Wararkii u dambeeyey ee xalay Jamhuuriya ka heshay degaanadaasi, waxay sheegeen in ciidammada labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya oo isku dhufan loo qaybiyey agaaga ciidammadu doonayaan inay ka fuliyaan hawlgal la doonayo in lagu burburiyo kooxdan hubaysan.
Warku waxa uu intaa ku darayaa in gebi ahaanba la joojiyey gaadiidka iyo dhaqaaqa jiidahaas u kala socday, iyadoo degmada Xariirad oo u jirta buuralayda kooxdaasi ku jirto masaafo aan ka badnayn 15km laga dareemayo cabsi dagaal iyo xaalad colaadeed oo cabsi ku beertay dadweynaha, isla markaana ka socdaan dhaqdhaqaaqyo ciidan, iyadoo ciidammo Itoobiyaan ah oo tiradoodu lagu qiyaasay ilaa 1000 (kun askari) soo galeen gudaha Somaliland.
http://www.jamhuuriya.info/index.php?ar ... article.tp



