Page 1 of 1

Dad boqolaal ah oo u badan taageerayaashii Imbagathi ayaa xa

Posted: Tue May 08, 2007 5:16 pm
by Hiiraan boy
ad boqolaal ah oo u badan taageerayaashii Imbagathi ayaa xalay ku baryey Xabsi dhulka hoostiisa ah oo ku yaala Villa Somaliya Gudaheeda. Dadkaan oo laga qab qabtay agagaarka Jidka Aadan Cadde ilaa Xaafadaha ku hareereysan loona qabtay sababo la xariira Qaraxii shalay ka dhacay aagaas ayaa xalay waxey ku baryeen Villa Somaliya ayadoo la sheegayo in uu Ina Xuubsireed oo ah Tafatirihii Idaamale adeerna uu u yahay Col.Yusuf uu dadkaas xalay ula dhaqmay si aad u xun iyadoo la sheegayo in uu mar walba biyo ku rusheynayey.

Wuxuu ku amrayey Maleyshiyaadka laga keenay Bari in ay ka soo saaraan in la sheego dadkii qaraxa ka danbeeyey nin ay qaraabo dhowyihiin Sargaalkii shalay gaarigiisa la weeraray oo diidey in magaciisa la shaaciyo ayaa sheegay in dadku kor u dhaafayaa 100 isagoo intaas ku daray in ay ku jiraan dumar wata caruur yaryar.

Wuxuuna inta ku daray in si aad u fool xun dadkaas loo la dhaqmay isagoo sheegay in gabdho indha shareer wata laga jeexjeexay. Ina xuubsireed ayaa si xun u la dhaqmayey dadka isagoo ku jeesjeesayey maxaabiista.