Did Dhulbahante Sacrafice Too Much For Sayyidka?

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Burao_Media
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 338
Joined: Fri Apr 10, 2009 3:14 am
Location: nin sahan tagay oo u dhexeeya Gaashamo, Danood iyo Wardheer.......

Re: Did Dhulbahante Sacrafice Too Much For Sayyidka?

Post by Burao_Media »

Stop claiming us lan-gaab Habar Awal boy. He is Qaman Bulxaan a Ogaadeen poet talking about:

--------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------

Gabaygii 2aad ee Silsiladdii Rayad ahna gabaygii 1aad ee Qamaan Bulxan



Gabaygii Diradiraale ee Cali-dhuux ayaa dhinac walba u dabayshaday. Qamaan Bulxan oo Cali or iyo jiib yaqaanay ayaa u jawaabay oo Silsiladdii Rayad soo galay. Gabayga Qamaan mar waa xaajo, mar waa garaabid, mar waa goodi, mar garashada iyo garaadka Cali-dhuux ayuu la yaaban yahay marna diradiraalaha Cali-dhuux ayuu farta ku fiiqayaa. Mar kale Qamaan wuxuu sheegay haddii aan Ingiriis baardaajinaynin inaan Isaaq Ogaadeen la ekeekameen.



Qamaan wuxuu Cali-dhuux ku gawriyey inuu diradiraalaha dhaafo haddiise uu cagta u dhigiwaayo in isaga uun ay la ciiri doonto. Wuxuu caddeeyey in Ogaadeen siijeedkiisa dad badani ku dagmi doono iyo in Cali-dhuux doqonimo awgeed uu Isaaq guddoonsiiyey guulo badan oo aysan soo hoyinin.



Wuxuu ku dooday in Isaaq xididnimo, asluub iyo daris wanaag ku degan yahay Doollo deyrna u yahay habar dugaag iyo Harti, dhul ay qaateen ama durugsadeenna uusan jirin. Haddiise Ogaadeen iyo Isaaq dagaalamo waxa aad Caliyow ka helayso ayaan garan waayey, ayuu sii raaciyey.



Duullaankii Hagoogane la baxay ee Ingiriis iyo cawaamkiisba ku saareen Ogaadeen iyo Daraawiish iyo geelii duulaanka lagu soo qaaday inay Habar Yoonis iyo Dhulbahantihii Ingiriiska la socdayba, sida Reer Hagar iyo Cali-geri qaarkii, ahaayeen kuwii ka qayb qaatay dakanadaasina meel u taalo, gabaygiisuna uu daacadda ka fog yahay, ayuu ku dooday. “Gacantii wax qaadka taqaan gumudkaa dhaqdhaqaaqa” oo waad naga cabsanaysaa ee haddii sidaad sheegtay xaalku yahay adiguba nama aadan dayseen ayuu ku gujiyey. Wuxuu xusay in geesiyadii ugu magac dheera Dhulbahante Isaaq laayey, Dhulbahantena dhulkoodii ay Habar Jeclo ka faramaroojisay, maganna ay aqalkoodii ku yihiin.



Wuxuu ku goodiyey in Ogaadeen oodda soo jabiyey, adduunna rogi doono. Wuxuu ku ceebiyey Cali-dhuux inuu yahay nin Daarood kalagurkii iyo Dhulbahante dakanadii ku caanbaxay sida marka Qamaan leeyahay “dalkaad ina adeerkaa dhigtaad, wali degaysaaye.” Iyo inaan Qamaan hadalka loo dusinkarin, Cali iyo isbihinbihintiisana uu aad u yaqaano kana aragti dheeryahay.



Caynaba maad soo dhicisid haddaad tabar hayso ama maad tolkaa gabayga ku guubaabisid haddaad raganimo leedahay ayuu ku dacwiyey. Ingiriis haddii uu i dilay saw Isaaq iyo Dhulbahanteha Ingiriiskaa la socda iska kay daliilaysan mahayaan, sida aarku kolkuu raqda ka noolaado ay dawacada iyo haaddu u feenfeentaan wixii meesha ku hadhay.



Qamaan wuxuu isticmaalay luuqad aad u saraysa oo maahmaah iyo murti leh. Halqabsiyo badan oo gees walba Soomaaliya laga isticmaalo ayaa gabaygan kasoo jeeda. Wuxuu yidhi:



Caliyoow dabuubtaadi gabay, daayinkaa wadaye

Dabaylaha xagaagee dafliyo, daafigaa sidaye

Noo dooji doogiyo sidii, dararta xolaadde



Diirkiyo laftuu xulay hadduu, hadal wax daaweyne

Dadkana uma sinnee reer tolkay, dacar ku nooleeye

Anna waan ku diirsaday, Ilaah derajo siiyoowe



Daaraan garbaha qoon hulaad, damaqday Dhuuxoowe

Dibirrooti buu dhacay, raggaad dabaqadayseen

Waa gobol dillaacid iyo ciil, dibinta ruugaaya

Iyo gobol runduda oo fadhiya, dagada weeyaane



Dulkaa jooji waan kula dacwiyi, doodna waan odhane

Dabbaad ololisaa kumana gubo, daa'in abidkaaye

Intaad dogob shiddaa baad taqaan, diradirayn jaane

Daaskaad fadhido saw gubee, degelkan qiiqaabi



Haddayse daacad xaajadu tahoon, lagu denbaabaynin

Danbaaburada naareeed haddaan, dhinacu doonaynin

Seeddoow maxaad noogu digan, dakharku waa kiinne



Goormayse degmadu noo miyeen, dawgalbaa jira e

Daldhacsiga danaasaca la mood, dawr inaan ahaye

Is dalleemintaydaa ninkii, dagani eedaaye



Dubihii ku dhacay Ina Barwaaq, dagi aad maysaane

Daaduunka caydheed raggaa, dibbadda meeraaya

Docmo[1] iyo Hartaa[2] lagu ogaa, dalawadoodiiye



Cali-gerigaa daadhiib shalay, naga durduurteene

Waa kaa darfiyey caanihii, dagiyo heemaale

Anna waxan dibiray waa dagaag, dayrar soo xulaye



Nimay gacantu daabulo tiqiin, beri hadduu daayo

Uu yara dalleensado intii, ducasan loo yeelo

Dambanmahayo waagay xubnuhu, yara dubaaxshaane

Inaad deysid beel dagan adoon, dani ku seetaynin

Dabcigeedba yaa kugu yiqiin, digasho mooyaane?



Hadday debecdo waw hiiliyaa, doqon walaalkeede

Diiftiyo ushay garan intaad, dayada haysaane

Dunna haddaadan ii tarin maxaad, iigu dana sheegan?



Dooyaha fardaha maalintaad, deleb ku qaadaysey

sidii duul Amxaara ah markaad, nagu dabraynaysey

Intaad haatan ii laba dublayn, muu damqado jiidhku?

Daarood Ismaaciil ahaan, hilibku muu diiro?



Toorida ninkii kuu dadbee, daabku uu celiyey

Iyo kii duleedshaay ku yidhi, wax isma doorshaane

Dakanadayda yaa kaa xigood, igu danayn haatan?

Aar soo dibjirey neef hadduu, daacuftii geliyo

Uu kaga digsiiyuu ilkaha, dhiigga kaga daadsho

Dugaaggaa yaryari saw ka cuna, duufka hadhay maaha?[3]



Aday dilaye goormaa Isaaq, Doollo iga qaaday?

Maxaa godobtii Daarood lahaa, dabacayuun siiyey?



Hadday Dibbixul[4] uga heesayaan, Daharba[5] waan siine

Miyey haatan daab iyo ul iyo, kaga cabbaan dawlis?

Bulsho daalis oo dibi dhaloon, loo danbarinaynin

Oo kii lahaa diidey bay, sidigtii doontaaye



Kuwan derisnay dooxeer haddaan, sebenka daaduunsho

Waxa adiga duug kaaga noqon, yayga degi waayey!



Gabdhaha doonnan dadabtaan dhisniyo, xidid dariiqaynta

Kuwaan dihannay diricay dhaleen, waa dareeemada e

Muslinka hayga didin yaan Ibleeys, dawyo kaa ridine



Darka jabay dillaalkiyo dhulkuu, dabadku meeraayo

Deeqii Illaahay halkuu, xuliyey daadkiisa

Ii daa dugaagiyo Hartay, igaga deyraanne



Iidoor Dir weeyee hadduu, duulan soo kiciyo

Dunji Habar Magaadluhu[7] hadduu, dabarka soo qaato

Dunbuq iyo rasaastana hadduu, debecsanuhu siiyo

Horta yaa la da'a wayla yaab, dawyadaad xuliye?



Ogaadeen ka daan iyo ka daan, Doollo soo gudubye

Diinkaan akhriyey way iman, Dooy raggii jiraye

Dunji maalintaa waxaad qabtaan, waan u daahirinne

Ma demmaniye deynkayga, waan dabagelaayaaye



Idinkuba darkii Caynabaad,[8] deris ku taalliine

Dagaallama rag doorkii la laa, duubcaddii Hagare

Ama na daaya waan wada qabnaa, daawashiyo ceebe



Caliyoow da'daan ahay waqaa, looma duurxulo e

Duq gaboobey iyo wiil yarbaa, loo dedaa hadale

Diirkaan ka garan xaajadaad, dabaqa saarteene



Ma dumaalo naaguhu ninkay, nolol ku dayrshaane

Dayib[9] uma yidhaahdaan jeeroo, hawli daashado e

Nin walaalkii doorsaday Ilaah, derejo siin waaye

Dalkaad Ina-adeerkaa dhigtaad, weli degeysaaye[10]



Baadida ninbaa kula deydeya, daalna kaa badane

Oon doonahayn inaad heshana, daayin abidkaaye

Dadkuna moodi duul wada dhashoon, wax u dahsoonayne

Dallo malaha aakhiro haddii, loo kitaab dayaye

Adna gabayga waad nagu danqiye, daacaddii maqane

Dubkaa nagaga kaa yaal, haddii lagugu deyrshaaye



Dilaal iyo malaal wuxuba waa, carabta deynkoode

Dibnihiinna uunbaan galoo, way dudubiseene

Allay diliye Iidoor adaa, iiga sii darane
Last edited by Burao_Media on Wed May 27, 2009 3:57 pm, edited 1 time in total.
Burao_Media
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 338
Joined: Fri Apr 10, 2009 3:14 am
Location: nin sahan tagay oo u dhexeeya Gaashamo, Danood iyo Wardheer.......

Re: Did Dhulbahante Sacrafice Too Much For Sayyidka?

Post by Burao_Media »

Duullaankii Hagoogane la baxay ee Ingiriis iyo cawaamkiisba ku saareen Ogaadeen iyo Daraawiish iyo geelii duulaanka lagu soo qaaday inay Habar Yoonis iyo Dhulbahantihii Ingiriiska la socdayba, sida Reer Hagar iyo Cali-geri qaarkii, ahaayeen kuwii ka qayb qaatay dakanadaasina meel u taalo, gabaygiisuna uu daacadda ka fog yahay, ayuu ku dooday. “Gacantii wax qaadka taqaan gumudkaa dhaqdhaqaaqa” oo waad naga cabsanaysaa ee haddii sidaad sheegtay xaalku yahay adiguba nama aadan dayseen ayuu ku gujiyey. Wuxuu xusay in geesiyadii ugu magac dheera Dhulbahante Isaaq laayey, Dhulbahantena dhulkoodii ay Habar Jeclo ka faramaroojisay, maganna ay aqalkoodii ku yihiin.



Habar Yoonis the annailtors of the Derbiish. Thanx to may grand-pa Haji Warsami Buralle :up:
User avatar
MALMAHA
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 960
Joined: Mon Apr 27, 2009 11:16 pm

Re: Did Dhulbahante Sacrafice Too Much For Sayyidka?

Post by MALMAHA »

Burao_Media wrote:
Habar Yoonis the annailtors of the Derbiish. Thanx to may grand-pa Haji Warsami Buralle :up:


maxa khldan ina burco lagu dhalay.

darwiishta ya ka dhamaye wadanka somalyeed
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Did Dhulbahante Sacrafice Too Much For Sayyidka?

Post by The_Emperior5 »

Idiot stop claiming Garaxjis and Habar Yoonis warriors. Haji Warsami Buralle is my grandfather. he is Habar Yoonis sibaa Reer Sugulle he lead an army of Habar Yoonis hoursemen and Ciidgale that had annilated teh Dervish that day. The HY took 60,000 in booty in Camel. The HY had Reer Hagar and Cali Geri carry are water. the HY army called them water boys. After the annilahtion we told the Reer Hagar and Cali Geri and the Axmed garad we wil spilt the share in Burco. When we got to Burco we told them to get lost. Still today some Dhulabnte asks the HY for their Share.

Your unsi and foox Habar Awal or any other Issaq involed so get lost with your Isaaq 5000 army.

It was a Habar Yoonis and Ciidagle army of 5000 men.

Stop claiming us lan-gaab Habar Awal boy


Marka darood iyo isaaq loo wadda hadlayo walaalkay baad tahay remmeber that maxa ka sii ah manan xoooga habaryoonis iyo ciidangalle ku faanii karreyn ilen wa tolkaye

Soo cududda habaryoonis iyo ciidangalle maaha soo gabaygii sa muu ahayn, adigu hadad cali jamac haabil ku halqabsadiit ama adan shiine Ama ina cigaal ama cabdilahi asker ama sacadiin ma waxan ku odhan ha ku hal qabsan wa suber awal , :lol: :lol: :lol: war waxaasii wa gunnimo markaynu inaku is eryanayno wa oke laakin markay jebertigu meesha soo gallo tunkan ku saranaya :mrgreen:
User avatar
MrPrestige
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10104
Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~

Re: Did Dhulbahante Sacrafice Too Much For Sayyidka?

Post by MrPrestige »

:lol: :lol: emperior ceeb wayaan waxas - but afterall we are all isaaqs but dont claim too much of our warriors unless you are planning to give me your cousin
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Did Dhulbahante Sacrafice Too Much For Sayyidka?

Post by The_Emperior5 »

:lol: :lol: :lol: :lol: ninkan reer burco wa nin fogaday waleh.
U know what steal for me a dhulbahante chick from xudun Miid naleeye axmed hargeysa igu keen and then i will think about it . :mrgreen:
User avatar
MrPrestige
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10104
Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~

Re: Did Dhulbahante Sacrafice Too Much For Sayyidka?

Post by MrPrestige »

The_Emperior5 wrote::lol: :lol: :lol: :lol: ninkan reer burco wa nin fogaday waleh.
U know what steal for me a dhulbahante chick from xudun Miid naleeye axmed hargeysa igu keen and then i will think about it . :mrgreen:


war reer burco ragedi dee he knows all his clans history and warriors. isnt buhoodle girl naleeye ahmed --- isnt there any dhulbahntes chicks in holland :lol:
in here in uk dhulbahtnes girls are all turned on by qaldan man lol seriously
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Did Dhulbahante Sacrafice Too Much For Sayyidka?

Post by The_Emperior5 »

he knows his histoyr laakin wa caaafiad wiixuse isaaq buu is leeyahay waax oo xoogweyntahay :down:
User avatar
Babygirl-
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12897
Joined: Sat Aug 23, 2008 3:43 pm
Location: Khaatumite soil.

Re: Did Dhulbahante Sacrafice Too Much For Sayyidka?

Post by Babygirl- »

Baayo Hoognayeey ma daadki Galaada dhabarka ku wadaay baa leeh Darawiishti Diyaradaha lagu laaa dagalameey inteey, Asian, African, Somali, Xabashi, Indians, Arab iyo Cadaan ka adkaan wayeen.. :shock:
User avatar
MrPrestige
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10104
Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~

Re: Did Dhulbahante Sacrafice Too Much For Sayyidka?

Post by MrPrestige »

The_Emperior5 wrote:he knows his histoyr laakin wa caaafiad wiixuse isaaq buu is leeyahay waax oo xoogweyntahay :down:


i remember before he was good guy he always use to advocate for isaaqs and always keen on isaaq unity- but some isaaq members in here let him down
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Did Dhulbahante Sacrafice Too Much For Sayyidka?

Post by The_Emperior5 »

Babygirl- wrote:Baayo Hoognayeey ma daadki Galaada dhabarka ku wadaay baa leeh Darawiishti Diyaradaha lagu laaa dagalameey inteey, Asian, African, Somali, Xabashi, Indians, Arab iyo Cadaan ka adkaan wayeen.. :shock:
wamaxay baaay i feel realy bad when i hear somali females baayoo hoogay jabnay la xawla wa niyad jabba :lol:
ma waxa lugu yidhi adiga ismacil mire jihaday oo baby aha wagaas, dagaalki taleex cidanki xajii suudii shabeel oo habarjecla ayaa ku dhintay iyo raggiisii duuflaalki ina cabdulla xassan wuu baxsaday nugaal hoosteedu gallay :lol:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Sool”