Prof Cali KHaliif Galaydh Oo Sheegay Wararka Ku Soo Baxay Warbaahinta In Ay Yihiin Ku Aanay waxba Ka Jirin.
Nov 09, 2007 By:
Zanzibaar(Jidbaale.com):-Prof. Cali Khaliif Galaydh ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar ay maalmahan qorayeen warbaahinta, gaar ahaan kuwa shabakadda Internetka lagu baahiyo, warkaas oo ahaa in Cali Khaliif isu diyaarinayo in uu isu soo sharraxo Madaxweynaha Hargeysa.
Prof.Cali Khaliif Galaydh oo isaga oo ku sugan dalka Tanzaaniya, gaar ahaa Jasiiradda Zanzibaar, oo aanu la xidhiidhnay waxa uu noo xaqiijiyey in aanu warkaas sal iyo raadtoona lahayn, uu yahay mala-awaal dadka qaar kood ay iska fidiyeen.
Wuxuuna sheegay in uu haatan ku hawlan yahay hawlo isaga u gaar ah, isla markaana uu aad u danaynayo sidii xaaladda murugsan ee gobolka Sool wax looga qaban lahaa.
Asad Caddaani Ibraahim
Dimishiq-Suuriya
Jidbaale.com
Radiossc@yahoo.comDHULOZ COURT HEADED BY SUPREME JUSTICE BABYGIRL123 FINDS INA GALAYDH INNOCENT
