Xildhibaan Shire. Waxaa laga yaabaa in Laascaanood la keeno Ciidamo Ethiopian ah
Warkii 11-May-2007 iyo Qormadii: C/lahi Axmed Barkhadle (C/lahi Bookh)
xildhibaan Maxmed cali shiriye oo ka mid ah xubnaha Barlamaanka D.F.K ugu jira Gobolada S.S.C ayaa dhawaan waraysi uu siiyey idaacada Radio Laascaanood waxa uu ku sheegay waraysigaasi in Magalada laascaanood ay imanayaa Ciidamada Ethiopia Hadii loo baahdo waxa uuna Carabka ku dhuftey in ay Magalada Laascaanood Joogaan Kooxo Lagu tilmaani karo Argagixiso wuxuuna sheegay in Cidii Shacabka Dhibaato ku haysa laga qabanayo
, Xildhibaanka ayaa waxa uu Eed kulul usoo jeediyey xubnaha u dhashay S.S.C ee ku jira maamulka Puntland iyo Maamulka Soomaalliland waxa uuna sheegay inuu ragga ku jira maamuladaasi aysan laascaanood ka furin hal school maanta ilaa maalintii maamuladaas la sameeyey sidaa awgeed wuxuu yidhi nimankaas waxaan u aqaanaa niman shaqo tagey ee maaha niman matala shacabka S.S.C , waxa kale oo uu Shiriye Argagixiso ku sheegay Shirkada Kaliya ee Magalada laascaanod Koronta ka hab tirtey ee lesco Lana Odhan karo nimanka shirkadaasi ku midoobey Ilaahay khayr ha siiyee waa Shakhsiyaad Horumarka Balaadhan kusoo kordhiyey Magalaada mudadii Dowlad La'aanta iyada oo aysan Magalada Koronta Tayo leh ka jirin iyaga ka hor Cajiib wax kale oo uu qabto iska daaye korontadii ayuu rabaa xildhibaan shiriye inuu ka jaro Magalada laga soo doortey ee laascaanood , Hadaba Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa maroodigu takarta saaran ma arkee ka kale takarta saaran ayuu arkaa Xildhibaan shiriye oo ka mid ah 8da xildhibaan ee Gobolada S.S.C ugu jira Dowlada federalka ah ayaan shacabka S.S.C wax ay u qabtaan iskadaaye waxay u quudhi waayeen inay bal laascaanood ama buuhoodle ama ceerigaabo inta ay tagaan inay soo arkaan nolosha Shacabka ay Matalaan ku noolyahay Waxay Markasta oo madaxweyne C/lahi yuusuf Yimaado Puntland kala noqon jireen Gaalkacyo iyo Garaawe , Hadaba waxaa la odhan karaa dhamaan nimanka siyaasada soomaalida hada Ugu jira Gobolada S.S.C waa isma dhaanto iyo dhasheed ama ha ahaado mid ku jira Dowlada federalka Ama maamulka puntland
Talo u soo jeedi Shacabka S.S.C
hadaba waxaan usoo Jeedinayaa Shacabka Mawaadiniinta ah ee S.S.C inay Nimanka Danaystayaasha ah ee Cashuurta Dadka masaakiinta ah laga Qaado ku naaxay inay iska qabtaan oo Meel uga soo wada jeestaan Isla markaasna Hadii aysan wax kale ka qabin karin ay ku mudaharaadaan Marka ay yimaadeen Dhulka S.S.C Siyaasiyiinta S.S.C ee hada ku jira siyaasada Soomaaliya ayaa ah kuwo Lagu arko dhulka S.S.C xiliga doorashadu soo dhowdahay Hadaba shacabka hadii aynu nahay hadii aynu Go'aan mideysan ka qaadano oo hal meel uga soo wada jeensano ama wey toobad keenin ama kursiga ayey waayin marka idinku hadii aad tihiin shacabkiii danihiina guud hal meel uga soo wada jeesta Wadajir bay labo Gacmood wax ku qaban karaan waxaan u rajeynayaa Shacabka S.S.C Guul
C/lahi Axmed Barkhadle (C/lahi Bookh)
Atlanta Georgia ,U.S.A
Shire:Waxaa laga yaabaa in Laascaanood la keeno Ciidamo Ethi
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- Hiiraan boy
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 4756
- Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
- Location: California
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 304 Views
-
Last post by Twisted_Logic
-
- 5 Replies
- 837 Views
-
Last post by sahal80
-
- 4 Replies
- 609 Views
-
Last post by zingii
-
- 0 Replies
- 354 Views
-
Last post by snm_soulja_18
-
- 10 Replies
- 747 Views
-
Last post by Phinks
-
- 16 Replies
- 9536 Views
-
Last post by Queen_Arawello
-
- 4 Replies
- 532 Views
-
Last post by Conqueror
-
- 5 Replies
- 568 Views
-
Last post by Gubbet
-
- 1 Replies
- 516 Views
-
Last post by Cali_Gaab
-
- 1 Replies
- 498 Views
-
Last post by JSL3000