You can see that he got inspired by Carays Ciise Kaarshe, abwaanada wey iska qaataan style-ka, abshir bacadle imitates cali cilmi afyare lolnew-york24 wrote:"Biraha(hubka) waan weheshadaa,murqaha waan keydiyaa codowga iima hanjabee weynee ha idhihin wadnaha"![]()
Ilkacase wuxuu noqday jwxo dhoonyacab ah![]()
Amiin
- abdalla11
- SomaliNet Super
- Posts: 8228
- Joined: Mon Aug 03, 2009 9:43 pm
- Location: If you got mooryaan problems if feel for you son, i got 99 problems and a southie aint one
Re: Amiin
- new-york24
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2800
- Joined: Tue Aug 19, 2008 2:00 am
- Location: HAGARDAAMO GUMAYSI HALGAMAA WAX MA YEESHO
Re: Amiin
The great careys deserves to be taken as a role model,but to this young man it comes naturaly.
Abdalla waxaan jeclaan lahaa one of these days inaad soo bandhigto ragi majerteen ee bahasha tuuran jiray,niman yareesta meydan aheen runti.
Abdalla waxaan jeclaan lahaa one of these days inaad soo bandhigto ragi majerteen ee bahasha tuuran jiray,niman yareesta meydan aheen runti.
- abdalla11
- SomaliNet Super
- Posts: 8228
- Joined: Mon Aug 03, 2009 9:43 pm
- Location: If you got mooryaan problems if feel for you son, i got 99 problems and a southie aint one
Re: Amiin
He does have a talent, but you can see the Carays Ciise style, its obvious.
waa kan Cali Cilmi afyare, style aad ufiican buu heestay
I don´t know if you went to school in Somalia, but they used to teach the suugaan of two poets: timocadde iyo cali cilmi afyare
Yusuf Cismaan Keenadiid aad buu uyaqiinay gabayga AUN to all
waa kan Cali Cilmi afyare, style aad ufiican buu heestay
I don´t know if you went to school in Somalia, but they used to teach the suugaan of two poets: timocadde iyo cali cilmi afyare
Yusuf Cismaan Keenadiid aad buu uyaqiinay gabayga AUN to all
- new-york24
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2800
- Joined: Tue Aug 19, 2008 2:00 am
- Location: HAGARDAAMO GUMAYSI HALGAMAA WAX MA YEESHO
Re: Amiin
The video is not working,lakiin cali aun waa laguu garan.
Murugo iyo ciil waa nin rag ah, meheraddiisiiye
Inkastoo masaartiyo warmaha, lagu maleegaayo
Ma cataabo geesiguye waa, mici-adaygaaye
Maraabaha nabsigu waa, sidii moodda galabeede
Masuubo iyo khayr wixii ku hela, Maaliggaa qoraye
Mulki iyo awood ma leh nin kale, waadse moogtahaye
Murugo iyo ciil waa nin rag ah, meheraddiisiiye
Inkastoo masaartiyo warmaha, lagu maleegaayo
Ma cataabo geesiguye waa, mici-adaygaaye
Maraabaha nabsigu waa, sidii moodda galabeede
Masuubo iyo khayr wixii ku hela, Maaliggaa qoraye
Mulki iyo awood ma leh nin kale, waadse moogtahaye
- abdalla11
- SomaliNet Super
- Posts: 8228
- Joined: Mon Aug 03, 2009 9:43 pm
- Location: If you got mooryaan problems if feel for you son, i got 99 problems and a southie aint one
Re: Amiin
^LOL Duqa inoo dowlada ku tufo bey aheed. You know when Khaliif Sh Maxamuud started this poetic chain kacaanka thought it was made by Cali Cilmi, so he had to proof that it wasn't him 'Maantana haddaan lay mudmudin, uma muraadeene'. Sii xikmad leh oo aan aflagaado laheyn buu ugu jawaabay lakiin, he didnt cause too much damage. 1979 was Khaliif sheekh maxamuud's year though
This is Cismaan Yusuf Keenadiid AUN talking about reer Mudug, where he hailed from
Xayo Maxamadow lagaa waswaas xaalka reer mudugee.
Waa meelan la xasuusaneyn xaajo aakhiree.
Waa meel xasaarad foolxuniyo xumo ku beermeene.
Waa meel xakaamada sharciga la xaqiraayee.
Waa meelan seeddi xurmo weyn la xarageysineyn.
Waa meel xabiib wada dhashiyo xididba eedeene.
Waa meel xigaal kaad tihiin xaasid ku yahaye.
Waa meel xiriirki tolnimo xarigga lo goynee.
Waa meel xilki laga tegan laga xishoneyne.
Waa meel xaqiiqadii runta xaqaan la shegeynee.
Waa meelay xaarantu tahay sidii xalaashiye.
Waa meel xadgudub joogo iyo xilo kurbeeneed.
Waa meel xarquun doon u yahay kii xarshaashihiye.
Waa meel xifaaliyo denbiyo xaniin ka buuxdaaye.
Waa meeluu xoleysan lacag xaakim kii ihiyee.
Waa meel xirfo ba dhigtaa xeelad iyo ceebee.
Waa meel ninkii xoog yaraa xadaan ku joogayee.
Waa meel xaraashiyo dhaciyo xogsi la hayaayee.
Waa meel xayaatiyo dadnimo ka xadfanaadanee.
Waa meel midkaad xur u tiqiin xabash ka liitaayee.

This is Cismaan Yusuf Keenadiid AUN talking about reer Mudug, where he hailed from
Xayo Maxamadow lagaa waswaas xaalka reer mudugee.
Waa meelan la xasuusaneyn xaajo aakhiree.
Waa meel xasaarad foolxuniyo xumo ku beermeene.
Waa meel xakaamada sharciga la xaqiraayee.
Waa meelan seeddi xurmo weyn la xarageysineyn.
Waa meel xabiib wada dhashiyo xididba eedeene.
Waa meel xigaal kaad tihiin xaasid ku yahaye.
Waa meel xiriirki tolnimo xarigga lo goynee.
Waa meel xilki laga tegan laga xishoneyne.
Waa meel xaqiiqadii runta xaqaan la shegeynee.
Waa meelay xaarantu tahay sidii xalaashiye.
Waa meel xadgudub joogo iyo xilo kurbeeneed.
Waa meel xarquun doon u yahay kii xarshaashihiye.
Waa meel xifaaliyo denbiyo xaniin ka buuxdaaye.
Waa meeluu xoleysan lacag xaakim kii ihiyee.
Waa meel xirfo ba dhigtaa xeelad iyo ceebee.
Waa meel ninkii xoog yaraa xadaan ku joogayee.
Waa meel xaraashiyo dhaciyo xogsi la hayaayee.
Waa meel xayaatiyo dadnimo ka xadfanaadanee.
Waa meel midkaad xur u tiqiin xabash ka liitaayee.

- new-york24
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2800
- Joined: Tue Aug 19, 2008 2:00 am
- Location: HAGARDAAMO GUMAYSI HALGAMAA WAX MA YEESHO
Re: Amiin
I like that gabay of keenadiid,only if more dhabyacos were like him
I fogot khaliif started silsiladi hurgumo.
Abshirow micnaha gabay haddaad mid iga weydiisey
wiilyohow madluunbaan ahaa maalin iyo leyle
intaas waan mugleeyahay sidii gorayadii muune
Mas la diley sidiisaan madaxa meerinahayaaye
Sideydana waxaan maaganahay waa wax kaa maqane
Magliga daabo maahane si kale hay maleynina
Adduunyadan maraabeysay oo murugtey ee xiintay
Ee uu Mareexaan u kacay waa masala weyne
Gardarradaas mutuxan waa dagaal waxaan ka miisaaye
Maruuryoodayeey xalay miyaan miray caloosheyda
Muskii layga soo galay miyaa dhaxani mowleysay
Goortaan wax milicsaday miyaan cadho madoobaadey
Midigta iyo bidixdii miyaa midiba meel aaddey
Markabkaan ku tiirsaday miyaa meeshii laga qaaday
Maxamuud Saleebaan miyaa marada loo taagey
Mililkiyo hurgumadii miyaa uurka igu miirmay
Sidii aar mudi ahaa miyaan micida soofeystay
Ma inaan colaad maamulay dani i moodsiisey
Majeerteen Ilaah wuxuu ka dhigay malab sidiisiiye
Sidii miraha Doocaan ka baxa muudsey aadmiguye

I fogot khaliif started silsiladi hurgumo.
Abshirow micnaha gabay haddaad mid iga weydiisey
wiilyohow madluunbaan ahaa maalin iyo leyle
intaas waan mugleeyahay sidii gorayadii muune
Mas la diley sidiisaan madaxa meerinahayaaye
Sideydana waxaan maaganahay waa wax kaa maqane
Magliga daabo maahane si kale hay maleynina
Adduunyadan maraabeysay oo murugtey ee xiintay
Ee uu Mareexaan u kacay waa masala weyne
Gardarradaas mutuxan waa dagaal waxaan ka miisaaye
Maruuryoodayeey xalay miyaan miray caloosheyda
Muskii layga soo galay miyaa dhaxani mowleysay
Goortaan wax milicsaday miyaan cadho madoobaadey
Midigta iyo bidixdii miyaa midiba meel aaddey
Markabkaan ku tiirsaday miyaa meeshii laga qaaday
Maxamuud Saleebaan miyaa marada loo taagey
Mililkiyo hurgumadii miyaa uurka igu miirmay
Sidii aar mudi ahaa miyaan micida soofeystay
Ma inaan colaad maamulay dani i moodsiisey
Majeerteen Ilaah wuxuu ka dhigay malab sidiisiiye
Sidii miraha Doocaan ka baxa muudsey aadmiguye
- abdalla11
- SomaliNet Super
- Posts: 8228
- Joined: Mon Aug 03, 2009 9:43 pm
- Location: If you got mooryaan problems if feel for you son, i got 99 problems and a southie aint one
Re: Amiin
lol Khaliif was a legend nin siduu uwaday buu ka yeersiiyay magan baa qabiil kale u ahay lol.
He too took a shot at beesha, Waatan his Gubaabo wherein he mentions Reer Cumar, reer bicidyahn, cismaan and ciise maxamuud. By mentioning Col. Ciro AUN he takes shot at Cumar maxamuud.
Maraweyntii Reer Cumar ahayd, meher xalaaleeye
Midguhuna ma yeeleen waxay, madaxa saareene
Aw-Muuse gabayguu mershaa, meesha soo galaye.
Waxba yaan micne la'aan xarrago, suuqa lay marine
Waxba yaan matoobbi iyo shaal, lay mardaaddiyine
Waxba yaan dad mudanaannu nahay, lay maqmaqashiine
Is Maxamuudin tiinnaas xun baa, loo makaabsadaye
Cirro inuusan meel roon ka dhalan, waw macruuf qabaye
Magac ba'aye Ciisaan lahaa, way mintidayaane!
Cismaankii is maahuurin jiray, malihi beenowye
Haddii muran dhex maro reer tolkood, ways mutuxiyaane
Goortey shisheeyaha mutaan, reer marti xumooyin;
Raggii shaarubbada miiqi jiray, waa makaan dumaye,
Waa taad Majeerteen yar-yare, nagu magcowdeene
Murti haddaad lahaydeen wax tara, lagu muquuneeye!
Ibraahiinno milil bay qabaan, mur iyo deebaaqe << it's reer bicidyahans time to be dissed
Mootaayihii shalay ku dhacay, lagu mahlaakeeye
Dhulugdheer middii lagu dhuftay, doc ula miirmeene
The biggest Karbaash is reserved for his own Cali Saleebaan
Mahwiga Cali Saleebaan haddaan, mirar ka faalleeyo
Waa niman maslaxaddoodu tahay, mayddi iyo fooxe
Waa niman mallay inay gurtaan, maanka kaga taale;
Waa niman aan ficil muujin karin, maalin lays galaye
Iyagoo malyuun iyo malyuun, mira sarow dhaafay
Waa niman masaakiin yar-yar ah, lagu mataalaaye;
Waa niman micnaha ay wataan, lala mashquulaaye
Waa niman mucaarad iyo toos, aan midna ahayne
Waa niman aan meelna uga jirin, miis rag leeyahaye.
Malaggii walaalkii nin jecel, muruggo waw koowe
Ragga lagu malkhadayaana waa, mahurtadiinniiye
Mar un inaad is daydaanna way, kaa madowdahaye!
Mataraariyahaa lagu furaad, keligood moodeene
Nabad bay macaansanahayaan, wawse maan li'iye
Wallee ama Magaalada Berbera, dhiiggu mulacyeeyey
If you replace Berbera with Hargeisa, it would be an excellent prophecy
Another prophecy
Sida maanta aan nahay yaan la oran, laga mirroonaaye
Mar un baan mowjadaha xirmiyo, maayad soo kicine.
Nabsigaa mugdiga gudahayaa, mar un heleynaaye
Carruuraa maryaadaaya iyo, dumarkan mawleeyey
Mar un baa mid lagu meel mariyo, Maahir noo kicine
Mar uun baa rag wada miiggan iyo, miiddi soo bixine

Raganimaa ku jirtay,lakiin reer buu u dhameeyey
Mahwiga Cali Saleebaan haddaan, mirar ka faalleeyo
Waa niman maslaxaddoodu tahay, mayddi iyo fooxe
Waa niman mallay inay gurtaan, maanka kaga taale;
Waa niman aan ficil muujin karin, maalin lays galaye
Iyagoo malyuun iyo malyuun, mira sarow dhaafay
Waa niman masaakiin yar-yar ah, lagu mataalaaye;
Waa niman micnaha ay wataan, lala mashquulaaye
Waa niman mucaarad iyo toos, aan midna ahayne
Waa niman aan meelna uga jirin, miis rag leeyahaye.
I also remember him looking down on our cousins who were leading at the time as if they were beneath him
Give me more of keenadiid,thats my guy right there.

Mahwiga Cali Saleebaan haddaan, mirar ka faalleeyo
Waa niman maslaxaddoodu tahay, mayddi iyo fooxe
Waa niman mallay inay gurtaan, maanka kaga taale;
Waa niman aan ficil muujin karin, maalin lays galaye
Iyagoo malyuun iyo malyuun, mira sarow dhaafay
Waa niman masaakiin yar-yar ah, lagu mataalaaye;
Waa niman micnaha ay wataan, lala mashquulaaye
Waa niman mucaarad iyo toos, aan midna ahayne
Waa niman aan meelna uga jirin, miis rag leeyahaye.
I also remember him looking down on our cousins who were leading at the time as if they were beneath him

Give me more of keenadiid,thats my guy right there.
- abdalla11
- SomaliNet Super
- Posts: 8228
- Joined: Mon Aug 03, 2009 9:43 pm
- Location: If you got mooryaan problems if feel for you son, i got 99 problems and a southie aint one
Re: Amiin
Horta do you know who Cismaan Yuusuf is?
This is one his famous peoms 'ciraab' its full of wisdom, he's advising the competing religious sects iney midoobaan, it reminds me of our time iyo fitnada diineed ee jirta.
Hadba meelaan cidi gaarin bay calanka saartaaye
Callaha tii u dheer bay ninkaan celin ka tuurtaaye
Naftuna caasi weeyiyo sidii cadow shisheeya ahe
Intay caaq sidiis kaa dhigtay kugu ciyaartaaye
Markay taladu kula caarido baa la caqliyeystaaye
Cibaadada aad fududaysan baa ciil iga hayaaye
Waadiga cullaab oo dhan moog sida carruureede
Sow toban hal oo wada cajab ah kuma ciraab qaadan
Caaqibo danbeetiyo adduun cirib lahaan waaye
Cusaybkiina horreeiyo hadduu cirib lahaa jeere
Cisadiisu waa maalintaad caafimaad tahaye
Ninna calafkii loo qoray inuu cunayo mooyaane
Cimri dherer ma joogiyo inay cidi ku waartaaye
Cawa bari la'aantiisa sow kuma ciraabqaadan
Caqli gaabku waw bogahayaa cayshadda adduune
Cilladihiisa waa moogyihiyo cudurradiisiye
Caaqilkaa hammiyayee isaga wow calool samiye
Ciriiriga qubuurtiyo dadkaa ciidda lagu aasi
Wadkan caarran iyo geeridaan axadna ceesaynin
Waa xaal cajaa'ibahe sow kuma ciraabqaadan
Wax camimay arlaa'ga waa danbiga cuqubadiisiiye
Sida caanihii iyo biyaa loo cabbahayaaye
Canaantiyo wixii lays wacdiyay lagu cabsoon waaye
Codkay leeyihiin iyo ardadu camalka ay sheegi
Cawo nool waxay mariyaan waa cimriyo yaabe
Caalimiinta hadalkooda sow kuma ciraab qaadan
Cawaansiga tolnimo waa intii lays cisayn jiraye
Kol hadduu caloosha iska noco caafimaad lehe
Ceesid li'du waa waxa dadkuba la caddilmayaaye
Colba midaadan moodaynin baa kuu cadaawa ahe
Ciribtiyo boqnaha waxa ku goyn kii cad kuu xigaye
Cashiirada is wada xoortay soow kuma ciraab qaadan
Wadaadadaba qaar baa casilay cimaladii diine
Carradii wareershiyo dadkii caamada ahaaye
Waxay calanka qaarkood u luli cood ku soo badiye
Iyaba caynaddii lagu ogaa lagala caal waaye
Waa calaama aakhiru sabaan camalka joogaaye
culimadu siday yeeli sow kuma ciraab qaadan
Gu' cusbaaday goortuu dayaxu cirirka soo gaaro
amay lixuhu ciirada galaan iyo caddaadkoodu
cambarkaa inoo di'i jiriyo ceelka geeyaha e
haddana meeluhuu ku cayinnaa nooga curan waaye
cirku mooyi suu yahay dhulkana caws ka bixi waaye
risiqa soo ciriiryamaya sow kuma ciraab qaadan
carlaa'iga khabaarraa ka iman culus ayaan noole
waxay cudud lahaayeen quruun ciirsan baa badane
caalqaate dowlado hortood caajay aadmiga e
caaqibo nabdeed bay arladu ku camirnaataaye
nin waliba cabdada tiisa ah buu u cabsanaayaaye
colaadahakan bixi waayay sow kuma ciraab qaadan
codkoodiiba gaabsade raggii curaddada ahaaye
caqlina waa siyaadsaday ninkii ceeb ka yaab ihiye
kuwii reerka ciidamin jiraa caarran waayahane
cabiidsigu intuu dhacay gummuhu ways callaqayeene
annagayba cay nagu hayaan cidaha qaarkoode
citibaarta sabankaanna sow kuma ciraab qaadan
cosobkiyo barwaaqada waxaa ku cadfan jiilaale
cayilkana mar baa waxa ku xiga caato iyo wayde
nin cood badan lahaa oo haddana cayr ah baad arage
cirrooluhu mar buu wuxuu ahaa cunug an waynaane
dharka kii cusayb ihi mar dhow calallo weeyaane
cimilada is daba joogta sow kuma ciraab qaadan
cirka naga korreeyiyo shamsada caamka laga yeelay
cibaarooyinkaa falagga iyo calawigaa meeri
dabaylaha celceliskooda iyo curashadii roobka
caddadkii shuhuurkiyo bilaha layska caadeeyey
cawadiyo dharaartiyo waqtiga laba cadceedood ah
badda cawga laynoo dhigiyo caarigiyo buuxa
carradaan marayniyo khalqiga ku camiran guudkeeda
intaasoo xigmado culusa oo caadil ku abuuray
nin cabbaar yar fiirshaaba waa la cajabaayaaye
haddii aadan cilmiga layna faray cayna ka aqoonnin
calaamadaha ilaah dhigayna sow kuma ciraab qaadan
cabdow anigu waayahan ma marin cuurka maansada e
carcarteedna ima haynin iyo curashadeediiye
cajaa'ibaha dhacayaan arkoon caajis la ahaaye
codyar bal iga hoo dhowr hal baan kuu callimayaaye
gabaygu waa ciraab ragannimiyo cimilad waayeele
caqlaa lagu dhisaa iyo fahmada loo cawaansadaye
inaad caarif ku ahaatid iyo inaadan caadaysan
horta labada cayn waxan ahayn kagama ciil beeshid
adduunkaan cabiidsaday iyo dadkaan la isku caadeeyey
citibaar ninkii lihi ogaa cirib xumaantiise
casha noolba aakharo haddii lagu carraabaayo
cabsi eebbe mooyee si kale kagama ciil beeshid
shaydaanka laga cowsadoo nagu ciyaaraaya
colaad iyo dhibbuu nagu hayaa cadawgu goor noole
cibaadada ilaahay hadduu kaa celcelinaayo
cuskashada quraan waxaan ahayn kagama ciil beeshid
ayaamuhu cawiyo maalintii way carbinayaane
cabbaarkii yaroo kaa gudbaa waa cad kaa go'ane
cimriga sii guryamayiyo waqtiga sii ciriiryamaya
camalfalasho mooyee si kale kagama ciil beeshid
canaad iyo adduunkaan khilaaf caam ah baa jira e
sharcigii caddaa bay bidcadu kaa calwinayaane
cilmi aynaan aqoon haddii laynaku cilleeyo
caqiidada ku roor waxan ahayn kagama ciil beeshid
ninkii caaddilihi waa martida inuu ciseeyaaye
caaqibo maloo muudal baa caayan waligiise
culimiyo ayaantii ikhyaar culusi kuu joogto
cayn noolba sii waxan ahayn kagama ciil beeshid
naagaha middii caasiyoon ceesid garanaynin
kol haddaan xishood celinahayn waa col kula yaale
canannta iyo waanada haddii lagala caal waayo
ciddaadaba ka saar waxan ahayn kagama ciil beeshid
sadaqadu cafi iyo jeer danbay ciirsi leedahaye
cindallaahi waxad geysataa calaf u door roone
masaakiinta aan cood lahayn amase cayr baahan
cuntadooda u hur mooyee si kale kagama ciil beeshid
cayaar waxaad u yeeshaa dibbay kula cuslaadaane
waxa lagu cadaab mudan dadkana lagu cadaabaayo
xanta la iska caadaysta iyo cayda iyo beenta
ka cod gaabso mooyee si kale kagama ciil beeshid
casiiskii abuuraa khalqiga cayshadda u qoraye
cudurkiyo xaggiisay ka iman caafimaadkuba e
ayaantaad caloolxumo qabtoo si u ciriiryowdo
cawimaaddiisa mooyee si kale kagama ciil beeshid
nin cadowtinnimadaada qaba iyo colaaddaada
hadba ciidan uu dumay hadduu kugu cabsiinaayo
asuu ceebta aad diiddan tahay caalgabnimo moodo
cududdaada tus mooyee si kale kagama ciil beeshid
cadddibaadda hoosiyo fidmay cirib wadaagaane
caqlina ma lahan kaligii ninkii cun is yiraahdaaye
hadduu camal wax lagu qaybsadiyo caaqilnimo waayo
ka cad gooso mooyee si kale kagama ciil beeshid
duulkii la wada cawryi jiray ma ahan caynkiiye
ciskiisii baddalan jeer hadduu caarranaan jiraye
carraduu ku dhacay kowkabkii caaliga ahaaye
cilaaq iyo khilaaf baa dhexyaal caawa naadiga e

Dont know alot about him but from what i heard waxuu ahaa nin macquul ah.Thats why i said soo daa more of his poetry.
- abdalla11
- SomaliNet Super
- Posts: 8228
- Joined: Mon Aug 03, 2009 9:43 pm
- Location: If you got mooryaan problems if feel for you son, i got 99 problems and a southie aint one
Re: Amiin
Well this man created his own writing script ´osmanya´ script, he´s son was also a lingiust, who wrote the first somali dictionary, Yasiin Cusmaan Yusuf. Cusmaan Yusuf´s brother was the wellknown sultaan Cali Yusuf.
Nin wax barashada jecel buu ahaa una halgamay
´Loox maan ujiido´
Lifaaq yarida qaar baa macnuhu si uga laalmaaye
Lambarkaan u saaraan ardada uga laqbeeyaaye
Maan looxa ugu jiido waa mid igu laabnaaye
Soomaali layntiyo fidmada amase laystaanta
Laqdabada ku wada ku wada saabsan iyo lahanka uurkeeda
Iyo lillaahi gaabidu wixii lumiyey weeyaane
Iyagaa libaaxyo isku noqon oo is laaliyeye
Ninba inuu walaalkiis lagduu leebyada u tumane
In laftood jabaysiyo ma oga le'eshadoodaase
Shiyeeyaha lalabayaa dadkii qaarkii leexsadaye
Liicsade nusaaradu intay loodin karayeene
Liirihiyo shilinkaa ku riday lur iyo haadaane
Haddii leeggu suu yiri maqlaan luri ma gaarteene
Laqantooyo iyo daalinnimo libin ma moodeene
Luqmad ay cunaan iyo arlada lacag ma siisteene
Uma laylameen ceeb intay luqunta saaraane
Lixaad uma noqdeen gaaladii nagu lidka ahayde
Madaalyada xun oo laga lululi lib uma qaateene
Lammaan uma fileen iyo ninimo loofar-nimo baase
Labis faranji kuma raadiyeen luudi sharafteede
Laylkiyo dharaartii ajnabi kuma larnaadeeene
Waddankooda oo wada layacan lur uma quureene
Liibaanta diinta ah cayaar ugama leexdeene
Lurteed kuma rafaadeen laalan waligeede
Lahashada xafiisyada indhuhu kuma liqdaarmeene
Iixdu ugama yeedheen intay luguhu daalaane
AUN to all, rag qiimo leh baa inaga dhintay
Nin wax barashada jecel buu ahaa una halgamay
´Loox maan ujiido´
Lifaaq yarida qaar baa macnuhu si uga laalmaaye
Lambarkaan u saaraan ardada uga laqbeeyaaye
Maan looxa ugu jiido waa mid igu laabnaaye
Soomaali layntiyo fidmada amase laystaanta
Laqdabada ku wada ku wada saabsan iyo lahanka uurkeeda
Iyo lillaahi gaabidu wixii lumiyey weeyaane
Iyagaa libaaxyo isku noqon oo is laaliyeye
Ninba inuu walaalkiis lagduu leebyada u tumane
In laftood jabaysiyo ma oga le'eshadoodaase
Shiyeeyaha lalabayaa dadkii qaarkii leexsadaye
Liicsade nusaaradu intay loodin karayeene
Liirihiyo shilinkaa ku riday lur iyo haadaane
Haddii leeggu suu yiri maqlaan luri ma gaarteene
Laqantooyo iyo daalinnimo libin ma moodeene
Luqmad ay cunaan iyo arlada lacag ma siisteene
Uma laylameen ceeb intay luqunta saaraane
Lixaad uma noqdeen gaaladii nagu lidka ahayde
Madaalyada xun oo laga lululi lib uma qaateene
Lammaan uma fileen iyo ninimo loofar-nimo baase
Labis faranji kuma raadiyeen luudi sharafteede
Laylkiyo dharaartii ajnabi kuma larnaadeeene
Waddankooda oo wada layacan lur uma quureene
Liibaanta diinta ah cayaar ugama leexdeene
Lurteed kuma rafaadeen laalan waligeede
Lahashada xafiisyada indhuhu kuma liqdaarmeene
Iixdu ugama yeedheen intay luguhu daalaane
AUN to all, rag qiimo leh baa inaga dhintay
- new-york24
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2800
- Joined: Tue Aug 19, 2008 2:00 am
- Location: HAGARDAAMO GUMAYSI HALGAMAA WAX MA YEESHO
Re: Amiin
Aun indeed.
- kismayogedojubaland
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1115
- Joined: Sun Jul 25, 2010 12:20 pm
- Location: Ceelcade, Gedo, Jubbaland State of Somalia
- new-york24
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2800
- Joined: Tue Aug 19, 2008 2:00 am
- Location: HAGARDAAMO GUMAYSI HALGAMAA WAX MA YEESHO
- new-york24
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2800
- Joined: Tue Aug 19, 2008 2:00 am
- Location: HAGARDAAMO GUMAYSI HALGAMAA WAX MA YEESHO
Re: Amiin
Last edited by new-york24 on Thu May 19, 2011 9:58 pm, edited 1 time in total.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 800 Views
-
Last post by Babygirl-
-
- 12 Replies
- 1257 Views
-
Last post by 1_londoner
-
- 29 Replies
- 17861 Views
-
Last post by Knight of Wisdom
-
- 9 Replies
- 1138 Views
-
Last post by watchman
-
- 0 Replies
- 643 Views
-
Last post by watchman
-
- 0 Replies
- 532 Views
-
Last post by FAARIID
-
- 0 Replies
- 457 Views
-
Last post by Nacaas77
-
- 2 Replies
- 1249 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 2 Replies
- 569 Views
-
Last post by Executive
-
- 22 Replies
- 22648 Views
-
Last post by Macaaney_1991