soo koobi karo balse waxay u baahan tahay in buugaaga iyo filimo
badan laga sameeyo inta ay nool yihiin mujaahidiintii ka qayb qaatay halgankii xorreynta dalku.
Guud ahaanba intii SNM jirtay waxay yeelatay 5 guddoomiye oo si xor ah loo soo doortay, oo kala ahaa:
Muj. Axmed Jimcaale Guuleed (Allah Yarxam)
Muj. Sh Yuusuf Sh Cali Sh Madar (Allah Yarxam)
Muj C/qaadir Koosaar (Allaah Yarxam)
Muj. Axmed Maxamed Siilaanyo
Muj. C/raxmaan Axmed Cali (Alah ha naxariisto).
Dimuqraadiyada ururka SNM dhex diisa taallay ayaa ahayd mida gogol dhig u ahayd horumarkii, cududii milatari iyo guulihii mudda yar ururku sida dhakhsaha ah u gaadhay. Taasi oo ahayd mid cajiib ah oo lagu faani karo, waxay ahayd mid aan ka suurtagalin jabhadihii kale ee taariikhda dunida soo maray. Waxayna markii danbena tiirar iyo sal ay ku is taagto u noqotay Jamhuuriyada Somaliland.
Ururkii xorreynta ee SNM isagoo tixgalinaya distoorkii u yaallay ayuu markiii uu muddo 2sanno ah tallada dalka hayay dib ugu celiyay gacanta shacbiga reer Somaliland si ay aayahooda uga tashadaan. Jabhadii SNM waxay gadh wadeen ka ahayd nabadayntii beelaha reer
Somaliland dhex martay iyo geedis socodkii nabada Somaliland ka hana qaaday. Maantana waxa laga rabaa dowladda talada dalka haysa haddii lagaga guuleysto doorashada madaxtinimada ee inagu soo foolka leh in ay sidaa si la mid ah yeelaan.
Maalinta xuska 26 guurada SNM awgeed waxaynu xasuusan doonaa qaar ka mid ah Allah ha u naxariistee Mujaahidiintii horseedka ka ahaa dagaalkii hubeysnaa ee geeriyooday.
Muj. C/qaadir Koosaar
Muj. Aadam Sh. Maxamuud (Aadan Shiine)
Muj. Aadan Saleebaan
Muj. Axmed Dhagax
Muj. Dayib Gurey
Muj. Gacma Dheere
Muj. Aadan Dhamac
Muj. Mahdi Cali
Muj. Dhuxul
Muj. Ibraahim Koodbuur
Muj. Maxamed Xaashi Lixle
Muj. Ina Macalin Haaruun
Muj. Maxamed Mooge Liibaan
Muj. Cali Xuseen
Muj. Maxamed Cali
Muj. Maxamed Haybe
Muj. Xuseen Xasan
Muj. Xasan Yoonis Habane
Muj Carab
Muj. Shakiib Suldaan
Muj. Xasan Saleebaan (Ina Saleebaan weyne)
Muj. C/llaahi Cuddo
Muj. Maxamed Axmed Maxamuud (Islaweyn)
Muj. Haragwaafi
Muj. Maxamuud Xaaji Xasan (Hurre)
Muj Haybe Cumar
Haddaba iyadoo dagaalyahankii SNM ay ka badheedheen halgankii ay la soo galeen taliskii nacabka ahaa oo ay naf iyo maalba u hureen. Waxayna inaga mudan yihiin mujaahidiinku qadarin iyo tixgalin dheeraad ah oo la siiyo maadaama ay yihiin kuwii horseed ka ahaa gobanimada iyo xoryada dadkeena maanta hadhsanayaan. Illaahay waxaanu uga baryaynaa inta shahiiday inuu naxariistii janno ka waraabiyo inta noolna waxaanu leenahay farxad nagula ciida maalintan taariikhiga ah, Ileyskaa kuwii shidow abaal baan idiin haynaa ummadaa ninkii qadshoow Inkaar baan kugu ognahayn.

-
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2325
- Joined: Wed Mar 28, 2007 10:39 pm
Re: 26 Years to the Day...April 6 1981 SNM Launched
allaaaaaaaahu akbaaaaaaaaaaaaaar.
that was the last real jiiiiiiiiiiihad,
somali national mujaahadeeeeeeeen ha noolaato.
somalia ha noolaato 4 ever even after the day of judgement.
muse issaqson.

- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super
- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
Re: 26 Years to the Day...April 6 1981 SNM Launched
Allaho akbaar...RIP SNM Mujaahidiiins......................
Somaliland is Born thanks to them
Somaliland is Born thanks to them

- Salah Al-Din
- SomaliNetizen
- Posts: 623
- Joined: Thu Nov 13, 2003 7:00 pm
- Location: Faith - Islam ; Ethnicity - Somali; Nationality - Somalilander ; Outlook - Optimistic Alhamdulilah
Re: 26 Years to the Day...April 6 1981 SNM Launched
Assalaamu Alaikum
InaBaxar, when I say exporting all those ideals, I don’t mean by force. You can influence your neighbours by being a good role model. However, you can’t contribute positively to any situation when you yourself have not quite completed your own homework. Further, I don’t see why reclaiming Somaliland’s Sovereignty is mutually exclusive to wanting Somalia Proper to flourish and achieve the same goals. In fact, I’d like to go even further and say I’d export those same ideals to everywhere Somalis live, be it Djibouti or Somali Galbeed or NFD. Now, if you’re speaking as an individual and you would like to get involved on a more substantial level you are free to do so. However, please do not confuse the SNM stated goals of prosperity for all and the will of the majority of the citizens of Somaliland to maintain their sovereignty. As the checkered history of the former Somali Democratic Republic can attest to, regardless of the SNM’s greater agenda, the masses decided to redefine the agenda to suit their terms. I hope you don’t need me to explain to you the meaning of “FOR THE PEOPLE BY THE PEOPLEâ€.
Wassalaam Wabilaahi Towfiiq

- Warsame101
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1947
- Joined: Sun Feb 04, 2007 4:32 am
- Location: Muuri/Caabudwaaq/Kismaayo
- Contact:
Re: 26 Years to the Day...April 6 1981 SNM Launched
[quote="Sadaam_Mariixmaan"]Warsame why insult your Abtiyaals the Qaldaans?...
[/quote]
And you have just exposed your shallowness. No one is here talking about qabiils, but rather about the SNM organisation.
Abtigeey hooyadey ladhashey was a prominent SNM commander and even he would tell you of some of the atrocities.

And you have just exposed your shallowness. No one is here talking about qabiils, but rather about the SNM organisation.
Abtigeey hooyadey ladhashey was a prominent SNM commander and even he would tell you of some of the atrocities.
Re: 26 Years to the Day...April 6 1981 SNM Launched
Xassan Yoonis Habane iyo General Dhegawayne are two great Isaaq generals. They phucked the Dhabayaco SSDF to submition till they all cried to Pappa Afwayne for mercy.
General Morgan and General Gaani were both butt phucked on day light. General Gaani was humiliatingly replaced after he was defeated both in the battlefields and the propaganda. General Morgan orodkii Hargeysa ka cararay wali waa ordayaa, this SOB is a shameless coward.
You can't put qualified Isaaq Generals on par with Gacan-ku-rimis Daarood Generals. They are not in the same league.
General Morgan and General Gaani were both butt phucked on day light. General Gaani was humiliatingly replaced after he was defeated both in the battlefields and the propaganda. General Morgan orodkii Hargeysa ka cararay wali waa ordayaa, this SOB is a shameless coward.
You can't put qualified Isaaq Generals on par with Gacan-ku-rimis Daarood Generals. They are not in the same league.
-
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2325
- Joined: Wed Mar 28, 2007 10:39 pm
Re: 26 Years to the Day...April 6 1981 SNM Launched
u fuucking b1tch liqaaye tdh hooyada wase.
somali national muuuujahadeeeeeeeen wey noolyahiin,don't ever
say rest in peace becos they're alive and well indeed among
the nabis in 7th heaven 4 sho,in the quran allaaah says
"inal shuhadaa'u axyaa'un cindallaahi yurzaquun"
allaah said don't say the shahiidiyiin r dead ,but they alive next to
allaaaaaaaaaaaaah receiving his blessings
allaahu akbar
allaaaaahu akbar
so liqaaye tdh pls don't let me ever hear u say they dead or
r.i.p. bullshit, becos i will find u and beat u to death like u stole
from meeeeeeeeeeeeee.
muse issaqson

[quote="LiQaaye_TDH"]Yes they were fighting for the somali people, but then the people of somaliland decided to break away from somalia.....[/quote]
then baaba siyaad got mad and killed them sad very sad
then baaba siyaad got mad and killed them sad very sad
- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super
- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
Re: 26 Years to the Day...April 6 1981 SNM Launched
[quote="wadaniweyn1"]u fuucking b1tch liqaaye tdh hooyada wase.
somali national muuuujahadeeeeeeeen wey noolyahiin,don't ever
say rest in peace becos they're alive and well indeed among
the nabis in 7th heaven 4 sho,in the quran allaaah says
"inal shuhadaa'u axyaa'un cindallaahi yurzaquun"
allaah said don't say the shahiidiyiin r dead ,but they alive next to
allaaaaaaaaaaaaah receiving his blessings
allaahu akbar
allaaaaahu akbar
so liqaaye tdh pls don't let me ever hear u say they dead or
r.i.p. bullshit, becos i will find u and beat u to death like u stole
from meeeeeeeeeeeeee.
muse issaqson
muse issaqson.[/quote]
Raaa take it easy brof...Im talking about the ones who died....

- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 1149 Views
-
Last post by Keyse_0208
-
- 5 Replies
- 780 Views
-
Last post by RoobleAlWaliid
-
- 10 Replies
- 998 Views
-
Last post by ramzy2277
-
- 6 Replies
- 511 Views
-
Last post by Mr_Alfaas
-
- 5 Replies
- 631 Views
-
Last post by Cumar-Labasuul
-
- 0 Replies
- 7 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 0 Replies
- 1101 Views
-
Last post by ToughGong
-
- 0 Replies
- 261 Views
-
Last post by Shilka
-
- 0 Replies
- 433 Views
-
Last post by GeelSanKaTaabte