

USC oo Addis Ababa Taalo looga dhisayo: :Siad Barre oo Xamar taalo looga dhisi rabo
[22/03/06]
Taalo USC ee Addis Ababa
Taalo Siyaad Barre ee Muqdisho
nin addunya joogow maxaa aragti kuu laaban!
Sida aan xog ku helnay labo taallo ayaa la qorshaynayaa in laga dhiso labo caasimadood oo afrikada bari ku yaal qorshayaashaas ayaan shaqo isku lahayn ee waqtiga ayuunbaa isku soo aaday. Magaalooyinkaas waa Muqdisho iyo Addis Ababa
Ujeedooyinka taalooyinkan ayaa iska soo horjeeda. Mid waa la shaacinayaa midna waa la qarinayaa oo waa qarsoodi.
Muqdisho waxaa la qorshaynayaa in sanadka soo socdo laga taago Taalo lagu xasuusan doono Maxamed Siyaad Barre iyo dagaalkii uu la galay Amxaaro iyo jabhadihii ay adeegsanaysay. Dadka qorshaha wadaa waxay u badanyihiin dhalinyaro wadaniyiin ah oo qabiil ka xoroobay oo u badan qabiilka Cayr iyo wadaado ayadoo la tuhunsan yahay in taladu ka timid walaalaha Galgaduud oo ka xumaaday markii Cabdilaahi Yusuf xaflad loogu damaashaadayo lagu qabtay Villa Somalo. Dhalinyadaan oo arrintan ka carooday waxaa ay u arkaan in meel looga dhacay wadanigii Siyad Barre iyo dagaalkii uu la galay Ethiopia iyo Abdilaahi Ysusf iyo jabhadihii uu horseedka u ahaa oo u adeegayay cadowga Soomaaliya. Waxaa kale oo aan meesha ka marnayn Wadaada oo ka xun isbahaysiga soo celinta nabadda iyo la dagaalanka argagixisada oo u badan haraadigii USC oo caadaystay shisheeye u kalkaalka. Siad Barre inkastoo uu la dagaalay wadaadada haddana weligii kama ganacsan shisheeyena kabaha una qaadin oo ma noqon shisheeya kalkaal.
Dhalinyadan ayaa aaminsan in keligii taliye Siad Barre uu ahaa wadanigii ugu danbeeyey ee Soomaaliya ka taliya wixii ka danbeeyeyna aanan la garanayn wax ay ku tilmaamaan.
Magaalada Addis Ababa warar sir ah oo aan xog hoose ku helnay ayaa sheegaya in xarunta madaxtooyada ama xarunta xoogga dalka Ethiopia midkood la qorshaynayo in laga dhiso Taalo sharf lagu maamuusayo jabhaddii USC iyo danahii ama guulihii ay u soo hoyisay Ethiopia. Dadweynaha Soomaaliyeed badankood waaba iska iloobeen waxaa ay la tacbaan sanyihiin wixii ay USC u keentay oo isu rogay dagaal oogayaal, isbaaro bad iyo beri dawlad la'aan, barakac, kufsi, dil, boob iyo bililiqo iyo amaan la'aan. Lama garanayo haykalka ay yeelan doonto taalada USC ee Ethiopia
Ethiopiayana USC waa looga damaashaadayaa oo guul weyn ayey u soo hoyisay mar haddiiba aan dib danbe loo arki doonin
Dawlad Soomaaliyeed oo xoog leh oo ka hortagta Ethiopia
Midnimada Soomaaliya oo aan dib danbe u jiri doonin oo fikraddii Somaliweyn ay bedeshay Somaliland, Puntland, Hiiraanland, Southwest land. Taalada USC ee Addis Ababa weligeed qarsoodi ma ahaan doonto koley waa tii ardadada iskuulada loogu dhhigaa isbedelka lixaadka leh iyo miisaanka military ee geeska Africa oo ay USC isbedel ku samaysay iyo weliba xuduudaha cusub ee ay USC samaysay.
USC waxaa ay fulisay danta Ethiopia waxaa ay u soo hoyisay guul aanay Ethiopia weligeed gaarteen. USC adigaa lahaa