LAS QOREY ONLINE: Maakhir People Protest Against Discrimination & Injustice
LAS QOREY ONLINE: Isu Soo Bax Lagu Diiddan Yahay Musuq-Maasuqii Deeqda Waxbarasho Ee Turkiga Oo Ka Dhacay Magaalada Badhan. + Sawiro
Badhan: Subaxnimadii Arbacada ayaa waxa magaalada Badhan ka dhacay iso soo bax ballaadhan oo ka dhan ah dulmigii iyo musuq-maasuqii lagu sameeyey deeqdii waxbarasho ee dawladda Turkigu siisey dawladda PL. Arintan ayaa waxa soo qaban-qaabiyey maamulada dugsiyada sare ee magaalada Badhan , ururada ardayda , waalidiinta iyo cuqaasha degmadaqaarkood.
Bulshadii kala duwanayd ee fagaaraha magaalada isugu soo baxday ayaa waxay siteen boodhadh ay ku qoran yihiin hal ku dhegyo muujinaya sida ay uga xun yihiin eexdii lagu kala faquuqay ardayda wax ka baraya dugsiyada sare ee PL .
Ugu horreyna waxa halkaas ka hadlay Jibriil Siciid Ducaale oo ka mid ahaa ardaydii goob joogga ka ahayd wixii ka dhacay caasimadda Garoowe , wuxuna sheegay inaan imtixaankoodii lasixin, sidoo kalena liiska la shaaciyey uu hore u diyaarsanaa, wasiirada iyo madaxduna ay qaraabadooda ka buuxiyeen , xitaa waxa ku jirey dad aan waxbarasho soo marin oo loo rabey iney Turkiga uga sii gudbaan Yurub oo tahriibayaal noqon doona marka ay Turkiga tagaan.
Fadeexadaha uu sheegay ardaygaasi ayaa waxa ka mid ahaa in arday reer SL ahi liiska ku jireen oo qaraabo la ah wasiirada qaarkood.
Madaxdayadii baa na musuq-maasuqday , waanna ka xumahay , waxan moodayey inaanu u simannahay annaga iyo qaraabadoodu wixii fursado ah, hase yeeshee ma dhicin, hadda maxaan sameeyaa, Budhcad badeedna ma noqon karayo e, himiladaydii waa burburtay !!! ) ayuu yidhi Jibriil.
Maxamuud Maxamed Cumar oo ku hadlay magaca maamulayaasha dugiyada gobolka Sanaag ayaa isaguna ku tilmaamay wixii Garoowe ka dhacay arin naxdinle oo laga murugoodo, sidoo kalena wasaarada waxbarashada PL ay hayso xogta waxbarashada ardayda iyo natiijooyinka imtixaanaadkoodasanad walba, wuxuna ugu baaqay dawladaha deeqda bixiya , hay’adaha samafalka iyo ciddii ay khusaysaba inaan wax danbe oo fursad mashaariiceed ama deeq waxbarasho ah oo gobolka Sanaag leeyahay loo dhiibin PL .
Waxa iyaguna fagaaraha khudbado ka jeediyey cuqaal iyo siyaasiyiin ay ka mid yihiin NB. Maxamuud Faarax Ducaale, NB. Faysal C/laahi Faatax, iyo Sh/ Axmed Shiikh Saalax, oo dhammaantood ku nuux-nuuxsaday xaqdarrada iyo dulmiga ardayda reer PL lagu sameeyey , iyo sida madaxda PL ay markasta u garab marayaan sharciga iyo wixii lagu dhisay PL, waxayna carrabka ku dhufteen in Caasimadda Garoowe waxa ka dhacay macneheedu waa in PL la kala diray, iyo in sida muuqata in ka badan afar kun oo arday damiirka laga diley, mustaqbalkii ubaxa soo korayana si xishood darro ah loo burburiyey.
Sidoo kale, Maxamed Cali Maxamed ( Shalmad ) oo ka mid ah ardayda wax ka barata dugsiyada sare ee magaalada Badhan ayaa maanso ku cabbiray dareenkiisa, waxana ka mid ahaa ereyadiisii :
Barbaartaad kala gurteen
Qorshihii aad baajiseen
Sinnaantaad baal marteen
Waxaad cudur baahiseen
Alleylehe baga dhahdeen
Mid weeyaan buug ku qoran
Berrina la isaga imaan !!!!
- - - - - - - - - -
Bulshada degaankanoy
Butlan way nagu duntoo
Dusheenna ku baaba’daye
Ka kaca aan bad-baadinnee !!!
Ha’dii kale waxan lahaa ……… haaheey
- - - - - - - - - -
Ninkeer boorsada sitoo
Inuu buuxsado raboo
Boolida xaaxaabsadow
Butlan kuguma fillee
Bal meel kale buul u dayo !!!!
- - - - - - - - - -
Bulshada degaankanoy
Butlan way nagu duntoo
Dusheenna ku baaba’daye
Ka kaca aan bad-baadinnee !!!
Iyo gabay dheer oo dadkii qiiro geliyey halkanna aan lagu soo koobi karayn tuducyadiisa. Isku soo wada duuboo, arintan ka dhacday PL fadeexadda ahi waxay kicisay lif hore iyo xanaf bulshada hore ugu jirtey, kaas oo ah in PL aan loo sinnayn oo cid gaari ku tarki fashay, taasina ay keenayso in cid walbi gaarkeeda u tashato, sidaasna PL ku fur-furanto, waxana garowshiinyo helaya maamulka casayr land iyo darwiish lan, oo u muuqda iney ka daaleen dulmiga Garoowe ka socda iyo inaan waxba la isu ahayn.
Maxamud Ciyoon/Badhan