Waxaa jira wax u dhaxeeya kuwa gambo yarta ah iyo odeyaasha qufacaya. Markaa haddaad gamba yarta necebtahay, ha talax tegin oo odey qufacaya oo meel walba shushub yeelatay




Ina baxar,
Ma maqashay maahmaahda la yidhaah: Dabagaale abeeso dushaasuu ka qabaa?


Waxaa la yadhi Dabagaale ayaa lagu yidhi:
" Gabadh baa lagu siiyey ee soo diyaar garow".
Markaasaa Dabagaalihii aad u farxay oo goobtii yimid. Wuxuuna yidhi,
"Waa tuma gabadha la I siiyey?"
Waxaa loogu jawaabay, " Waa gabadha la yidhaahdo Abeeso"

Markaa ninkii Dabagaale ahaa wuu ka baqay inuu abeeso godkeeda ugu tego. Deedna waxaa hadhay maahmaahda la yidhaah " Dabagaale Abeeso dushaasuu ka qabaa".
Markaa Ina Baxarow xaalkaagu waa sidaas


