Maxamed Xabeeb denies anti-muslim dress accusations
Posted: Thu May 10, 2007 8:50 pm
Muqdisho: "Amar aan ku bixinay in dumarka laga qaado indha shareerka ma jiraan" Maxamed Dheere.
Muqdisho(AllPuntland)- Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maamulkiisa uusan ka war qabin amar la siiyay ciidamada dowladda oo faraya in haweenka heysta indha shareerka in laga xayuubiyo.
"Amar aan ku bixinay in dumarka laga qaado indha shareerka ma jiraan, waxaana farayaa kuwa geysanaya falkaasi in ay joojiyaan" ayuu yiri Maxamed Dheere Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho oo maanta shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Muqdisho.
Maxamed Dheere ayaa sheegay in falkaasi lagula kacayo haweenka asturan ee heysta indha shareerka uusan maamulkiisa ka soo bixin in laga dhigo cidii heysata indha shareerka, wuxuuna ugu baaqay kuwa geysanaya ee ka tirsan ciidamada in ay iska joojiyaan.
Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa ciidamada dowladda ee ku sugan isgoyska Howlwadaag waxay wadeen howlgalo lagula dirirayo haweenka heysta indha shareerka iyagoo ka qaadayey kadibna gubayey, taasoo keentay in dad badan ay caro ka muujiyaan.
Cali Muxiyaddiin Cali
AllPuntland, Muqdisho