
Thats the image of Sheekh Cali Cabdiraxmaan ( Cali-Majeerteen) or at least thats the image the Daarood have found of him. When the picture was taken and in what book i can't find but surely can't be in 1830's , both photography and camera's were yet to be popular and in Africa at least the eralist images are from the 1870's and they are even rare, i'd say if that is Sheekh Cali Majeerteen this picture of him is from the 1870's at least and later.
You guys wonder why am bringing Cali Majeerteen into poetry thread but he was a religious poet and a Suufi and him and GabayXoog had a dual religous chain that begins with the letter "alif" and ends in the letter "y" following the Arabic alphabet. Its called the "Alif-yeen" Suufi poetry. Now as usual the Kacaan left out GabayXoog's part and Aw Jamaac and his Idaajaa buddy mixed the tow poet's work and gave both version or some of it to Cali Majeerteen and mixed and confused the tow.
Now the Arabic alphabet has at least 7 letters most of us Somali and the world never use due to its redundancy , Siin/Saad Dh/Dh', Tha, so both poet just used what we share or the other 20-21 letters leaving out Z letter also. Few years ago i recorded some of both version from a 90 years old Jibaraahiil old man from Ceerigaabo and he is probably one of the few who can recite both version side by side. So although i have spent time and effort and $$$ on this project i will give you 5 letters religious poetry ,Alifyeen (A), Beyteen (B), Teyteen(C), Seyteen(D). Jiinyeen(J).
sheekh Cali Majeerteen
Alifyeen adduun waa socdee uunka bal u sheega
Allaw-shahakan baas iyo ka tagay amar ku dheeraadka
Ninba ururka dhow buu la iman `eed wuxuu falaye
Ajashiin intii aanay iman toobadda ogaada.
Adan Gabay-Xoog
1-Alifyeen arl'a meel igama jiro axdku waaraaye
2-Intii uu abuuray baa nafaa wadaa amaanaaye
3-Isagaa arsaaqda u hayaan kala alaaweyne
4-Ubadka iyo aduunyadu marbay kaa abaal dhiciye
5-Ifka intaynu joogno habeen eriga weeyaane
6-Ashahaadu qiro ruxu waa eri la tuugaaye
7-Nin walow ba naftaada u adeeg aakhiraa darane.
Sheekh Cali Majeerteen
Beyteen mindhaa booligii layska burinmaayo
Banka xoolo lagu foofshey baa boob la geliyaaye
Ninba beri horaa loo callaqay bir iyo miisaane
Ninna baadil yuu cuni dadow baadi baad tahay.
Adan Gabay-Xoog
1-Beyteen Allaa baari loo barrinkii juusaaye
2-Baabkii ilaah ba rogiyo nebi barkhadkiisiiye
3-Beytkii ilaah nin tagay waa bixid l'aadaaye
4-Buddaana waa la wada galahaya noloshu waa beene.
5-Waxa badhaadhay naartii ninkii laga barreeyaaye
6-Nin barwaaqo fuulaa waxbaa loo bashirayaaaye
7-Allahyow adaa baari lee bililka hay seexin
8-Biyii naciimo iyo Allahyow barax hay seejin
Sheekh Cali Majeerteen
Tayteen Allaa taajiroon tuna illoobeyne
Tawfiiqda nimuu siiyey baa tegey sariirtiiye
Tawxiidka iyo toobaddaa lagu tacjiilaaye
Tacabka u badsada Aakhiraa loo tukubayaaye
Adan Gabay-Xoog
1-Tayteen Allaa adaa taajiroon abid la tuugaaye
2-Ninkii tacab diin galay naftuu wax tarayaaye
3-Tebiyadaa la furay ee cilmiga laga ta'wiilaayo
4-Tusbaxayadaa la laadiyay iyo tahajudkaa roone
5-Tubtii Allaa Eebow adaan ku tabcanayaaye
6-Maantii la wada taaganyahay Nebiga tooskiisa
7-Tawxiidka bal aan naqo Ilaah way tabaabayne.
Sheekh Cali Majeerteen
Sayteen siyaabaha adduun saafi laga waaye
Sifniheeda maqalnoo war baan innagu seegnayne
Sugimaynno saakaba kuwaad sare u qaaddeene
Sabab bay idiin noqon maray badan su?aashiiye
Adan Gabay-Xoog
1-Sayteen simaartii janno iyo saraco waa meele
2-Ninkii sikhi ahaadaa horuu wax u smaystaaye
3-Dadkana waa la kala soocayaa sadarba waa meele
4-Samhariiraradii baa kuwii sanamku yeesheene
5-Bisha soon na soortoo waa laga sadhoodaaye
6-Sodonkaa tisqaad baa lagu sugaa Eebe samaixiiye
7-Walle camal samaa ka roon suuf iyo caruure
Sheekh Cali Majeerteen
Jiinyeen Jaliiloow adaan lagu jigraareyne
Jinni iyo Insiba maalintuu uunku wada joogo
Jahannamo ninkaad geeysey wuu jimidhwareeraaye
Jidka toosan Eebbow na mari Nebiga jaahiisa.
Adan Gabay-Xoog
1-Jiinyeen Jaliilow adaan lagu jikaarayne
2-Jini iyo Insiba uunka waad kala jid qaadaaye
3-Culimada niinkii jaaxidiyo hadalka joorkisa
4-nijaasade jidkii Nebiga Jahanama-u yaale
5-Jaamacaa Quraanka waramay iyo jalaalkiise
6-Jibta cudur jabaatida dhiciyo jawaharada leetay?
7-Allahyow hanagu soo jibcin jaca iyo daacuunka
8-Allahyow jadaalnimo iyo juhulka hay raacin
9-Jaliil Allahyow wixii jiraba noo suubi