Page 1 of 1

Gacanku dhiiglihii Dilka toogashada ku dilay Maayarka Ceel-A

Posted: Thu May 10, 2007 7:22 pm
by Enemy_Of_Mad_Mullah
Gacanku dhiiglihii Dilka toogashada ku dilay Maayarka Ceel-Afweyn ee Gobolka Sanaag oo Ay Qabteen Boolisku

--------------------------------------------------------------------------------



()
hadhwanaag 2007-05-10 (Hadhwanaagnews) Cilmi Ismaaciil Yuusuf oo shalay dil toogasho ah ku diley Maayarkii Degmada Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag, Marxuum Maxamed Cilmi Cali.
Gacan-ku-dhiiglaha ayaa baxsaday markii uu dila geystay shalay duhurnimadii sida uu ku soo waramayo weriyaha shabakada wararka ee Hadhwanaag ee magaalada Burco inuu saaka isu dhiibey Booliska, kadib markii boolisku xalay boolisku isku xeeray guri ku yaalla magaalada Ceel Afweyn gudaheeda oo uu ku dhuumanayey Gacan-ku-dhiigluhu, halkaas oo la sheegay in ninkaas iyo Boolisku ay rasaas isku weydaarsadeen.
Lama sheegin wax khasaare ah oo ay rasaastaasi geysatey, balse, waxa la sheegay in ninka dilka geystey uu booliska ku ridey rasaas uu isku difaacayey, markii ay rasaastu ka dhammaatayna uu is dhiibey saaka.

Hadhwanaagnews.com/Burco

Re: Gacanku dhiiglihii Dilka toogashada ku dilay Maayarka Ceel-A

Posted: Thu May 10, 2007 7:28 pm
by Somaliman%
Good job Very Happy

Re: Gacanku dhiiglihii Dilka toogashada ku dilay Maayarka Ceel-A

Posted: Thu May 10, 2007 8:31 pm
by PragmaticGal
"Gacanku dhiiglihii dilka toogashada ku dilay..."

Seems redundant. Gacmihiisa maxaa dhiigeeyay haduu toogasho qof ku dilay?