Nacnaacda igala duul taag no one was talking to you isqoor bilaa lis.
Anyways worry about burco ragina loogu xasuuqayo oo xabsiga qar la dhigay by the samaron government

former siyad bare workers
Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE, oo ka hadlay arintii rabshada Burco, Muxuu arintaasi rabshda Burco Faysal Cali Warabe ka yidhi isaguna?
Hargaysa(QARAN)-Gudoomiyaha xisbiga siyaasiga ah ee KULMIYE ayaa si badheedh ah uga hadlay arimihii shaqaaqada ahaa ee ka dhacay magaalada Burco, gudoomiye Siilaanyo oo hadlaaya waxa uu arinkaasi ku dhaleeceeyay xukumada Somaliland.
Siilaanyo oo shucuurtiisu kacsantahay isla markaasina ay wajigiisa ay ka muuqato cadho xoogani isla markaasna sharaxaaya waxa keenay rabshadahii Burco ka dhacay ayaa sheegay oo yidhi. Waxa keenay gar-darrooyin iyo meel ka dhac lagula kacayo shacabka reer Somaliland gaar ahaan dadka rabshadaha sameeyay xabsiga waxa maanta ku jira dad wax u taraya shacbiga, dalka u soo halgamay, oo ah madaxda ururka QARAN, sida Dr Gaboose waxay ahayd in uu shacbiga la ciido, isaga iyo labada masuulba nasiib darri waxa abaal gud looga dhigay inay xabsiga ku jiraan, taas uun lagagama hadhine iyaga (Hogaanka Qaran), ehelkoodii iyo dadkii u damqanayey ee u arkaayey inay xaq darro ku xidhan yihiin ayaa lagula kacay xabsi, dil iyo xasuuq”.
Isaga oo arintaasi uga jeeda dadkii soo weeraray booliska ee iyagu laayay ciidamada Booliska isla markaasna iyaga oo boolisku is difaacaaya dilay hal qof oo ahaa dadkii soo weeraray saldhiga Burco dhaawacayna qaar kale xiligii ay ku jireen shaqadooda iyo difaacida naftooda, Gudoomiye Siilaanyo kama hadlin askariga Booliska ah ee shahiiday manuu tacsiyadaynin, askarigaasi oo ay haboontahay in loogu magac daro saldhigaasi uu difaacayay ee uu ku shahiiday.
Siilaanyo waxa uu aad u weeraray madaxweynaha iyo wasiirka maaliyada wasiirka arimaha dibada oo uu ku tilmaamay in ay yihiin dad qayrul masuul ah isla markaasna ay dad aan xilkas ahayn uu maamulkii dalku gacanta u galay isla markaasna la xasuuqaayo shicibkii Somaliland isaga oo u jeeda arintii ay ku dhinteen kooxdii soo weerartay booliska ee ninka laga dilay qaarka kalena laga dhaawacay, waxa uu tilmaamay in ay dadkaasi ka dhiidhiyayeen dadkooda bilahaas ciideed ugu jira xabsiyada xaqdaro iyo cadaadis ay xukumadoodii ay ku hayso.
Gudoomiye Siilaanyo aakhirkii waxa uu faray dadweynaha reer Somaliland siiba dadkan reer Burco ee dadkoodii lagu hayo xabsiyada in ay ka dhiidhiyaan heeryada gumaysi ee saaran isla markaasna ay diidaan wax kasta oo wax u dhimaaya sumcadooda iyo sharaftooda, waxa uu sheegay gudoomiyhu in ay haboontahay in la ilaashado nabadgalyada iyo jiritaankeena ay inagaga ciyaarayaan rag qayrul masuul ah oo waxan oo dhan ka danbeeya, waana in la isku duubnaadaa si looga hortago wax kasta oo wax yeelaaya wada jirkeena.
Dhanka kalena gudoomiyaha xisbiga UCID oo arintaa rabshadaha ay saxafadu wax ka waydiisay arinta rabshadaha Burco, ayaa ku tilmaamay wax lala yaabo isla markaasna aan loo dul qaadan karin, gudoomiyuhu waxa uu hadalkiisa ku soo koobay WAAR MEESHU MA GAROOWAA, waa maxay saldhigbaa la weeraray?
Source Qarannews