Horta do you know who Cismaan Yuusuf is?
This is one his famous peoms 'ciraab' its full of wisdom, he's advising the competing religious sects iney midoobaan, it reminds me of our time iyo fitnada diineed ee jirta.
Hadba meelaan cidi gaarin bay calanka saartaaye
Callaha tii u dheer bay ninkaan celin ka tuurtaaye
Naftuna caasi weeyiyo sidii cadow shisheeya ahe
Intay caaq sidiis kaa dhigtay kugu ciyaartaaye
Markay taladu kula caarido baa la caqliyeystaaye
Cibaadada aad fududaysan baa ciil iga hayaaye
Waadiga cullaab oo dhan moog sida carruureede
Sow toban hal oo wada cajab ah kuma ciraab qaadan
Caaqibo danbeetiyo adduun cirib lahaan waaye
Cusaybkiina horreeiyo hadduu cirib lahaa jeere
Cisadiisu waa maalintaad caafimaad tahaye
Ninna calafkii loo qoray inuu cunayo mooyaane
Cimri dherer ma joogiyo inay cidi ku waartaaye
Cawa bari la'aantiisa sow kuma ciraabqaadan
Caqli gaabku waw bogahayaa cayshadda adduune
Cilladihiisa waa moogyihiyo cudurradiisiye
Caaqilkaa hammiyayee isaga wow calool samiye
Ciriiriga qubuurtiyo dadkaa ciidda lagu aasi
Wadkan caarran iyo geeridaan axadna ceesaynin
Waa xaal cajaa'ibahe sow kuma ciraabqaadan
Wax camimay arlaa'ga waa danbiga cuqubadiisiiye
Sida caanihii iyo biyaa loo cabbahayaaye
Canaantiyo wixii lays wacdiyay lagu cabsoon waaye
Codkay leeyihiin iyo ardadu camalka ay sheegi
Cawo nool waxay mariyaan waa cimriyo yaabe
Caalimiinta hadalkooda sow kuma ciraab qaadan
Cawaansiga tolnimo waa intii lays cisayn jiraye
Kol hadduu caloosha iska noco caafimaad lehe
Ceesid li'du waa waxa dadkuba la caddilmayaaye
Colba midaadan moodaynin baa kuu cadaawa ahe
Ciribtiyo boqnaha waxa ku goyn kii cad kuu xigaye
Cashiirada is wada xoortay soow kuma ciraab qaadan
Wadaadadaba qaar baa casilay cimaladii diine
Carradii wareershiyo dadkii caamada ahaaye
Waxay calanka qaarkood u luli cood ku soo badiye
Iyaba caynaddii lagu ogaa lagala caal waaye
Waa calaama aakhiru sabaan camalka joogaaye
culimadu siday yeeli sow kuma ciraab qaadan
Gu' cusbaaday goortuu dayaxu cirirka soo gaaro
amay lixuhu ciirada galaan iyo caddaadkoodu
cambarkaa inoo di'i jiriyo ceelka geeyaha e
haddana meeluhuu ku cayinnaa nooga curan waaye
cirku mooyi suu yahay dhulkana caws ka bixi waaye
risiqa soo ciriiryamaya sow kuma ciraab qaadan
carlaa'iga khabaarraa ka iman culus ayaan noole
waxay cudud lahaayeen quruun ciirsan baa badane
caalqaate dowlado hortood caajay aadmiga e
caaqibo nabdeed bay arladu ku camirnaataaye
nin waliba cabdada tiisa ah buu u cabsanaayaaye
colaadahakan bixi waayay sow kuma ciraab qaadan
codkoodiiba gaabsade raggii curaddada ahaaye
caqlina waa siyaadsaday ninkii ceeb ka yaab ihiye
kuwii reerka ciidamin jiraa caarran waayahane
cabiidsigu intuu dhacay gummuhu ways callaqayeene
annagayba cay nagu hayaan cidaha qaarkoode
citibaarta sabankaanna sow kuma ciraab qaadan
cosobkiyo barwaaqada waxaa ku cadfan jiilaale
cayilkana mar baa waxa ku xiga caato iyo wayde
nin cood badan lahaa oo haddana cayr ah baad arage
cirrooluhu mar buu wuxuu ahaa cunug an waynaane
dharka kii cusayb ihi mar dhow calallo weeyaane
cimilada is daba joogta sow kuma ciraab qaadan
cirka naga korreeyiyo shamsada caamka laga yeelay
cibaarooyinkaa falagga iyo calawigaa meeri
dabaylaha celceliskooda iyo curashadii roobka
caddadkii shuhuurkiyo bilaha layska caadeeyey
cawadiyo dharaartiyo waqtiga laba cadceedood ah
badda cawga laynoo dhigiyo caarigiyo buuxa
carradaan marayniyo khalqiga ku camiran guudkeeda
intaasoo xigmado culusa oo caadil ku abuuray
nin cabbaar yar fiirshaaba waa la cajabaayaaye
haddii aadan cilmiga layna faray cayna ka aqoonnin
calaamadaha ilaah dhigayna sow kuma ciraab qaadan
cabdow anigu waayahan ma marin cuurka maansada e
carcarteedna ima haynin iyo curashadeediiye
cajaa'ibaha dhacayaan arkoon caajis la ahaaye
codyar bal iga hoo dhowr hal baan kuu callimayaaye
gabaygu waa ciraab ragannimiyo cimilad waayeele
caqlaa lagu dhisaa iyo fahmada loo cawaansadaye
inaad caarif ku ahaatid iyo inaadan caadaysan
horta labada cayn waxan ahayn kagama ciil beeshid
adduunkaan cabiidsaday iyo dadkaan la isku caadeeyey
citibaar ninkii lihi ogaa cirib xumaantiise
casha noolba aakharo haddii lagu carraabaayo
cabsi eebbe mooyee si kale kagama ciil beeshid
shaydaanka laga cowsadoo nagu ciyaaraaya
colaad iyo dhibbuu nagu hayaa cadawgu goor noole
cibaadada ilaahay hadduu kaa celcelinaayo
cuskashada quraan waxaan ahayn kagama ciil beeshid
ayaamuhu cawiyo maalintii way carbinayaane
cabbaarkii yaroo kaa gudbaa waa cad kaa go'ane
cimriga sii guryamayiyo waqtiga sii ciriiryamaya
camalfalasho mooyee si kale kagama ciil beeshid
canaad iyo adduunkaan khilaaf caam ah baa jira e
sharcigii caddaa bay bidcadu kaa calwinayaane
cilmi aynaan aqoon haddii laynaku cilleeyo
caqiidada ku roor waxan ahayn kagama ciil beeshid
ninkii caaddilihi waa martida inuu ciseeyaaye
caaqibo maloo muudal baa caayan waligiise
culimiyo ayaantii ikhyaar culusi kuu joogto
cayn noolba sii waxan ahayn kagama ciil beeshid
naagaha middii caasiyoon ceesid garanaynin
kol haddaan xishood celinahayn waa col kula yaale
canannta iyo waanada haddii lagala caal waayo
ciddaadaba ka saar waxan ahayn kagama ciil beeshid
sadaqadu cafi iyo jeer danbay ciirsi leedahaye
cindallaahi waxad geysataa calaf u door roone
masaakiinta aan cood lahayn amase cayr baahan
cuntadooda u hur mooyee si kale kagama ciil beeshid
cayaar waxaad u yeeshaa dibbay kula cuslaadaane
waxa lagu cadaab mudan dadkana lagu cadaabaayo
xanta la iska caadaysta iyo cayda iyo beenta
ka cod gaabso mooyee si kale kagama ciil beeshid
casiiskii abuuraa khalqiga cayshadda u qoraye
cudurkiyo xaggiisay ka iman caafimaadkuba e
ayaantaad caloolxumo qabtoo si u ciriiryowdo
cawimaaddiisa mooyee si kale kagama ciil beeshid
nin cadowtinnimadaada qaba iyo colaaddaada
hadba ciidan uu dumay hadduu kugu cabsiinaayo
asuu ceebta aad diiddan tahay caalgabnimo moodo
cududdaada tus mooyee si kale kagama ciil beeshid
cadddibaadda hoosiyo fidmay cirib wadaagaane
caqlina ma lahan kaligii ninkii cun is yiraahdaaye
hadduu camal wax lagu qaybsadiyo caaqilnimo waayo
ka cad gooso mooyee si kale kagama ciil beeshid
duulkii la wada cawryi jiray ma ahan caynkiiye
ciskiisii baddalan jeer hadduu caarranaan jiraye
carraduu ku dhacay kowkabkii caaliga ahaaye
cilaaq iyo khilaaf baa dhexyaal caawa naadiga e