Waqti dhaaxaan ku weeydihaayee
wanaag badney wehel ii ahaaw
warsan iyo wanaagleen kuu waadaayee
wacadaan ku maraayee
wehelkaaga aahadee
waaxid alaan ka tuugey inaan iswaayinee
wel wel ii walbahaarka wax noo ma taree
waranaa igu taaganee waxa i celiya ma ii wadidee
wandnaheyga adaa ku taal .
wadnaheyga adaa ku taal warweyney
wacadaan ku maraayee wax tarkaaga ahaadee
weligaayna iswaayinaan rabaayee (by Ustaad Ahmed Naaji)
Sexy -Gyaan-gyuur Mac maciis I love bada cas .. thanks for the lyrcs babes

[quote="sexy-kitten"]It's between....
----------------------------------------------------------
Bada Cas..
Dhul biyuhu maraanoo
Xareeduna baliga taal
Wacan bay ku dhalatiyo
Dhul barwaaqo ah ood garan
Bidhaanteedaan waayoon
Baadi doon ku waashee
Bariga ay ku nooshaa
Shinbir buuba igu tidhi
Bararkeeda oon barkadiyo
Basharkeeda ayaan u bogaya
Bishan dhexdeeda oon helaan
Boqal aan soomaan balan ku qaadee
Bilaash laguma dhaartee.
Buurahan, Buurahan Jecleeystiyo
Bartii muuqa dheerayd
Badhtankeediyo
Baladwayney ku nooshee
Boqolka soo baxaayaay
Shan iyo Tobnaadeey
Baahida aan kuu qabo
Barniyeey
Bidhaan Aragaa ha iga tagin.
Bootin Dheer Bureeqa oo
Baalasheedii Fidisoo
In ay buubto biloowdoo
Bilcin nadii ka boodaay
Barigii aan is baranaan
Wadnaha boog ku yeeshee
Beerkii bay damqadayoo
Boqoduhu kuu basaasee
Badda casbaan ku gaynayaa
Biyo Janaan kusiinayaa
Bogeeyga waan ku saarayaa
Badbaado ood aragtiyo
Barwaaqo oo aan gaadhnaan
Bilaahi kuugu marayaa.
Buuraha,Buuraha aan jecleeystiyo
Bartii muuqa dheereeyd
Badhtankeediyo
Baladweeyneey ku nooshee
Boqolka soo baxayaay
Shan iyo tobnaadeey
Baahida aan kuu qabo
Barniyeey
Bidhaan araga ha iga tagin