Midowga Yurub iyo Masar oo ku baaqay in Ciidamada ay ka baxa

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Somali-Transporter
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4064
Joined: Thu Jun 15, 2006 8:19 pm
Location: ******
Contact:

Midowga Yurub iyo Masar oo ku baaqay in Ciidamada ay ka baxa

Post by Somali-Transporter »

Midowga Yurub iyo Dowladda Masar ayaa ku baaqay in Dalka Somalia laga qabto shir dib u heshiisiin qaran oo buuxa.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Masar Axmed Abul Gheit ayaa sheegay in xukuumadda Qaahira iyo Midowag Yurub ay boorinayaan dadaalada loogu guuleysanayo shir dib u heshiisiin qaran oo buuxa oo dalka ka dhaca iyo in Ciidamada Ajnabiga ah ay dalka ka baxaan.

Kadib wada hadallo uu la yeeshay wakiilka Midowga Yurub ee Somalia Jean-Christophe Belliard ayaa Abul Geit waxa uu weriyayaasha u sheegay in labada dhinac ay wadaagaan fikradaha ku saabsan xaaladda Somalia.

Waxa kale oo uu sheegay in labada dhinac ay wadaagaan muhiimadda ay leedahay in shirka dib u heshiisiinta qaran ee Somalia ay ka qeyb galaan dhammaan kooxaha iska soo horjeeda.

Abul Geit ayaa sheegay in dagaaladii dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia ay halis geliyeen nolosho dadka rayidka ah waxaana uu ugu baaqay dhammaan dhinacyada Soomaalida inay ku dadaal bixiyaan sidii aysan dagaaladaasi dib ugu soo noqon lahayn.

Dowladda KMG ah ee Somalia waa inay dedejisaa diyaarinta shirka dib u heshiisiinta qaran, ayuu yiri Abul Geit oo intaa ku daray in Masar iyo Midowga Yurub ay dalbanayaan in beesha caalamka ay shirkaasi marti geliso.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”