Dhakh Dhulbahante..a poem for Ciilkamakore
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.

- Ina Baxar
- SomaliNet Super
- Posts: 10796
- Joined: Mon Dec 13, 2004 12:54 pm
- Location: Arabsiyo, Somaliland
Re: Dhakh Dhulbahante..a poem for Ciilkamakore
Wadaniweyn had a Hawiye mother { last time he said sum about it }
This is one of the reason ONE should not engage a woman on tribal grounds. Besides the actual ugliness of that business and its correlation with the "fair sex", dhibatada kale ee meesha tala waxa weeye , marmar mid maqiiqan baa intay meelaha kaga so baxdo kugu bah dilaysa golaha -->case in point BaybygirlVs Wadaniweyn
Mataancideed mom's is HA I dunno about the rest .

- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super
- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
Re: Dhakh Dhulbahante..a poem for Ciilkamakore
[quote="LAFO-LAFO"]Liqaaye
Wadani iyo Madmadobe ka saar, iyagu waa faqash-killer ka kusoo gala.
Shaki wey ayaa igiga jira, xitaa miyaanad arag wadani siduu hablaha ula tirsado.
Sheikh caato.[/quote]
Wallahi i dont know sxb, weli waa ragg dhalinyaro oo hadda bahasha soo baranaya.. Wadaniweyn might be very close to me
he knows half of my family, and Madoobana waa ku cusubyahay, wa Ragga aan Qabyalada soo dhexgelin, laakin marmar iska tuurta....
Wadani iyo Madmadobe ka saar, iyagu waa faqash-killer ka kusoo gala.
Shaki wey ayaa igiga jira, xitaa miyaanad arag wadani siduu hablaha ula tirsado.
Sheikh caato.[/quote]
Wallahi i dont know sxb, weli waa ragg dhalinyaro oo hadda bahasha soo baranaya.. Wadaniweyn might be very close to me

- BABYGIRL123
- SomaliNet Super
- Posts: 5273
- Joined: Mon Jul 09, 2007 12:09 am
Re: Dhakh Dhulbahante..a poem for Ciilkamakore
wadiniweyn do you know your reer abti reer hagaar.
Hagar yaqaan
....................................................................
Waxaan horay u soo sheegnay Ammaan iyo aflagaaddaba mid kastaba, ha naqotee in Daraawiish gabayo badan loo soo mariyey. Cali jamac haabiil, ayaa gabay Daraawiish u soo mariyey halkudheggiisuna ahaa:- "Dameerka hariiryaha leh iyo heer dhulbahantaa leh" Sayid maxamedna alabkiisu wuxuu ahaa haddii gabay loo soo mariyo asuu doono inuu hadal ka celiyo inuu baro u dheereeyo. Gabaygaanna wuxuu ka tux raacaayey kii cali jamac.
Xuseenow ninkii hagar yaqaan waa habaar qabe e,
Ninna hagagi maayoo run baan,heeg u marayaaye,
Hadii aan hammiyey aakhiraan, laga habaabeyne.
Harti nimaan oqoon baa yiraa,hadalka qaarkiise,
Waa nimaan hurmuud wada ah iyo,hanadyo waaweyne.
Waa nimanka haybtoodu tahay, Haashinkaas kore e.
Waa nimanka deeqdii hanbaday, hibo Ilaaheeye,
Waa niman intay hodon yihiin, hoog ku sii daraye,
Waa niman gob baa lagu hirtaa, lagu hagaagaaye.
Waa nimanka daaraha hurdiyo, harac dallaal weyne,
Waa niman xariira huwanoo, huga ku laafyoone
Waa nimanka haashaarka gole,marada haafeeyne
Waa nimanka doonyuhu Hindiga,uga himbaartaane
Waa niman haruur iyo bariis,hoyga loo dhigaye
Waa nimanka haanfuuqayee,timirtu hoos taale
Waa niman haleeliyo horweyn,heel ka buuxsadaye
Waa niman adduun lagu huroo,maal hareeriminne
Waa niman intay wada habceen, heeshiguun dhiciye
Waa niman hingaar lama watee,haybad guursada e
Waa niman hablaha ay qabaan,halalac leeyaane,
Sida heegadoo curatay bay, shuqul hillaacaane
Waa niman hub iyo dowladnimo,haysta waligoode
Waa niman u heenseyn fardaa,halabsigoodiiye
Waa niman halqooqaha rogaal,heegma weligoode
Waa niman hadday rag is-hayaan,huriya baaruude
Waa niman madaafiic higliyo,haaliggii ridiye
Waa niman hanaanaca kufriga,hoor ka soo qubiye
Daaroodku waa wada halyey,kalase heyb roone
Dadka kalena waa wada hulqiyo,huuba doora lehe
Waxse heerle haad ferenji iyo, harabka Iidoore
Kuwa fuudka heeminahayoo,himishku duulaayo
Aan tan iyo Haabiil dheryaha.lagula hawshoonnin
Iyana heer inay leeyihiin,hubantidey weeye
Hiliblaha dukaaminahayoo,horori ceeriinka
Oo dhiigga soo hililiqlayn, haysha ka caseeyey.

Nimanka hablaha soorta guri, ku hargawaaxaayey
Ee tii wax hoomey tiraa,kula haliilaayey
Iyana heer inay leeyihiin,hubantiday weeye.
Nimankii hawaaree sidii,habas u kowdiidey.
Oo aan futada haawineyn, hogobka aad mooddo
Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye
Nimankii sidii awr hayina, hilayga qaadaayey
Hinjigiyo culayskii kuwuu,hoolay dhabarkooda
Iyana heer inay leyihiin hubantiday weeye.
Ragga hiirta waa beri dillaal, halaladuu roori
Oo aan hunguriga maalimeed,soo har gelihaynin
Iyana heer inay leyihiin, hubantiday weeye.
Nimankii habeedley ummula, huga u mayraayey.
Nimankii habeen iyo dharaar, hiribka qooshaayey
Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye.
Ragga udaha horsanahayoo,saxaraduu heegan,
Iyo nimanka hooyadood ku odhan, habartu waa dhuustey

Axmed nuuxa nirig haaruuf badan,kabar u heereeyey
Ee hilinka meeshiyo Hiraab, habaqluhuu qaaday,

Muusacarraha haragga iyo, hoorka xiranayaa.
Oo qurunka ay huursadeen, lagu hunqaacaayo

Ciisaha baqtiga hiigayoo, haadka qalanayaa,
Oo calaha habuurka badan, hagida meeraaya,

Habaryonis iyo reer Jugliyo, habar magaadloo dhan
Iyo caliga hoosada berbera, huluqa jiidaa,

Intii heer lahayd ma aan dhammayn. hebelladoodiiye
Hayska hoobbiyeen nimanka aan, heray boqontiiye
Inta aan hunduudaa ka badan, hiishka geedaha e.
Niman baan bullaabee ma oran, hiijo iyo ceebe,
Waxsaan hubinayaa waa inay, hadiyad keenaane,
Ha yeeshee intaasaan hojee, hor Allahay geystay.

-
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2215
- Joined: Tue May 25, 2004 7:00 pm
- Location: Support The governor of the die-hard nationalist Ali Sandule
- Contact:
Re: Dhakh Dhulbahante..a poem for Ciilkamakore
[quote="Ina Baxar"]Wadaniweyn had a Hawiye mother { last time he said sum about it }
This is one of the reason ONE should not engage a woman on tribal grounds. Besides the actual ugliness of that business and its correlation with the "fair sex", dhibatada kale ee meesha tala waxa weeye , marmar mid maqiiqan baa intay meelaha kaga so baxdo kugu bah dilaysa golaha -->case in point BaybygirlVs Wadaniweyn
Mataancideed mom's is HA I dunno about the rest .[/quote]
Habar wadaag
Waxaan u malaynayaa Wadani inuu Yahay faqash killer oo shaadhka kale soo gashada.
Faqsh killer ilaa 2001kii dhaqan kaas waan ku aqaanay.

- Posts: 2325
- Joined: Wed Mar 28, 2007 10:39 pm
Re: Dhakh Dhulbahante..a poem for Ciilkamakore
lafo lafo ,, i think that sidii gudabiirsi aadiga iyo hooyada ba u wassayeen ba waalatay
nacala kugu yaale stfu and get a life .

- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super
- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
Re: Dhakh Dhulbahante..a poem for Ciilkamakore
[quote="wadaniweyn1"]lafo lafo ,, i think that sidii gudabiirsi aadiga iyo hooyada ba u wassayeen ba waalatay
nacala kugu yaale stfu and get a life .[/quote]
War Ninyow Xishood Cayda Laga Wanaagsane... si kale Ninka ula Hadal...

War Ninyow Xishood Cayda Laga Wanaagsane... si kale Ninka ula Hadal...
- Ina Baxar
- SomaliNet Super
- Posts: 10796
- Joined: Mon Dec 13, 2004 12:54 pm
- Location: Arabsiyo, Somaliland
Re: Dhakh Dhulbahante..a poem for Ciilkamakore
Waa wax yaroo xashiishadda isku badiya nacala ku dhacdaygu , yaanu ku baran LafoLafo walaal.
-
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2325
- Joined: Wed Mar 28, 2007 10:39 pm
Re: Dhakh Dhulbahante..a poem for Ciilkamakore
[quote="Ina Baxar"]Waa wax yaroo xashiishadda isku badiya nacala ku dhacdaygu , yaanu ku baran LafoLafo walaal.[/quote]
ina bahxaar.
sac sac musa aniga oo hj ah igama moodna jawaab

ina bahxaar.
sac sac musa aniga oo hj ah igama moodna jawaab

- Ina Baxar
- SomaliNet Super
- Posts: 10796
- Joined: Mon Dec 13, 2004 12:54 pm
- Location: Arabsiyo, Somaliland
Re: Dhakh Dhulbahante..a poem for Ciilkamakore
love hadaadan jawaab ii hayn , wax kuma so qorteen meeshanee, waxba badhida ha inoo lulin , kudaafaddan beri hore kugu tuuray anigu .
-
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2325
- Joined: Wed Mar 28, 2007 10:39 pm
Re: Dhakh Dhulbahante..a poem for Ciilkamakore
^^ adigaba kudaafaad ahe sidee ba wax ugu turi kartaa ?
irbaad dhuub ma gelisaan afkuna wu idin dheeryahayee

irbaad dhuub ma gelisaan afkuna wu idin dheeryahayee

-
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2325
- Joined: Wed Mar 28, 2007 10:39 pm
Re: Dhakh Dhulbahante..a poem for Ciilkamakore
now that both dhiilogirl123 and liqaaye have stated there case 4 wat happened at haye bari and dagaalkas lets see wat outsiders say ... this is the arap issaq version
Axmed Aw Muxumad
Arab Sh Isxaaq
Mawd qarsoon
Nin Qurjiile ah oo gabay-canjilka yaqaan ayaa intii aan colaaddii "Haye" dhicin ku buraanburay erayo ay ka mid ahaayeen.
iidoorka qalalaasayoow qaata amarkayga
Markii dagaalkii dhacay ee guutooyinkii Afweyne, Dhulmahante iyo Daaroodkii ay cagaa ku wateenba dhawr jilib oo HJ ahi cagta mariyeen ayuu abwaanku gabaygan tirshay isagoo tixraacaya buraanburkii ninka dhulmahante oo malaha markuu arkay in hubkii iyoo Ciidamadii Qaranka lala hareer taagan yahay ku naalooday in uu guul aanu ab u lahayn hantiyi karo. Waxa caddaatay in inkastoo Daayeer uu Habar-Dugaag oo dhan shiriyo oo wuxuu tab iyo xeelad hayaba madasha keeno inuu sed Libaax sun ka yahay. Waxay arrinkani ina xasuusinayaa gabaygii Abwaankii weynaa ee Maxamed Nuur Fadal uu lahaa;
Bulbulloow Libaax iyo Dawaco boower kala roone
Haddii uu bulxamo Aarku waa bili cuslaadaaye
Waxan nahay rag lagu beegi jirey boqol ninkoodiiye
Abwaanku wuxu gabayga oo arartiisu aysan dhammayn ku bilaabay sidatan;
........
Meeshiyo anoo qaydleh baan qaari ku ahaaye
Qalin-duurrayaashaan afxumo qaladba moodeyne
Qurux maleh nin caytamay sidii dumarka qaarkiiye
Iga qoro qasiidooyin baan kuu qaddimayaaye
Aduunyadan qaskiyo weerarkiyo qaxarka loo uumay
Ee qaboowga loo diiday ee laysku qalanaayo
Ninkii gelin qadeeyaba waqtigan qoolka gelinaaya
Waataan qabkaagii ku idhi yuu qar kaa ridine
Waataan qasaaraha ku idhi qoorta haw dhiganne
Waataan xumaan kaa qabtiyo qoomihii hore'e
Waataan cajlado kuu qatimay waano qiiro ahe
Waataan hawada qaadday idhi qaaradaa mariye
Qasdigaygu waa tuu ahaa nabadda qiimeeye
Naf uu qaamudkeedii galaan qabarba faallayne
Raggii qayladaadii ku kacay waakuwaa qubane
Haddaa meydku qadawgii bixiyo qariyey dooggiiye
Waakaa qalfookii Hayiyo, Qararro yaalyaalle
Imikaa dhurwaa qawdhamiyo haadku qodayaaye
imikaa qaxootigu Nugaal sii qulqulayaaye
Dhallaan qayladii waxa la yidhi waa qaboonada'e
Waayahan qalaadkii dhinte iyo korisu qaadkiiye
Wadnihii na qayraamin jirey waa qufulateene
Qosolka iyo haasaawihii kuma qaxwaysaane
Ma qafiiftay Uusloow adaa huriyey qiiqaase
Ma qatallantay waatii Siyaad iilka kuu qoday'e
Ma qunbacatay goortii warkoo qoran laguu keenay
Ma qandhootay geerida markaad gelisay qoyskiinna
Ma qayirantay maantaan tolnimo kula qalloocnayne
Ma qiyaastay noloshaa qabteen qaalinnimadeeda
Ma qiirootay waa lagu lumaa kibirka qaarkiise
Ma ka qooftay nimankaad lahayd qaata amarkayga
Ma qadderisay waa mawd qarsoon qaranka reer shiikhe
Qusurkaba adaan gaadhin iyo badaha qooqaaya
Qaxarka iyo kibirkii miyaa kaa qadhqadhinaaya
Qalalaasaahaagina miyaad qaadi kari weydey
Jeerooy Qunbuladuu dhacaan laysma qaaddimine
Qira gaabnidee sowdigii col u qalqaalaayey
Qudh la gooyo iyo dhaawac iyo maal la kala qaado
Qardoofadu rag waw soo taxnayd taniyo Qaabiile
Qammuunyada ilkaha iyo dibnuhu waa qashiinnimo'e
Nin xumaan qoday caadki tahay qoomamiyo ciile
Qabtii Samatar galay waadigaa qoobka soo dhigaye
Haddaad gacan-Libaax qaad is tidhi quusashaa xigiye
Ninkii Qaanso iyo leeb filanayoow qabarki weynaaye
Sunta qaraxday ciiddiina waa qori madoobaade
Waxba yay is qoosaalintii ila qadhaadhaanne
Haddaa nabaddi aad quudhsateen qiimo leedahaaye
Qaraabiyo abtiga waa kolkaa qiran ogeydeene
Maxaan kula qabtaa waatanoo qulubtay Uusloowe
this is the hawiye habar gidir version .
Cismaan Axmed Faahiye "Afcadaawe"
Habar gidir
Jiidha
Gabaygani wuxu abwaanku tiriyey dagaaladii Dhulmahante iyo Faqashtii kalkaalin jirtey damceen inay ku soo ceshadaan dhulkii laga maroorsaday horraantii qarnigii tegey. Gabaygu ma saxna
Jawi gabay maantii naxwaha, jalasku ii daaro
Ayaan anigu been kuma jiree, Jiidha mariyaaye
Jabka dhacay ninkii Aadan Carab juuqna laga waaye.
Jiilaalka waatii la baday, jaynaf iyo ceebe
Kolkii lays jirrabay reer Garaad, jaahwareer noqoye
Jibba beena iyo laaqi waw, jamac salaadeede
Marka cadawgu kugu jawr falaa, lala jihaadaaye
Jimcihii la galay baa awood, loogu joogsadaye
Wixii Jabarti lagu faani jirey jeesna laga waaye.
Jamaamiyo Garoowiyo Marqaan, jinawga Buuhoodle
Hubka kii Jabbaan lagu ridaan, jeer la dhacayaaye
Markii jaxarku weedhiyo ka naxay, jalalawdii taarka
Jarraajurrood buuqa iyo, Jiibab iyo Taangi
Jidka xamar woqooyiga u kacay jaahilkii mariye.
Jiidali iyo Eyl wixii, joogay soo kace'e
Jinbaa soo hor kaca maalintuu, jabayo Daaroode
Laamigii kolkii laga jaray, jara habaabeene
Rabbi baa la jira reer Isaaq, meelu joogaba'e
Waa niman Jamaamiira, iyo Jiic Maroodiyahe
Waa Johorad xoogliyo Libaax, jeenyihii qaba'e
Kolka goob dagaal lagu jiraa Jibin la moodaaye.
Gobanimadu waa Originale (1), joomihiyo tiirka
Jirdaa iyo lafaha waxannu nahay Buurti JebelQaafe
Kolkii jilibka laysula dhigay, jilicsanaadeene
Jidbaaliyo sidii Raydab-Dhuub Jaanta lagu gooye
Teeriyo Nugaal iyo Jigjiga, Jimicsi loo diidye
Jaankii baddiyo Caynabaa, laysku joogsadaye
Jiidaha Hargeysiyo Burcaan jaadha ka hayaaye.
Waa niman nabsigu waa jiraa, jaar ka buuxsadaye
Kuwii diinta Jiinjaye (2) beddeley Jiinka iyo wowga
Ee shicibka Jaanjaamiyaa Jaanis(3) loo helaye.
Rag dagaalka juuno ah ayaa, jiitin weyn dhiga'e
Jailkiyo Istoodhada(4) wixii, jiifay laga saarye
Jeermaannadii naaxay iyo jiimbarkiyo Eyga
Judhii waxay dileen Faalso(5) iyo jeexa kii galaye.
Jeegaanta dhiigiyo didmada, jeedha dhan u yaacye
Jidhcastiyo addoonkii la madhi, jidhifta weynaaye
Jeeraaradii bay baqaha, jagac ka siiyeene
Jalaadkiyo cabaadkii ka baxay, jawda lala yaabye
Janankiyo Birgaydhada runtii, jooga laga waaye
Jigta danabka Kaaraha markii, Jaynka(6) laga gooyey
Ee loogu jiifsaday maalintii, jeerinkiyo ayda
Juucaanka gaajiyo harraad, jaaqulkiyo oonka
Jungalkiyo(7) bartii baa la dhigay, Jinici duullaane
Jirridii na boobtiyo, Cadceed(8) looma jiidh nixine.
Iyadoo jinsiyad loo xarbiyey, Jaawa dhicinteeda
Jabhaddiyo xisbigu waa kuwaa, joojay calankiiye
Jinawgiyo Karuurkii qabsade Jaammudka lahaaye
Xukunkii jariiriga dhaqsaa, loo jannabayaaye
Jamhuuriga cusubi maamulkii, jaarisoo wadoe
jiriiddada Afweynaa ka ruqay, jaahi gubayoow e
Mar jaraaid Ruushkiyo qarbigu, qorayey joornaalka
Jarmalkiyo Talyaanigu warkuu, jamac ku weydiiyey
Jawaabteeda muu qiran rag waa, kugu jujuubaaye
Jeesjeesigiyo bay arkeen, jaarri dhididkiiye
Jalaalaynka beentu dibna jiilka ku lahaaye.
Jareexiyo Dhulmahantoow murtida, idinku soo jeedda
Waxay godobtu jeebkiisa tahay, Jeedal dheeraha'e
Duqiinnaa janjeedhsaday kolkaad, shalay u jaamaysay
Aad Jaalle Aabboow lahay jiidashiyo qaabka
illeen waan u jeedaye halkay maanta iga joogto
janjadh amarkay waa nagu gefteen jiidh addoonsiga'e
--------------------
(1) Original = Asal
(2) Jiinjay = Beddelaad
(3) Jaanis = Fursad
(4) Istoodhada = Bakhaarrada
(5) Faalso = Kabtan Faalso wuxuu ahaa Gaadhaanle haystay Qaybta Boliiska Burco oo 1988kii lagu dilay Burco
(6) Jayn = silsiladda (Kaaraha)
(7) Juungal = Jiqda (ayda)
(8) Cadceed = Kornayl Cadceed wuxuu ahaa Taliyihii Gaaska Togdheer oo May 1988kii Burco lagu dilay isaga iyo ciidankiisii.
here is another hawiye gabay from the same battle .
Cismaan Axmed Faahiye "Afcadaawe"
Habar gidir
QURJIILE (Haye)
Geeraarkan wuxuu Cismaan ka tirshey dagaalkii "Haye" ka dhacay 1983kii ee ay ciidamadii Faqashta oo Dhulmahante hor kacayaa ay ku qaadeen beelaha Habar Jeclo Bari. Geeraarku wuxuu ka sheekaynayaa goobihii la baacsanayey ee marba laga saarayey ee ay baqahoodii buuraha bannaan u moodeen markii laga bili roonaaday
Geeraar baan qodobkiisiyo,
Qiyaas looga hadlaayiyo,
Qaafka uu ka bilaabmiyo,
Qaroomayskiyo luuqda,
Qaari weyn ku ahaayoo,
Qashiinkaan garanaynin,
Qunaashkuu ka dilaayoo,
Iyadoo qodaxdii iyo,
Qoriinshiba ku yaalbuu,
Isla soo qotonshaaye.
Maalintaan Qushi maago,
Hubka qaarka? la moodiyo,
Qalxadaan ka ridaayoo,
Qaafiloo i dhegeystoo.
Ilaahbaa quwaddiisiyo,
Qorshihiisu socdaaye,
Inta aan qorraxdaa iyo,
Qamar nuurta la waayine,
Qiyaamaa ka horraysa,
Qarnigeenna la joogiyo,
Qaarkaloo dhalan doona,
Warkaan qaata idhaahdo,
Taariikh loo qabanaayiyo,
Qoraal weeye u yaalla.
Dhulmahantoow qalbilaawe,
Nimaankaanu qaddiimkiyo,
Qaryadoo wada taalliyo,
Qaadhaankaan ugu deeqiyo,
Qaybwadaagta lahaynoo,
Maruunbaabad qiyaamiyo,
Qutaabays ku kacdeenoo,
Quruxdii nabadii iyo,
Qaynuunkii jebiseenoo,
Sidii ruux la qabaafashay ,
Maruunbaabad qammaadiyo,
Xamar aad qabateenoo,
Quraafaad iyo beeniyo,
Qudbad aan run ahayniyo,
Afqaqaable siyaad iyo,
Qadiijaa maqasheenoo,
Qabbbaankooda tihiinoo.
Rag qalloociyo maagiyo,
Qadaf waysku dilaaye,
Qabkii Jaamac Siyaadiyo,
Barkadkii Qarribnaa iyo,
Ergo quudka ardaagiyo,
Qolqolkooda ku laayiyo,
Garaadkii qummanaa iyo,
Qanjidhkii Odalaad iyo,
Qayaad reerka Docmood iyo,
Qabiilkii Hagar Aadane,
Qayuurkii Ina Daad iyo,
Kolkii Quulle la toogtay,
Qoyska Reer Cali sheegta,
Qajilee ka baqaayiyo!
Qaalidkii Habarwaa iyo,
Askar loo qolo soociyo,
Qalamaayo kaleetiyo,
Siyaadoo ku qudhaadhaa,
Weerar noo qabanqaabshey
Oon Qatawaarinayaayoo.
Qaydarkii Haye-Weyney,
Qabaar soo bixiyeenoo,
Quraankaa Rabbigay iyo,
Qulacuudu ku dhaartaye,
Qaran weeye jabaayoo,
Markii laysugu qaadaye,
Qabax Buura-ka weyniyo,
Qiyaastiisiyo shiishka a,
Qasab loogu muqunshoo,
Qaddar bay kibirkii
Iyo qalabkiiba dhigeenoo
Baqahay qabacdii iyo
Qaraan doojinayaanoo,
Qututuux laga waayo
Kuwii loogu qurruufaa
Dhurwaagii qataanaay iyo
Qaydhiin Xuuri ku boobtoo
Kolkaasay qasifmeenoo
Qunyareey Abtiyaal!
Awalbaan qadanayn!
Siyaad baa na qisaasiyo!
Qaylo dheer ka kaceenoo!
Qiraal weeye midhkaasi.
Inteebaannu qaddiimiyo,
Ragaan loo qumahayniyo,
Qureesh aan la marayniyo,
Qalanbaawi ahaynoo,
Inteebaad qoto baas iyo,
Waxaan qiimo lahayniyo,
Qabar baas u badheedhaan,
Qatar kaaga digaayey!
Libaax waayo qadoodoo
Qaararkiisu goteenbaad,
Qammuunyaysiga xooggiyo,
Qajajaa miciyaa iyo,
Qawdhankii maqashiiyoo
Kolkaasay ka qaxeenoo!
Qararrooyin agtoodiyo
Qudeerbaa laga saaroo,
Qorigay jillibkii iyo,
Qadhoomaaba rujeenoo,
Imikay Qurjigii iyo
Qabaar jiidanayaane,
Eraygaa yara qaawan,
Qari baan islahaaye,
Nimankii Qorre joogaan ,
Iga qaadanahaynoo,
Haraadbay qarfadii iyo
Qadhaabkii ku dhinteenoo
Qudhicii nabarkiibay
Qudhaanjaysanayaanoo!
Sida Qaylka Dameerka
Qaalin layli ah weeyoo!
Qadaadkaan ka raraayoo!
Nin qayrkiisa la xiiroo
Qoysan waayey dabeeto
Qaabka aad tahay weeye!
Af-Cadaawe
markaa dhiilogirl easy as 123 .... stop don't come here beenta and belayo aad isu sheegtan
looks like we have a clear winner here

ppl r not blind its on the 5th page they can see it
orood nimaanka iskaa soo celi babygirl haku soo laalabaane with the same poem.

-
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3722
- Joined: Mon Apr 30, 2001 7:00 pm
- Location: Dabkeenaa bakhtiya roobna waa ina dul joogaaye
Re: Dhakh Dhulbahante..a poem for Ciilkamakore
Habar Jeclo and Xawaadle will never forgive Dhulbahante for generations of Abuse.
Check this out all of Habar Jeclo were torrorised by a sub-sub clan of Faarax Hagar, the famed Fallaago
http://img388.imageshack.us/img388/4552/hj1cl0.jpg
http://img388.imageshack.us/img388/1959/hj2ts1.jpg
http://img388.imageshack.us/img388/7550/hj3el6.jpg
Dhaaxaad Ilaah iyo KUFRIBA u ashkatooteene .. that line from Aadan Carab makes sense
Check this out all of Habar Jeclo were torrorised by a sub-sub clan of Faarax Hagar, the famed Fallaago
http://img388.imageshack.us/img388/4552/hj1cl0.jpg
http://img388.imageshack.us/img388/1959/hj2ts1.jpg
http://img388.imageshack.us/img388/7550/hj3el6.jpg
Dhaaxaad Ilaah iyo KUFRIBA u ashkatooteene .. that line from Aadan Carab makes sense

-
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3722
- Joined: Mon Apr 30, 2001 7:00 pm
- Location: Dabkeenaa bakhtiya roobna waa ina dul joogaaye
Re: Dhakh Dhulbahante..a poem for Ciilkamakore
They even looted Caaqil Yare and Abokor Cawad

- Madmadoobe
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1892
- Joined: Fri Apr 06, 2007 1:10 am
Re: Dhakh Dhulbahante..a poem for Ciilkamakore
^cilmiile ramadantu ha dhamaato.
Lafo lafo.. adigu hada banaanka u soo bax tii ku dhashay isha ka ..

- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 8 Replies
- 488 Views
-
Last post by DamallaXagare
-
- 5 Replies
- 453 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 16 Replies
- 1154 Views
-
Last post by Gaashaanle_87
-
- 8 Replies
- 635 Views
-
Last post by LAFO-LAFO
-
- 15 Replies
- 924 Views
-
Last post by Sir-Luggoyo
-
- 29 Replies
- 15357 Views
-
Last post by weydamal
-
- 14 Replies
- 2484 Views
-
Last post by original dervish
-
- 0 Replies
- 540 Views
-
Last post by bashe19
-
- 7 Replies
- 627 Views
-
Last post by BaByGaL_8701