Ladagaalanka Xijaab

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Ladagaalanka Xijaab

Post by Hiiraan boy »

iidamada dowladda federaalka ee ku sugan isgoyska H/wadaag oo maanta boqolaal haween ah ku qasbay iney dhigaan indha shareerka

Haween tiradoodu ay gaareyso boqalaal oo ka mid ahaa dadkii marayey wadada wadnaha ee magaaladda Muqdisho, isla markaana xirnaa xijaabka islaamka ayey maanta ku qasbeen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee ku sugan isgoyska H/wadaag iney dhigaan niqaabka (Indha shareer) ay wejiga ku soo xirteen, xilli ay halkaasi weli ka socdaan howlgalo ay ciidamadu ku baarayaan guryaha, deegaankaasi ku yaala iyagoo baadi goob ugu jira cidii ka dambeysay miino lagu qarxiyey shalay gaari ay wateen ciidamo ka tirsan dowladda federaalka oo marayey wadada Aadan cadde, ayna ku dhaawacmeen ilaa 7 askari.

Sida ay sheegayaan dad goob joogayaaal ah Ciidamada dowladda federaalka ayaa halkaasi soo dhigay koley weyn oo ay ugu talo galeen in haweenka xiran indha shareerka ay ku ridaan insha shareerkooda, iyagoo markaa haweenka ay arkaan iney xiran yihiin indha shareerkana amar ku siinayey iney furto oo ka dibna ay ku rido koleygaasi, waxaana amarkaasi u hogaansamay haweenkii halkaasi maray maanta, inkastoo ay jireen kuwo tiro yar oo ka madax adeygay aarintaasi oo hase ahaatee markii dambe dhigay ka dib markii ciidamadu ugu hanjabeen haddii aysan dhigin iney xoog kaga fiiqi doonaan, waxaana la arkayey koleyga lagu gurayey indha shareerka oo indha shareero aad u fara badan ay ka buuxsameen.

Goobta ay ciidamada dowladdu haweenka kuwooda xiran indha shareerka kaga dhigayeen oo aheyd isgoyska H/wadaag ayaa haweenkii laga dhigay waxay kala kulmeen weji gabax dadweyne halkaasi soo dhoobtay oo daawanayey waxa halkaasi ka socda, lamana oga waxa keenay in ciidamadan ay maanta ku kacaan falkaasi, waxaana dad badan ay isweydiinayeen sababta ku qasabtay ciidamada dowladda federaalka ee ku sugan isgoyska H/wadaag iney arintan ku kacaan, iyadoo uusan jirin amar lagu mamnuucayo indha shareerka ay haweenku xirtaan oo ka soo baxday mas’uuliyiinta sare ee dowladda federaalka Soomaaliya.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”