Re: puntlanders and jubbalanders come in
Posted: Fri Nov 14, 2014 3:44 pm


Largest online Somali community!
http://somalinet.com/forums/
Wafti heer wasiiro ah iyo Gudoomiye xigaanka Baarlamaanka Puntland Oo Booqasho ku tagey Boocame Iyagoo Xadhig ka Furay Xarunta Wasaaradda Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska
Isniin November 18th, 2014
Wasiirro ka tirsan dowladda Puntland ayaa booqasho ku tagay degmada Boocame ee gobolka Sool, halkaas oo ay kor-meereen xarumaha dowladda ee ku yaalla. Xubnaha wafdigan ee booqashada ku tagay degmada Boocame ee gobolka Sool,waxaa kamid ah: wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Howlaha Guud, Wasiirka Deegaanka, Wasiirka Cadaalada iyo Wasiirka Warfaafinta, xildhibaanno iyo agaasimayaal wasaaradeed. Maamulka iyo shacabka degmada Boocame ayaa wafdiga ka socda dowladda ku soo dhaweeyay meel dhowr KM u jirtay degmada halkaas oo ay uga hortageen, mas’uuliyinta dowladda ayaana gacan qaaday dadweynihii soo dhaweeyay.Wafdiga ayaa soo dhaweyn ka kaddib aqalka martida ee degmada Boocame waxaa ay kula shireen mas’uuliyinta degmada iyo xubno ka socday bulshada qaybaheeda.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee dowladda Puntland, Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa uga warbixiyay booqashada ay wafdigaan ku yimaaden Boocame, waxuuna ku sheegay safarkooda inuu qab ka yahay ballan-qaadkii xukuumada Madaxweynaha Puntland Dr C/wali Gaas ee ahaa gaarsiinta maamulka iyo mashaariicda deegaamada ka baxsan laamiga.
http://allboocame.com/?p=28472
Garoowe [RBC Radio] Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland gaar ahaan Xarunta Jaamacada Bariga Afrika kaga qeyb galay xaflad balaaran oo lagu daahfurayey xarun dhismeed loogu talagalay Kulliyadaha Sayniska Gaar ahaan Waaxda Barashada Cilmiga Deegaanka ,Waaxda Barashada Caafimaadka iyo sidookale Maktabada Jaamacada Bariga Afrika Faraceeda Garoowe.
http://somali.raxanreeb.com/2014/11/mad ... a-sawirro/
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka bari ahna xarun ganacsiyeedka Puntland.
Soo dhaweynta Madaxweynaha iyo wafdiga uu hogaaminayo waxaa waxaa ka qeyb qaatay Wasiiro katirsan xukuumada Puntland,Maamulka Gobolka Barri,Maamulka Degmada Boosaaso,Hogaanka dhaqanka iyo qaybaha kale ee Bulshada ,kuwaasi oo diyaar garoow xoogan ugu jiray soo dhaweynta Madaxweynaha iyo wafdiga la socda oo ka soo kictimay magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Kar-kaar.
http://raadraacnews.com/Raadraacnews/20 ... ebpm6.dpbs
Golaha Wasiiradda Dawlada Puntland ayaa maanta meel mariyay Xeerka Guddiga Doorashooyinka Puntland,ka dib markii Golaha Wasiiradda ay isugu yimaadeen shirkooda Todobaadlaha ah,oo dhaca maalin kasta oo Khamiis ah.Shirka ayaa waxaa shir Guddoomiyanayay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Mudane Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay,waxaana Xeerka ay Golaha Xukuumaddu ansixiyeen uu saldhig u yahay hirgalinta Nidaamka Axsaabta badan eek u dhisan Dimuqraadiyadda.
http://puntlandi.com/sawiro-golaha-wasi ... -puntland/