Coming back to xoolaha la dhoofinayo, the same Al -Jabiri baa dowladda Somaliland heeshis la galay, and this is what some of the people in SL are saying about it.
--------------------------------------------------------------------------------------------
Qaar Ganacsatada xoolaha nool ee waddaniga ah ayaa si weyn uga biyo-diiday ka muujiyey heshiis ay xukuumadda...
Hargeysa (Jam)- Qaar Ganacsatada xoolaha nool ee waddaniga ah ayaa si weyn uga biyo-diiday ka muujiyey heshiis ay xukuumadda Somaliland la gashay nin ganacasade ah oo u dhashay dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya oo lagu magacaabo Saleebaan Al-jaabiri, waxaanay ku tilmaameen heshiiskaas mid hunguri oo aan cilmi iyo caqli toona ku dhisnayn.
Xubno ka mid ah ganacsatada xoolaha nool oo shalay saxaafadda ugu warramayey xarunta Rugta Ganacsiga ee Hargeysa, waxa aan la aqbali Karin ay ku tilmaameen heshiiska xukuumadda Somaliland la gashay ganacsade shisheeye oo aan la tashan ganacsatadii xoolaha ee waddaniga ahaa, isla markaana heshiiska lagula galay xoolo dhoofintu yahay mid raqiis ah.
Waxa kale oo ay sheegeen in 15 sannadood ka hor uu neefka adhiga ah qiimihiisu marayey $100 doollarka Maraykanka ah, “Maantana $36 doollar baa nin loogu xidhay,†ayey yidhaahdeen.
Heshiiska xukuumadda Somaliland la gashay ganacsade Saleebaan Siciid Al-jaabiri, waxa shaaca ka qaaday Wasiirka Xannaanada Xoolaha, Dr. Idiris Ibraahim Cabdi oo Isniintii toddobaadkan shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, waxaannu heshiisku dhigayaa in sannadkii laba milyan oo neef uu qaato ninka Sucuudiga ah, isla markaana uu muddo sannad gudihii ah ku dhiso maxbarka Berbera oo qiimihiisu ku kacayo shan milyan oo doollarka Maraykanka ah.
Cabdi Xasan o ka mid ah ganacsatada cabanaysay oo ugu horreyn shirka-jaraa’id ka hadlay ayaa yidhi; “Suuqa xooluhu welibiiga xor buu ahaa oo nin waliba ninka Carbeed ee uu soo helo la macaamilayey, qiimo wixii ay ku heshiiyaana kula macaamilayey, dawladduna cashuurteeda qaadanaysay ama tii Ingiriis ha noqoto ama tan Somaliland ha ahaatee. Nin Carbeed baa loo xidhayaa ama nin Soomaaliyeed ayaa xidhanaya shay mustaxiil ah buu ahaa oo weligeen dhegaheennu may maqal.
Maamulka saaka jooga iyo ganacsatada joogtaa neefka cidda leh ma yaqaanaan, neefka Somaliland ma leh, 300km ama ka badan ayuu ka yimaaddaa, halkanna sicir ayaa keena, sicirkuna kolba meel ayuu gaadhaa, ninka neefka keenayaana waa nin reer miyi ah, dawladdi wax ma siiso, cid kalena ma kaalmayso, balse neefkiisaasi subaxa waxa uu u gooyo ayuu leeyahay.
Sannadkii hore ayaa ninkan la sheegayaa [Ganacsadaha Sucuudiga ah] xoolo innaga soo dalbaday, $43 doollar ayuu ku soo dalbaday, lacagtana Hargeysa ayaa lagu qaadanayey, dawladduna way horjoogsatay, xoolihii halkaa ayey ku baaba’een cid ka caawina ma jirto. Maanta waxa la leeyahay $36 doollar ayaa neefkii loo gooyey, waxna maamulka ayaa leh, waxna shacabka ganacsatada ah ee xoolaha ku dhex jira ayaa leh, wixii ganacsatadu lahayd lama weydiin, dadka yaan xoolahooda lagu ciyaarin, khaladkana ha la saxo.â€
Xuseen Maxamuud Cawaale (Gacma-dheere) oo ka mid ah ganacsatada xoolaha ee sannadkii hore maaqlabeenka reer Sucuudi Arabia ee Saleebaan Al-jaabiri dalka keenay, ayaa sheegay in xukuumaddu isku xidhayso heshiiska dhoofka xoolaha iyo dhismaha maxbarka Berbera, arrintaasina ay tahay mid daciifnimo ka muuqato. “Adhigeennu maanta ma jiro maalin uu ka liito, sababtuna waa ta keentay in la yidhaahdo maxbar lagu iibiyo ayaa loo xidhayaa, waxaanad moodaa in baahi ducufnimo keentay. Adhigu 15 sannadood $100 doollar ayuu joogay, maantana $36 doollar baa la leeyahay nin baa loogu xidhay, Jabuuti baana loo xalaaleeyey, mana garanayo sababta
http://www.jamhuuriya.info/index.php?ar ... article.tp