Kadib markii qareenadii difaacayey Greenday ay warqadii
rafcaanka gudbiyeen ayaa waxaa dhacdey in Gudoonka xafiiska
rafcaanka Mudane Union oo loo yaqaano Shactaroole uu xafiiskiisa iridaha u laabo una ambabaxo Caabudwaaq si lama filaan ah.
Taasina waxay sababtey in mudadii
rafcaanka loo sameeyey ay dhacdo. Gabadhii Greendayna ay xabsiga ku rafaado muddo 30 cisho ah.
Cagajiidka Shactaroole waa mid aan sharciga waafaqsaneyn, war hoosaad naga soo gaarey rag u dhow Shactaroole ayaa sheegey inuu rabey in Greenday xooga lacag miiska hoostiisa ugu tuurto.
Hebel Mudulood oo aad uga xanaaqey dhibaatada loo geystey walaashiis, ayaa wacad ku marey inuu qaarajin doono Shactaroole oo ku tuntey sharciga iyo xuquuqda walaashiis ay lahayd. "Waran ayaa ka taagi inkaar qabahaas" ayuu ku dhaartey Hebel.
To be continued.