TACSI Thread--Sheekh Cumar Faruuq

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
Cumar-Labasuul
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11028
Joined: Thu Jan 22, 2009 6:21 pm

Re: TACSI Thread--Sheekh Cumar Faruuq

Post by Cumar-Labasuul »

AUN
melo
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2483
Joined: Mon Nov 29, 2010 4:27 pm

Re: TACSI Thread--Sheekh Cumar Faruuq

Post by melo »

And from what i've heard, sheekh Shariif cabdniuur is also ill. Indeed Qiyaamah time is approaching, as our nabi saws said that Knowledge would be taken away in the form of the death of the scholars. May allah SWT have mercy upon our great caalim Cumar faaruuq and all the other sheikhs that have passed away.
User avatar
Warsan_Star_Muslimah
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4574
Joined: Mon Apr 21, 2008 3:19 pm
Location: ''A Malyuun Bucks''

Re: TACSI Thread--Sheekh Cumar Faruuq

Post by Warsan_Star_Muslimah »

Inna lillahi wa inna ilaihi raji'un. Indeed we belong to Allah, and indeed to him we return. May Allah swt grant Shaykh 'Umar Faruuq Jannat-ul-firdous. Amiin. Amiin. Amiin. :heart:
burhaan2010
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 442
Joined: Wed Sep 08, 2010 8:45 pm
Location: MAREXAANLAND

Re: TACSI Thread--Sheekh Cumar Faruuq

Post by burhaan2010 »

allah unaxariisto sheikha
User avatar
IRONm@N
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5122
Joined: Tue May 01, 2001 7:00 pm
Location: Jannatul-Fardowsa
Contact:

Re: TACSI Thread--Sheekh Cumar Faruuq

Post by IRONm@N »

melo wrote:And from what i've heard, sheekh Shariif cabdniuur is also ill. Indeed Qiyaamah time is approaching, as our nabi saws said that Knowledge would be taken away in the form of the death of the scholars. May allah SWT have mercy upon our great caalim Cumar faaruuq and all the other sheikhs that have passed away.

Indeed the Great Shariif Abdinur is ill, and the only Sheikhs left for us are Sheikh Umal and Sheikh Mustafa Haruun.
S-D-M
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5774
Joined: Tue Dec 20, 2005 6:03 pm
Location: Never take life seriously. Nobody gets out alive anyway.

Re: TACSI Thread--Sheekh Cumar Faruuq

Post by S-D-M »

AUN Sheikha ilaah samir iyo imaan haka siiyo Islaamka meelkasto eey jogaan.....
User avatar
Monsieur
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1044
Joined: Sat Oct 23, 2010 2:44 am

Re: TACSI Thread--Sheekh Cumar Faruuq

Post by Monsieur »

Sheikh Who?
User avatar
Somalian_Boqor
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10847
Joined: Thu Feb 15, 2007 2:56 am
Location: Fuck Faroole & His Supporters

Re: TACSI Thread--Sheekh Cumar Faruuq

Post by Somalian_Boqor »

:cry: :cry: :cry: Our leader has passed away AUN Sheekh Cumar Faruuq.
Xamud.
Posts: 11173
Joined: Sun Mar 11, 2007 11:13 am
Location: Halabokhad,Mudug. Bunlayn

Re: TACSI Thread--Sheekh Cumar Faruuq

Post by Xamud. »

Inalilahi waa ina ilaahi rajacuun, Ilaahey ha u naxaristo Sheikh Cumar Faruuq.
User avatar
hanqadh
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2786
Joined: Mon Mar 23, 2009 1:03 am
Location: soo dhalin la wada garan wali suuqa dhagaxbuur dhiigoodu ma qoyana!

Re: TACSI Thread--Sheekh Cumar Faruuq

Post by hanqadh »

Inaa lilaahi waa inaa ilayhi raajicuun.This is a great loss for the Somali people and the ummah, may all have mercy on his soul.

Early life of Sheekh Cumar Faaruuq.

Kenya: – Sheekh Cumar Faaruuq Xaaji Cabdi-Suldaan Xaaji Maxamuud wuxuu ku dhashay degmada Qooxley oo Qallaafe iyo Qabri daharre u dhaxeysa, halkaasi oo magaceeda caanka ahi yahay “Carmaale” . Waxa uu dhashay sida la sheegay goor barqo ah, maalin Khamiis ah, xilli deyr ah, bisha iyo sannadkase lama yaqaan.



Carmaale waxa dariiqa diimeed ka hayey aabihiis Xaaji Cabdi-Suldaan, dariiqadaasoo. ka koobneyd dugsi Quraan oo uu hayey wadaad la oran jirey macallin Cusmaan Macallin Dhicis, iyo cilmiga oo isagu uu akhrin jirey.



Sheekh Cumar-Faaruuq wuxuu ka dhashey qoys diimeed. Hooyadiis, Caasha Sheekh Axmed Guure, isaga oo 3 jir ah ayey geeriyootey, aabihiisna wuxuu ka dambeeyey saddex sano. Isagoo weli la gudin baa Aabbihii dhintey.





Waxaa markaa Sheekh Cumar Faaruuq soo koriyey ayeeyadiis hooyo iyo walaalihiis ka waa weynaa. Sheekha dugsiga qur’aan, dugsigii 1aad wuxuu galey isagoo 5 jir ah, dugsigii labaad isaga oo 9 jir ah. Macallinkiisu wuxuu ahaa abtigii hooyadii la dhashay oo macallin Xuseen Sh. Axmed-guure la yiraahdo.



Dugsigaasaa isagoo 12 jir ah uu quraanka ku dhameeyey, hase yeeshee dusha kama qaban. Dugsigii 3aad isagoo 14 jir ah ayuu galey. Dugsigaas ayuu Cumar-Faaruuq quraanka dusha uga qabtey isagoo 14 jir ah. Dabadeed qur’aankii waa uu hilmaamay, sababtuna waxay aheyd isagoo ku mashquulay shicir wax la oran jirey oo dhaqan u ahaa qoyska uu ka dhashey ah, ilaa uu shicirkii dusha ka qabtey.



Markaa qur’aanka Sh. Cumar-Faruuq 3 goor buu dhameeyey. Ka dibna isagaaba macallin-dugsi noqdey, markaasoo uu 14 jir ahaa. Mar wuxuu ku qabtey dugsi magaalada Qallaafe isaga oo kutubta raacda oo xer ah, una dhiga carruurta reerkii uu markaas uu la noolaa. Reerkaasi oo uu lahaa nin la yiraahdo Olol Diinle, waxay saaxiib ahaayeen aabahiis. Dugsigii labaadna wuxuu u qabtey niman reer Ugaas la yiraahdo, meel la yiraahdo Maraacaato. Dugsigaas labaadna ardey badan baa kasoo aflaxdey oo waa uu kiciyey.



Sheekh Cumar Faaruuq Cilmiga isaga oo 14 jir ah ayaa Fiqiga loo billaabay, Kitaabka Safiinatu Salaat ayaa waxa u billaabay Sh. Cusmaan-Jire Sh. Xuseen-Dhaqane.



Dhinaca luqadda Carabiga guriga ayaa loogu akhrin jirey, niman walaallihiis ah oo ay ka mid yihiin Sh. Shaafici Xaaji Cabdi-Suldaan iyo Sh. Murshid ayaa si toos ah ugu akhriyey Naxwaha, Ajruumiga, Camriidiga, Mulxaha, Mutamimka, Qadriga iyo ilaa Alfiyaha. Qaybta Sarfiga waxaa u akhriyey wadaad awowgiis ah oo la oran jirey Xaaji Maxamuud Xaaji Cabdulle, Tafsiirka waxaa u akhriyey wadaad la dhihi jirey Sh. Yuusuf muddadaasoo uu magaalada Qallaafe xer ku ahaa.

Cilmiga Xadiiska ayuu markaa nin Sh. Ibraahim Muxumed Cali (Sh.Ibraahim Suuley) ka akhristay. Dabadeed Cumar-Faaruuq wuxuu galey madrassa ku taalley Xamar oo la oran jirey “Machadu-Diin bil-Muqdisho” oo ay Masaaridu dhigi jirtey. Halkaasi waxa uu ku dhameeyay dugsiga dhexe.



Dugsiga sare waxa uu ku dhameeyay Machad-Altadaamun al Islaamiyah bil-Muqdisho oo ku oolli jirey lambar afar oo ay Sucuudigu maamuli jireen. Kadib waxa uu galay Jaamacadda Medina, kulliyadda “Al-Dacwa wa-usuula-Diini”, markaasoo taariikhdu ahayd 1975, wuxuuna ka qalin-jabiyey 1979kii.



Sheekh Cumar Faaruuq Jaamacadda markii uu dhameeyey waxa uu bilaabay faafinta diinta Islaamka isagoo xaruntiisu tahay Sacuudiga. Waxa uu duubay cilmi fara badan oo ay ka mid yihiin kutubo badan oo ilaa iyo 12 kitaab ah oo tafsiirka ah iyo siirada oo dhowr kitaab ah, manhajul-Muslim, taysiirul-aclaam, Arbaciinu-Al-Nabawi iyo kutub fara badan oo noocaas ah intii uu joogey Sucuudiga. Kutubadaas ayaa gaarey Yurubta iyo Ameerikaba. Kutubtaas dartood baa dadkii ku noolaa dibedda ay jecleysteen inay arkaan, markaasoo uu 1993kii bishii July 12keedii uu Shiikhu tegay dalalka Sweden, Norwey, Danmark, Finland, Swizarland, Ingiriiska oo uu ka sameeyay muxaadaraad iyo duruus kaleba.



Kadib sannadkii 1996 ayuu ku noqday Soomaaliya, waxaanu tagey magaalooyinka Muqdisho, Marka, Qoryaaley, Afgooye, Wallaweyn, Buurhakaba, Beydhabo.



Sheekh Cumar Faaruuq intii ka dambaysay burburkii Soomaaliya waxa uu waday barnaamij ballaaran oo ka kooban seddex qaybood. Kan hore waa midaynta culimada diinta ku abtirsada, mid mid ama xisbi xisbi ha ahaadeene; Kan labaad (Tawjiihul Uzucamaa) la talinta iyo toosinta ragga qabqablayaasha ka ah siyaasadda Soomaaliya; iyo qaybta seddexaad (Tadqiiful-Ummah) oo ah waxbaridda ummadda Soomaaliyeed, oo siduu sheegay Shiikhu “goorahan dambe Ilaahay hanuun siiyey” sidii looga haqabtiri lahaa diinta, hadday tahay akhriska kutubta ama wacdi iyo waano.



Sheekh Cumar Faaruuq waa mufti ay si wayn bulshada Soomaaliyeed uga haybaysato, waxqabadkiisuna uu ka muuqdo dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba, iyadoo cilmigiisa dunida oo dhan laga wada raacdo. Dalka Sucuudiga oo uu degganaa tan iyo 1974kii, waxa uu si toos ah uga akhrin jiray kutubta, kuwaasoo cajaladaha laga duubo muxaadarooyinkiisa ay soo gaari jireen dunida inteeda kale.



Laba goor ayuu Soomaaliya tegay Sheekh Cumar Faaruuq, halkaasi oo uu ka bilaabay tafsiir xaafadda km 4, duruustaasi oo maqal iyo muuqaalba laga duubay si mar walba loo isticmaalo faafiddooduna u fududaato.



Waxa uu islamarkaa Jimcayaasha jeedin jiray muxaadaro looga kala yimaado Muqdisho iyo magaalooyinka ku hareeraysan sida Afgooye, Marka, iyo Qoryoolay. Tirada ka soo qaygasha dhagaysigiisa waxa lagu qiyaasay 4000 oo qof markiiba, iyadoo celcelis ahaan ay 1500 oo ka mid ahi haween yihiin.



Sheekh Cumar Faaruuq waxa uu leeyahay 13 carruur ah iyo afar xaas, iyadoo ubadkiisa iyo kuwa ay sii dhaleen ay gaarayaan dhowr iyo labaatan.





Sheekha ayaa maanta ku geeriyoodey Sacuudiga, waxaan leenahay Ilaahey janadii fardowso haka waraabiyo, Inaa Lilaahi Wa inaa ileyhi raajicuun.



Xigashada: Star FM
User avatar
Voltage
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 29214
Joined: Tue Oct 23, 2007 11:33 pm
Location: Sheikh Voltage ibn Guleid-Shire al-Garbaharawi, Oil Baron

Re: TACSI Thread--Sheekh Cumar Faruuq

Post by Voltage »

Ilaahay hau naxariisto.
yasmin
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1326
Joined: Tue May 08, 2001 7:00 pm
Location: dhulka illahay

Re: TACSI Thread--Sheekh Cumar Faruuq

Post by yasmin »

naxariisti janno illahay ha siiyo
melo
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2483
Joined: Mon Nov 29, 2010 4:27 pm

Re: TACSI Thread--Sheekh Cumar Faruuq

Post by melo »

Monsieur wrote:Sheikh Who?
:down: :down: :down:
gobdoon
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6005
Joined: Sun May 27, 2001 7:00 pm
Location: LONDON,U,K

Re: TACSI Thread--Sheekh Cumar Faruuq

Post by gobdoon »

Allah ya arxam Shiikha , kulu nafs daiqat mout , anigu aqoon fiican uma lahayn lakin markan akhriyey warbixinta noloshisii wuxu aha halyay somali oo dhan jeceshahay oo ka dhintat, waxana ka helay sida uu uga murugeysna wax yaabaha ka dhacaya dhulkii hooyo oo ilmo bay indhahayga ka keentay, iyo sida uu u dhiiri gelin jidhay nabadgelyada iyo wada hadalka MUNAAQASHA waana sida sida ay diinteenu ina farayso hadaynu wax isku qabano in aynu culumadeena iyo inteena wax garadka ah u soo ban dhigno , oo diintu xata qof aan muslim ahayn inad ku xag gudubto gardaro ma ogola.
KeligiiJabhad
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 939
Joined: Mon Oct 22, 2007 8:38 am
Location: TURMO

Re: TACSI Thread--Sheekh Cumar Faruuq

Post by KeligiiJabhad »

Bismillah....

Innaa Lillaahi wa Innaa Illeyhi Raajicuun!!


Allaha u Naxariisto Sheekh Cumar Faaruuq. Wuxuu ahaa Sheekh Karaamo leh oo door muhim ah ka soo qaatay faafinta wanaagga Diinta Islaamka. Kaalinta uu Sheekhu baneeyeyna waa mid aan la buuxin karin. Eheladdii iyo Qaraabadii uu Sheekhu ka baxayna Samir & iimaan Eebbe [SWT] ha ka siiyo iyana, iyo dabcan Umadda Soomaaliyeed guud ahaanteedba, AAMIIN Yaa Rabbal Caalamiin!
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”