Xalku waa iidoor oo laba arin fahmatheyuusuf143 wrote: Thu Apr 27, 2023 3:39 am
Markaa dib isugu laabtoo hadaad na caqli dhaantaan , keena xal anana noo cuntama idina aad nooga badbaadi kartaan. Wa billahi tawfiiq
1)In aydaan Dhulbaante xoog ku muquunin karin.Talada Dhulbaantana looga dambeeyo 13ka Garaad .Taasi waxay keenaysaa iidoor in uu deegaankiisa ku laabto.
2)Iidoorku waa in ay ogaadaan colaadinta Daarood waxba in ay ugu soo kordhayn, dabeetana iyagoo iidoor ah Soomalida kale u gar dhigtaan lagana wada hadlo qaabkii loogu heshiin lahaa MAR KALE IYO MIDNIMO
✓Waa in taarikh dhexdhexaad ah oo Soomaliyeed la unkaa .Mid la wada leeyahay oo aad loo lafa guray oo turid badan ka muuqato.Reer gaar ahna iin u yeelayn.
✓ Waa in saami qaybisiga iyo Dawlada reero lagu qaybsadaa .Qabyaalada xun ee qabiilku waa qayb ka mid ah nolosheena.Ninka siyaasiga ah ee qabiilka iyo hanaanka awood qaybsiga duraya waa uun MUNAAFAQ sad-buursi u miciya-lisanaya.
✓Waa in reeruhu kala madax banaanaadaan oo dawlad dhexe uun la isku yimaado. Waa xaaraan in Saraakiil HJ ah ka doobyaan carro Dhulbaante ,imika taasi way soo af jarantay .Nin waliba goofkiisa ha iimaansado.Iyadoo wax la kala leeyahay oo laga wada heshiiyay xuduud beeleed yada ayaa hadana is dhex bulsho la samayn karaa. Tusaale:
Ogaadeen,Garre iyo Dagoodi NFD waxa ay ku kala leeyihiin Deegaano leh xuduud cad oo la wada garanayo sidaa ay tahay Garre iyo Dagoodi way dagaan kana ganacsadaan Gaarisa.
Iidoor iyo Dhulbaante wada dugsanaya dallad Soomaliyeed (United Somali Republic ) oo deegaan iyo talisku u kala soocan yahay baa hadana is dhex gal iyo ganacsi samayn kara. Laakin, Iidoor xanuusan xoog hakuugu taliyaan garan maayo anigu cidda ay cuntamayso.
Gunaanud, adigoo iidoor ka go' Soomaaliya ama dib wax ula qaybso. Caqliga saliimka ah wa kaa!