












Moderator: Moderators
Madaxwayne ku xigeenka Dowladda Puntland mudane C/xakiim C/Laahi Xaaji Cumar Cameey ayaa sheegay in Dowladdu ay qiimo dhimis u samayn doonto Wax soo saarka Dalka halka ay canshuur xoogan saari doonto biyaha meelaha fog fog laga keeno,Ganacsatada ayuu ugu baaqay in warshadaha iyo wax soo saarka Dalka ay xooga saaraan si loo balaariyo hormarka Puntland.
Ing, Camey Wuxuu sheegay inay dowladda Puntland diyaar u tahay inay dhiiri galiso cid walba oo doonaysa inay dhulkeeda maalgashi ku sameysato. Wuxuuna intaas ku daray inay dowladdu xakamayndoonto waxyaabaha Puntland laga heli karo oo laga keeno meel kale.
Dowladda Puntland oo shaqo abuur u diyaarinaysa dhalinyarada tahriibaya – dhegeyso
Garoowe, August 12, 2014 – Magaalada Garoowe waxaa maanta ka dhacday xuska munaasabada maalinta dhalinyarada aduunka oo sanadkan ciwaan looga dhigay “ha tahriibin eh joog.”. Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ka mid ahaa dadkii ka qayb-galay munaasabada xuska maalinta dhalinyarada aduunka, wuxuu sheegay in ay nasiib daro tahay in dhalinyaradu maanta ku jiraan kiisaska Al-shabaab, tariib iyo Burcad badeed.
“Aad baan uga xunnahay maanta in saddexdaas arrimood dhalinyaradu ay faraha kula jiraan. Waa wax annaga dhib nagu ah.” Ayuu yiri Eng. Cameey
http://www.kalshaalenews.com/2014/08/12 ... -dhegeyso/
(Sawirro + Dhageyso) Dowladda Puntland oo maanta si ballaaran Garoowe ugusoo dhaweysay wafdi uu horkacayay Ugaas C/laahi Ciise Nuur
(Pi Garoowe) Dowladda Puntland ayaa si balaaran maanta Garoowe ugusoo dhaweysay wafdi isugu jiray odoyaal iyo waxgarad uu horkacayay Ugaas Cabdullaahi Ciise Nuur oo kamid ah Isimada waaweyn ee gobolka Sool oo ka yimid dhinaca degmada Boocame.
Xubno uu horkacayay madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Eng, C/Xakiin C/laahi Xaaji Cumar Camey ayaa wafdiga Ugaas C/laahi Ciise waxay uga hortageen tuulada Buuro-wadal oo dhinaca waqooyi ka xigta Garoowe, iyagoo kadibna usoo gudbiyay dhinaca madaxtooyada halkaas oo kusoo dhaweeyay madaxweyne C/Weli Maxamed Cali Gaas.
Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa shir jiraa’id uu qabtay wuxuu ku sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin imaatinka Ugaas Cabdilaahi iyo odayaashii la socday. Wuxuuna yiri,
“Muhiimad weyn ayay inoo leedahay in Isimadeenii muddada badan naga maqnaa ay halkaan noogu yimaadaan. Waa la socotaan labo todobaad kahor ayay ahayd markii aan halkaan kusoo dhaweynay Garaad Saleebaan Garaad Maxamed, Maantana waxaynu soo dhaweynaynaa Ugaas C/laahi Ciise. Runtii waxay yimaadeen gurigoodii iyo dadkoodii waxayna noogu yimaadeen inaan ka wadatashano midnimada Puntland, ka tashano danta guud ee Puntland iyo sidii meesha looga saari lahaa wixii tabasho ah,”
Madaxweyne C/Weli Gaas ayaa sheegay Ugaas C/laahi inuu laga maarmaan u yahay talada dalka iyo masiirka Puntland, Isagoo sheegay inay soo dhaweynayaan wixii talo ah oo ay dowladda kusoo biirinayaan.
Wuxuu sheegay madaxwenuhu inay soo muuqanayso ififaalo xoogan oo ku saabsan inay soo xoogaysanayso midnimada iyo wadajirka Puntland. Sidoo kale wuxuu sheegay inay jiraan cadowyo badan oo doonaya inay rifaan Puntland.
“Sida ii muuqata Puntland meelo badan ayaa moodaa in laga rifayo oo ay yeelanayso cadowyo tiro badan. Laakiin way isaga filan tahay waxayna ku xiran tahay dadkeeda oo midooba oo wadajira,” ayuu madaxweynuhu sheegay.
Ugaas C/laahi Ciise ayaa mahad celin kadib wuxuu sheegay inay Garoowe u yimaadeen sidii ay qeybtooda uga qaadan lahaayeen marxaladaha haatan lagu jiro.
Ugaaska wuxuu madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ka codsaday inay fuliyaan balanqaadkoodii ku aadanaa in lasoo celindoono dhulka maqan, Isagoo sheegay haddii la fuliyo balanqaadkaas inay wax badan meesha ka bixidoonaan.
Dhawaan ayaa dowladda Puntland waxay gogol nabadeed ufidindoontaa bulshada gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn oo ka tashandoono aayahooda. waxayna tilaabadaan qeyb ka tahay balanqaadkii madaxweynaha ee xilligii doorashada.
http://puntlandi.com/sawirro-dowladda-p ... iise-nuur/