
Badhan (SPR): Kadib markii ay Dowlada Turkiga bixiyey deeqo waxbarasho gaaraya ilaa iyo 500 oo ardey ayaa waxaa waxaa loo kala qeybiyey maamulada ka jira gobolada Soomaaliya halka 160 ardey la siiyey ardeydii kuwaasoo ay ka cabanayaan mudaaharaadayaasha maanta ka mudaaharaadayo magaalada Badhan.
Maxamed Siciid Cali oo ka mid ah ardeyda wax ka barata goobtaasi isla markaasina maanta ku jirey mudaaharaadayaashii maanta, ayaa idaacada SPR u sheegey in dadkani ay ka careysan yihiin kadib markii deegaanada Sanaag iyo Haylaan la siiyey laba ardey oo kaliya, halka sidoo kale Sool intaasoo kale la siiyey.
Maxamed oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegey in gobolkan Sanaag uu sanad walba gala ama uu buuxiyo badh ka mid ah tobonka ardey ee Puntland ugu fiican hadaanu intaa kabadanin ayaa waxaa imtixaanaadka loo qaadey ayuu yiri si caadifad ay ku dhisantahay.
Dhanka kale waxaa maanta tix gabay ah idaacada SPR laga siidaayay soo gaarsiiyey Abwaanka Da’da yare e ku dhaqan gobolka Minnesota Maxamuud Axmed Cabdalla Shiine. Tixdan oo cabireysa qaabka qabiileysiga ah iyo cadaalad darada wax loo qeybiyey.
Email: mabdalle@gmail.com
“Xatooyadii tacliintii Turkigu nagu xannaaneeyey
Waa eexda tii ugu xumayd qaabkii loo xulaye
Xiqdiqii Juxaa uu ku kacay waa xisaab dhimane
Halkii xeerku waa joogi jiray sow xal noqon maayo?”
Maxamuud Axmed Cabdalle (a/shine)
HORDHAC: Gabaygan XADGUDUB abwaan Maxamuud Axmed Cabdalle (a/shine) wuxu ka tiriyey xaaladda murugsan ee ka jirta degaammada Puntland, halkaasoo colaad, dil, afduub iyo fidno muddaba ka aloosnayd. Abwaanku waa samadoon, wuxuna ilaahay uga rejeynayaa inuu colaadda ugu bedelo nabad, cudurradana caafimaad, iyo dadkoo isku duubni yeesha qabyaaladdana ka fogaada. Gabaygu wuxu si gaara u tilmaamayaa maaddaaba, maammulkii Puntland u xuub siibtey mid hal reer ku amar ku taaglaynayaan, in markii sidii ay ka fursan weydo la yeelo, oo beeluhu dib isugu tashadaan. waa in beel waliba talo gaarto, ka dibna go’aanka la qaybsato beelaha kale ee ay walaalaha yihiin. Akhris wanaagsan.
Wuxu yiri:
Warka Maxamedow xaafadaha xulaya oo yaalla
Xogta waxan ku haynaa Puntland xoortay samihiiye
Xadhka furatay goortii qabiil loo xakaabsadaye
Xoorkiyo bahdii waxan ahayn ma xammilaayaane
Xantadana masiiyaan cidaan lagu xigaalayne
Haddii aanay xagan aadamaha ama xajiimaynin Ama
Xabashi loo dhiibinoo xawda laga goynin
Xaashee middaa lagala daal xuubsatada jaane
Wiilyohow xad gudub baa ka jira sida xaqiiqeede
Xeer-beegti loo saarayana xaalku noqon waaye
Xadhkihii ammaankiyo kolkii nabaddii xuurtoowday
Xukunkiina qola-qola noqdoo la isku xayndaabay
Xasuuq maatadii lagula kacay xerana loo ooday
Hadba duul xigaala ah colaad lagu xuluulsiiyey
Halkii xeerku waa joogi jiray sow xal noqon maayo?
Xayaatiyo haddaan loo sinnayn nolosha xaygeeda
Xilka qoys ku wada gaadhan yahay xananka mooyaane
Dekeddii ku xeermeen cid qudhi xila fur ay gaadhay
Wax kastoo xasaanleba haddii xeelad lagu qaatay
Oo ay xiita maandeeq bah qudhi xooxda kaga maasho
Xaruntii dhaqaala leh kolkii loo xidhma xidhmeeyey
Xatooyadii tacliintii Turkigu nagu xannaaneeyey
Waa eexda tii ugu xumayd qaabkii loo xulaye
Xiqdiqii Juxaa uu ku kacay waa xisaab dhimane
Halkii xeerku waa joogi jiray sow xal noqon maayo?
Xabbiskiyo dilkaa joogtadiyo dhiigga xamashleeyey
Xolodkaa fidnida ee dhexyaal wada xigaal miidhan
Masjiddada xinjiro lagu qubay Eebbe xaramkiisa
Argagixisannimo lagu xujayn meeshi la xumaysto
Waa xaal gundheer iyo waxaan xal ugu toosnayne
Xarigii Ilaahay nin jaray xeebashood malehe
Xabiibnimiyo wada dhalasho iyo xaad gobeed malehe
Xabashida rafiiq nimay noqdeen oo xodxodanaaya
Xirfad ay shisheeyuhu wataan xidid ku aaneeya
Xoogaggeer (PIS) calool xaawilka ah xaasha waa ugube
Halkii xeerku waa joogi jiray sow xal noqon maayo?
Qarankii xalaaleed kolkii xididka loo siibay
Xaram dawladnimo laga tegiyo Calan la xaaleeyo
Xamar godobtii tiilliyo wixii xaqa la waydaartay
Xaf-goosiga kuwii doonayee cadowgu xooleeyey
Xarbi inaan la galo waajibbaa igu xadaysnaaye
Xejinteeda gobannimo kolkay xuurtu kici weydey
Xuddun inaan dhisnaa bay ahayd lagu xasuustaaye
Soomaaliya xumaantiyo dhibtii laga xishoon waayey
Xilkasnima darradii ay dhashiyo xulafaday eedday
Xabaashay ku dalam tari hadday tanina xaabayso
Halkii xeerku waa joogi jiray sow xal noqon maayo