Muqdisho:-War Deg Deg ah : Hogaamiyaha Xisbul islaam Sheekh Xasan Daahir iyo kooxdiisa oo la midoobay Al Shabaab.
19. december 2010
APL
Muqdisho (Allpuntland)Warar soo baxay ayaa sheegaya in Ururka Xisbul Islaam uu ku biiray Xarakada Al Shabaab iyadoona lagu wado in bari ama caawa deegaanka Ceelasha Biyaha ay ka dhacdo munaasabad labada dhinac ay ku midoobayaan.
Qaban qaabada Xaflada ayaa la sheegayaa in ay caawa ka socoto Deeganka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho halaasi oo ah saldhiga ugu weyn ee ururka Xisbul Islaam.
Gudoomiyaha Xisbul islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa haatan jooga deegaanka Ceelasha Biyaha, waxaana maanta la kulmay madax sare oo ka tirsan Al Shabaab hasa ahaatee kama uusan mid anaayn raga la kulamay madaxa Al Shabaab Abuu Subeeyr.
Afhayeenka Dhanka Howlgalada ee ururka Xisbul Islaam Caruus oo goor dhow la hadlay warbaahinta qaar ee magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyey in ay la midoobayaan Al Shabaab, waxa uuna sheegay in lagu midoobi doono magaca Al Shabaab.
Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in midoobida Al Shabaab iyo Xisbul Islaami ay tahay mid guul ah islamarkaana hal dhan ay ka soo wada jeesan doonaan oo ay dhinac kala dagaalami doonaan waxa uu ugu yeeray cadowga.
Inakstoo lagu wado in dhowaan la shaaciyo midoobida labad koox ee Shabab iyo Xisbul Islaam ayaa waxaa jira in maalintii shalay Xisbul islaamka ku sugan Gobolka Gedo uu ku biiray Al Shabaab iyagoo aanan la soo socod siin hogaamiyaha Xisbul Islaam Xasan Daahir Aweeys.
