Max'ed Dheere: " Waxba kama ogi Indho shareerada la gubayo"

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Somali-Transporter
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4064
Joined: Thu Jun 15, 2006 8:19 pm
Location: ******
Contact:

Max'ed Dheere: " Waxba kama ogi Indho shareerada la gubayo"

Post by Somali-Transporter »

Maamulka gobolka Banadir ayaa sheegay in aanu jirin wareegto ay soo saareen oo ay ku mamnuuceen qaadashada Indho Shareerka ay xirtaan dumarka, xilli dhoowaan qaar ka mid ah ciidamada dowladda KMG ah ay gubeen indho shareero ay xoog kaga siibeen haween Somaliyeed oo marayay wadooyinka magaalada Muqdisho.

Hadalkaan ayaa waxaa sheegay gudoomiyaha gobolka Banadir ahna duqa magaalada Muqdisho Max'ed Cumar Xabeeb Max'ed Dheere oo shir jaraa'id ku qabtey xarunta gobolka Banadir.

Max'ed Dheere ayaa ku tilmaamay falkaan indho shareerka ay ciidamada dowladda uga qaadanayaan in ay wataan dad gooni ah oo wata dano gaar ah, isla markaana uu ku amray ciidamada in ay joojiyaan falalka ceenkaasi oo kale.

Gudoomiyaha gobolka Banadir mar uu ka hadlayay qaraxyada ka dhacaya magaalada Muqdisho maalmahaan ayaa waxa uu sheegay in ciidamada dowladda KMG ah ay u soo qabteen dad badan oo uu sheegay in ay yihiin kuwo ka dambeeya qaraxa halka kuwo kalena ay yihiin kuwo lagu tuhmayo, isla markaana la marsiinayo sharciga.

Max'ed Dheere ayaa sheegay in maamulkiisa uu abaalmarin dhan 5 Million siin doono cidii soo sheegta guri lagu qarinayo walxaha qarxa ama goobo kale, isagoo sheegay in arintaan looga gol leeyahay in lagu yareeyo qaraxyada ka dhacaya qeybo ka mid ah Muqdisho.

Waxa uu ugu baaqay shacabka Muqdisho in ay la shaqeeyaan maamulka gobolka Banadir si loo soo celiyo nabadda iyo kala dambeynta.

Max'ed Dheere ayaa sidoo kale soo hadal qaaday burburinta goobaha sharci darrada ah oo ay ciidamada dowladda ku hayaan, isagoo in dadkii daganaa hareeraha laamiyada in ay badda biyo u doontaan sida u hadalka u dhigay, halka kuwii kale ee dhismayaasha ku lahaa goobaha la burburiyay in la siin doono goobo ay ku ganacsadaan.

Hadalka Max'ed Dheere ayaa ku soo beegmay xilli maalmahaan ay ciidamada dowladda KMG ah ay wadaan isgoysyada H/wadaag iyo Aadan Cadde howlo ay dumarka kaga qaadayaan indho shareerka isla markaana ay dab ku qabadsiinayeen wadada.

Click here to find shabelle news in english

Shabelle Media Network Somalia
E-mail us: info@shabelle.net
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”